Djibouti(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa manta si rasmi ah u soo magacaabay Xukuumad cusub, iyadoo xubnaha xukuumadda cusub
uu ugu horreeyo Raysal-wasaaraha dawladda Djibouti, kadib markii uu shalay iscasilaad u gudbiyey Raysal-wasaarihii hore ee dalkaa Dellayta Maxamed Dellayta.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka duulaya is-beddelka doorashadii dhinaca Baarlamaanka ee bishii labaad ee sannadkan ka qabsoontay dalka Jabuuti, waxa uu sameeyey Xukuumad cusub oo ay ku yar-yihiin xubnaha ku cusub ee aan hore uga xilal uga soo qaban Xukuumaddii hore ee Raysal-wasaare Dhilayte Maxamed Dhillayte oo isagu shalay is-casilay. Waxaanu Madaxweyne Geelle Raysal-wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu u magacaabay Cabdilqaadir Kaamil Maxamed oo wax ku soo bartay waddanka Faransiiska oo uu ka baxay Jaamacad ku taalla, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay Xisbiga madaxtooyada iyo dawladda Jabuuti.
Xoghayaha guud ee Madaxtoooyada Jabuuti Maxamed Xasan, ayaa Warbaahinta u akhriyey shalay magacyada xubnaha cusub ee Golaha Xukuumadda Jabuuti, oo uu ugu horreeyo Raysal-wasaaraha oo loo magacaabay Cabdilqaadir Kaamil Maxamed. Waxaana xubnaha Xukuumadda la magacaabay ay ka kooban yihiin 19 Wasiir iyo Saddex Xoghaye. Liiska magacyada Xukuumadda cusub ee Jabuuti ee uu akhriyey Xoghayaha guud ee madaxtooyada Jabuuti waxa uu u dhigan yahay sidan:-
1- Cali Faarax Casoowe; Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Jeelasha iyo Xuquuqda Aadamaha qaabilsan waxa
2- Ilyaas Muuse Abu-dawaale, Wasiirka Maaliyadda, Dhaqaalaha, qaabbilsanna Wershadaynta
3- Xasan Dharaar Hufane: Wasiirka Gaashaandhigga
4- Maxamuud Cali Aw-Yuusuf: Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah
5- Xasan Cumar Maxamed Burhaan: Wasiirka arrimaha gudaha
6- Buuni Axmed Rooble: Wasiirka Miisaaniyadda
7- Dr. Qaasin Isaaq Cusmaan: Wasiirka Caafimaadka
8- Dr. Jaamac Cilmi Cokiye: Wasiirka Waxbarashada Qaranka iyo Tabobbarka Xirafaha
9- Dr. Nabiil Maxamed Axmed: Wasiirka Tacliinta sare iyo Cilmi-baadhista
10- Maxamed Axmed Cawaale: Wasiirka Beeraha, Taranka Xoolaha iyo Ka faa’iidaysiga khayraadka Badda
11- Muuse Axmed Xasan: Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabaynta
12- Aadan Xasan Aadan: Wasiirka arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Hantida Waqfiga
13- Cali Yacquub Maxamuud: Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Debeeciga ah
14- Cali Xasan Bahdoon: Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo War-is-gaadhsiinta
15- Cabdi Xuseen Axmed: Wasiirka Shaqada iyo Dib-u-habaynta Maamulka
16- Maxamed Muuse Ibraahim: Wasiirka Hoyga, Magaalaynta iyo Deegaanka
17- Xasna Barkhad Daa’uud: Wasiirka horumarinta arrimaha Haweenka iyo horumarinta Qoyska
18- Axmed Cali Sillaay: Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah
19- Xasan Axmed Bullaale: Wasiirka Ganacsiga, Farshaxanka iyo Dalxiiska
20- Sahra Yuusuf Qayaad: Xoghaye-dawladeedka Istaageerisa Qaranka
21- Aamina Cabdi Aadan: Xoghaye-dawladeedka qaabbilsan guryeynta
22- Dabiil Xasan Dabiil: Xoghaye-dawladeedka Dhallinta iyo Ciyaaraha.
Xubnaha Xukuumaddan ku cusub ayaa ah shan xubnood oo keliya, halka xubnaha inta kale ay isugu jireen masuuliyiin xilal ka soo qabtay Xukuumaddii hore iyo kuwo shaqaale ka soo ahaa Hay’adaha dawladda ee Jamhuuriyadda Jabuuti.