Hargeysa (ANN)- Xaflad loo sameeyey 50 arday oo dugsiga Al-nasri ka bartay akhriska Soomaaliga iyo xisaabta, ayaa shalay lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, taas oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyey.

Xafladda ardayda loo qabtay oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay, masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashadda Somaliland, Guddoomiyaha ururka wadaniga ah ee SOGENA Marwo Hindi Xirsi Obsiye, maamulka dugsiga Al-nasri, waalidiinta ardayda iyo marti-sharaf kale oo lagu soo casuumay.

Maamulaha Dugsiga Al-nasri Mr. Cumar Muxumed Shirwac oo ugu horrayn xafladaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey taariikhda dugsiga Al-nasri iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray. Waxaannu sheegay in dugsiga la aasaasay sannadkii 2005, isla markaana ay mudadaasi ka qalin jabiyeen toddoda dufcadood oo kala dambeeyey, iyada oo ardayda shalay shahaadooyinka la siiyey ee tiradoodu gaadhayso 50 arday yihiin dufcadii 8aad ee wax ka barata dugsiga Al-nasri.

“Ardaydani waxay barteen akhriska Soomaaliga iyo xisaabta, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa Guddoomiyaha ururka SOGENA oo marwalba dugsigan la garab taagan taageero hiil iyo hooba leh, imika ardaydan qalin jabinaysa waxay xirfado kale oo waxbarasho geysay 15 arday, inta kalena waxaan ka rajaynayaa inay xirfado u raadin doonto. Anaguna waxaannu ku dedaalaynaa in aanu intii garaankagaya ah waxbarasho ka haqabtirno ardayda wax ka barata dugsiga Al-nasiri,” ayuu yidhi maamulaha dugsiga Al-nasri oo hadal ka jeediyey xafladda shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey ardayda.

Guddoomiyaha Ururka wadaniga ah ee SOGENA oo dhinaca waxbarashadda ka taageera dugsiga Al-nasri Marwo Hinda Xirsi Obsiye oo iyaduna hadal ka jeedisay xafladaasi ayaa sheegtay inay aad ugu dedaali doonaan sidii ay ardayda dugsiga Al-nasri uga caawin lahaayeen dhinaca waxbarashadda.

Marwo Hinda Xirsi Obsiye oo arrintaa ka hadlaysayna waxay tidhi; “Waxaan salaamayaa ardayda iyo maamulka dugsiga, runtiina aad baan ugu faraxsanahay in aan idin kala soo qaybgalo xafladan shahaadooyinka lagu guddoonsiinayo ardayda baratay Soomaaliga iyo xisaabta oo ah furaha u horreeya ee laga galo waxbarashadda.

Hadaannu nahay ururka SOGENA waxaannu aad ugu dedaali doonaa in aanu dhinaca waxbarashadda idinka taageerno. Hore waxaan waxbarasho dhinaca xirfadaha ah u gaynay 20 arday, inta kalena waxbarasho dhinaca xirfadaha la xidhiidha waanu u haynaa oo waanu gayn doonaa.”

Masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada Somaliland oo iyaguna xafladdaasi ka hadlay, ayaa dugsiga Al-nasri ku hambalyeeyey dedaalka uu ugu jiro sidii da’yarta waxloo bari lahaa, iyaga oo xusay in ardayda baratay qorista iyo akhrinta Soomaaligu uu hadda u furmay albaabkii ay ka geli lahaayeen waxbarashadda iyo tacliinta sare, waxayna ardayda ku booriyeen inay ku dedaalaan sidii ay u sii wadan lahaayeen tacliintooda oo ah iftiinka bulshadda.

Maamulayaal, macallimiin iyo arday Jaamacadda Hargeysa ka baxay oo iyaguna goobtaasi hadalo ka jeediyey ayaa ka xogwaramay faa’iiddada waxbarashadda iyo sida loogu baahan yahay in loo wada guntado sidii da’yarta wax loo bari lahaa, gaar ahaan wax akhriska iyo xisaabta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *