Sanca(ANN) Alla Hawnaxariistee waxa maanta dalka Yaman ku geeriyooday Marxuum  Siciid C/llaahi  Axmed  ( Ina Naalatuur ) oo ahaa Ganacsade Wayn oo ka mid ahaa Ganacsatada Jamhuuriyada Jabuuti ee kasoo jeeda Somaliland. Waxaana Marxuumka maanta

lagu aasay dalka Yeman, halkaas oo loo geeyay xaalad caafimaad.    Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Shacbiga Reer Jabuuti isaga oo ka Tacsiyadaynaya GeerIida ku timid MARXUUM SICIID CABDILAAHI AXMED ( NAALATUUR ) oo ahaa Ganacsade Wayn oo ka mid ahaa Ganacsatada Jamhuuriyada Jabuuti.
MARXUUMKA oo Qayb Weyn ka soo Qaatay madaxbanaanidii iyo Xornimadii Jabuuti waxa kale oo uu qayb weyn ka soo qaatay MARXUUMKU Hal-gankii SNM ee lagu Baadi Goobayey dib u soo noolaynta Madaxbanaanidii, iyo Qaranimada Somaliland.
MARXUUMKA oo ku geeriyooday Wadanka Yaman laguna Aasay maanta oo Axad ah (24/04/2011), Dalka Jabuuti, Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, waxa uu MARXUUMKA ALLE uga baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Qoyskii, Ehelkii, iyo  Dhamaan Shacbigii  uu ka baxayna uu samar iyo Iimaanka siiyo.

INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Dhinaca kale  shebekada Araweelonews waxay tacsi taa la mid ah u diraysaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *