Hargeysa(Araweelo News Network)Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii ururkaa Xasan Maxamed Yuusuf kadib

 

markii uu ka dhex bilaabmay khilaaf culus oo ku saabsan qabashada shirweynaha shanaad waqtigiisu joogo.

Sida ay sheegeen Xubaha gudida Fulinta oo Shir Guddiga Fulinta ee SOLJA ku yeesheen xafiiskooda maanta, kadib qoraal saxaafedee ay soo saareen ku sheegay sidaa, waxayna shirkaa kaga dhawaaqeen inay gebi ahaanba xilka ka xayuubiyeen Guddoomiyahoodii Xasan Maxamed Yuusuf, taas oo ay sabab uga dhigeen eedeeymo ah  inuu jebiyey shuruucdii u taalay ururka.

War-saxaafadeed shirkaasi uu ka akhriyey guddoomiye-ku-xigeenka ururku, waxa uu u qornaa sidan; “Kulan ay maanta xarrunta Ururka ku yeesheen xubnaha Guddida Fulintu waxa ay xilkii Guddoomiyenimo kaga qaadeen Md. Xasan Maxamed Yuusuf oo hore u ahaa Guddoomyaha Guddida Fulinta, arrintaas oo ka dhalatay ka dib markii Md. Xasan Maxamed Yuusuf ku tallaabsaday falal isugu jira budhcadnimo, isla markaanna uu u qaatay asad iyo qalab xafiisku leeyahay sifo sharci-darro ah.

Ta kale, waxaannu halkan fariin uga diraynaa xubnaha sharafta muddan ee suxufiyiinta ah ee uu guddoomiyaha SOLJA ku magacaabay guddida qaban-qaabadda shirweynaha, kuwaasoo aannu uga digayno inay ku hodmaan dabinka farsamo-xumaystay. Maadaama guddoomiyaha laftiisu qiray in aanu lahayn awood sharciyeed ee ay tahay in guddida fullintu go’aan ka gaadho. Hawshaasina dhamaatay,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Guddida Fullinta ee SOLJA.

Dhinaca kale, Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in guddida fullinta ee SOLJA xilku ka dhamaaday, isla markaana aanay isaga iyo xubnahaasiba xilligan wax xil ah ka hayn ururka, hawshii ururkana lagu wareejiyey guddida qabanqaabada shirweynaha shanaad ee SOLJA.

“Arrinka ku saabsan xil ka qaadistayda, waxaan hore u sheegay in aanan guddoomiye-ba ahayn, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa; ‘Malakul-mawd muxuu meel madhan ka qaadi.’ Horta annigu xilba maan hayn, guddida qabanqaabada shirweynaha ee aan magacaabay ayaan xilka ku wareejiyey,  iyaga ayaanan u tiriyey xafiiska, waanad waydiin kartaan inay hayaan shaambadii iyo documantiyadii kale ee xafiiska, haddii aad ka soo waydaana annigaa xaday siday sheegayaan, waxaanan leeyahay waxaas yaanan cimri-dherer laga dhigan, waanu dhacnay, sida aan warbaahinta uga sheegay ayey daacad iga tahay inaan xilba ka hayn SOLJA, xataa guddi fulineed ayaanan ka ahayn ururka, markaa yaanay cimri dherer ka dhigan cid baannu xil ka qaadnay, waxanina way dhamaadeen ee dadka meesha ha loo baneeyo,” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *