Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay marxuum- Axmed Jaamac Jangelli, oo ahaa siyaasi caan ah oo ku geeriyooday dalka Maraykanka dabayaaqadii todobaadkan.
Dhambaal tacsida ah oo ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu Tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Asxaabtii, iyo Qoyskii uu ka baxay MARXUUN AMB. AXMED JAAMAC JANGELI oo ku Geeriyooday Dalka Maraykanka.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ILAAHAY uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.”
Axmed Jamaac Jangali wuxuu dawladii la isku odhan jiray Soomaaliya ee burburtay sanadkii 1991-kii uu ka soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada, Safiirka Soomaaliya ee dalka Ingiriiska waxa kale oo uu xilal badhasaabnimo xiligii lixdamaadkii Hargeysa, Laascaanood iyo Booreme.
Araweelonews Mobile
Somalialnd Office
E-mail info@araweelonews.com