Jilayaasha Barnaamijkan oo Noqday Calooshooda-u-shaqaystayaal huwan Shaadh Beelaysan oo ka Jawaaba Dhaliilaha Xukuumadda loo soo Jeediyo
By:Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Maamulka Telefishanka Qaranka, ayaa bilaabay barnaamijkii weji-ku-macaashka ee ay magaca kula baxday xukuumadii talada dalka lagaga guulaystay ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Barnaamijkaas oo ah mid lagu soo abaabulayo dad ka mid ah bulshadda, kuwaas oo xukuumadda ka difaacaya eedaymaha loo soo jeediyo, isla markaana ku hadla hadalo aan xaqiiq ahayn oo beelaysan.
Sabtidii shalay abbaaro 11:00 subaxnimo ayey ahayd markii hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa oo aan fadhiyey ay soo galeen koox isugu jiray odayaal iyo dhallinyaro, kuwaas oo uu hor kacayey Agaasimaha Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, isla waqtigii ay soo galeen way buuqaayeen sawaxankooduna aadbuu u dheeraa, wax ismaqal ahin kamuu dhex jirin, waxaanay ku murmaayeen halkaa aynu fadhiisano iyo fadhiisan mayno.
Intaa kadib, waxa hadalkii qaatay oo ay dhegaysteen Mr. Dhuxul, waxaannu ku yidhi halkan fadhiista oo hadla, isla markaana waxa uu amar siiyey mid ka mid ah sawir-qaadayaasha Telefishanka Qaranka oo uu ku yidhi ka duub, cajaladana tv-ga inoogu keen.
Wuxuu la hadlay Mr. Dhuxul mudalabkii hudheelka, isagoo u sheegay inuu u keeno wax alle waxay cunayaan amma ay cabayaan. Waxaannu ku wargeliyey nimankaas uu la socday inay iska tagayo, isla markaana ay iska sii wataan hawsha ay hayeen.
Waxay bilaabeen raggii hadallo uu nuxurkoodu yahay; “Waxaannu taageersanahay xadhiga uu madaxweynuhu xidhay maamulkii Shirkadda TOTAL iyo heshiiskii uu kala noqday, waxaannu leenahay madaxweynaha haddaannu reer hebel nahay annagaa ku garab taagan, kuguna taageersan tallaabo kasta.”
Kooxda hudheelka ka hadlaysay waxay sheegeen inaanay reerkodoa metelin koox kale oo maalintii Khamiista saxaafadda kula hadlay Hargeysa oo xukuumadda ku cambaareeyey xadhiga maareeyaha TOTAL, Waxa sidoo kale ii caddaatay inay dhacdadaasi ahayd mid muujinaysay mid ay xukuumaddu dabada ka wado oo ay kagaga galgalanayso eedaymaha dhawaan ay u soo jeedinaayeen qaybo ka mid ah bulshadu.
Arrintan oo kale ayaa dhawr habeen ka hor dhacay, kadib markii Telefishanka Qaranka laga sii daayey odayaal sheegaayey inay taageersan yihiin shirka uu weftigii Wasiirka Arrimaha Guduhu hoggaaminayey, iyaga oo beel ahaana sheegayana inay Wasiirka Arrimaha Dibadda isku beel yihiin. Arrintaasi ah mid aad u fool xun, maadaama wasiirka arrimaha dibaddu yahay masuul qaran oo dawladdu iyo dadweyne kala duwan oo badaniba ku taageeraan shirarka uu dibadaha kaga qaybgalo oo muhiimad ballaadhan u leh qaranka Somaliland.
Waxa sidoo kale arrintan kuu muujinaaya dhacdooyin loogu diiday in laga baahi Telefishanka Qaranka qudbadihii 18ka May ee Axmed Mire iyo Muj. Ibraahim Dhega-weyne, ay ka jeediyeen dalka Ingiriiska iyo qaybo badan oo bulshadaha ah oo ay si cad u diideen inay baahiyaan, iyadoo Telefishanka Qaranku yahay mid cashuurta bulshada reer Somaliland ku shaqeeya.
Haddaba, dhacdooyinkaas iyo kuwo kale oo badani waxay ka mid ahaayeen kuwo xukuumadda madaxweyne Axmed-siilaanyo ku dhaliili jirtay xukuumaddii ka horreysay ee madaxweyne Rayaale, kuwaas oo eedooda u adeegsan jiray in aan Telefishanka Qaranka loo sinayn.
Barnaamijka loo yaqaano ‘Weji-ku-macaash’ oo ahaa mid aad u soo caanbaxay waqtiyadii ololaha ee ay khilaafaadkii siyaasadeed taagnaayeen oo marka kooxi hadashaba ay xukuumaddu diyaarin jirtay koox u jawaabta oo ay isku beel yihiin. Kaasi oo xilligaa xukuumaddi Rayaale weji gabax badan iyo dhaliilo kala kulan tahay, balse hadda barnaamijkan ayaa haddii dib loo bilaabo dad badan xasuusin doona fool-xumooyinkii TV-ga Qaranku xilliyadaasi samayn jiray.
Ugu dambayntii tallaabooyinkan waa qaar curyaamin kara siyaasadda ay ku socoto xukuumadda, isla markaana muujinaaya inay dawladdu ka leexatay ballanqaadkii ay dadka u ballanqaadi jirtay inay wax badan siyaasadda warbaahinta dawladda ka beddeli doonto. Haddaba barnaamijkan ayaa sidoo kale haddii uu sii socdo khilaaf weyn ka dhex abuuri kara bulshada, kaas oo si weyn u soo xasuusiyey waqtigii xukuumaddii madaxweyne Rayaale.
Madaxweyne Siilaanyo oo ah siyaasi ruug caddaa ah ayey u taal tallaabada uu ka qaadi doono barnaamijka la-magac baxay weji-ku-macaash, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo markii uu xilka la wareegay dhawr bilood ka hor sheegay in aanay wasaaradda warfaafinta iyo warbaahinta qaranku noqonayn meel xukuumadda looga guul wadeeyo, balse ay noqon doonaan meelaha laga dhisayo qaranka ee laga toosinayo, isla markaana waxa mudooyinkaa telefishanka qaranka loo diiday odayaals noocyada weji ku macaashka ah oo doonayay inay xukuumadda taaageeraan. Si kastaba ha ahaatee talaabooyinkan ayaa loo arkaa kuwo u muuqda inay telefishanka qaranka ku celinayaan qaabkii uu u shaqayn jiray xiligii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale. Waxa kale oo wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Cabdillaahi Geelijire xiligii uu wasiirka ahaa warbaahinta qaranka ka mamnuucay in laga baahiyo cid ku hadlaysa magac beeleed.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *