Hargeysa(ANN)Xuska Munaasibada 8 March ee maalinta Haweenka Aduunka oo ku beegnayd shalay oo ahayd Jimce ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, munaasibadaa oo si weyn loo agaasimay waxa soo qabanqaabiyay Daladaha Haweenka ee

Ururka Haweenka qaranka iyo dhalaanka ee Now iyo Nagaad oo ah dalada ugu weyn ee ay ku bahoobeen Ururada Haweenka Somaliland.

Munaasibadaa waxa ka qaybgalay Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Aamina Weris oo ka warantay doorka Haweenka ee horumarka dalka iyo dhismaha qoyska.

 

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo hadal ay ka jeedisay munaasibadaa  ku dheeraatay waxyaabaha u qabsoomay Haweenka Somaliland mudadii xukuumadani jirtay, iyadoo sheegtay inay dumarku heleen fursado badan oo horumarineed, balse waxay dhinaca kale tilmaamtay sida loogu baahan yahay inay haweenku cududooda mideeyaan, taas oo ay kaga qayb qaadan karaan horumarka dalkooda.

 

Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde oo gebagebadii munaasibadaas ka hadashay ayaa hambalyo iyo boogaadin u dirtay Haweenka Somaliland xuska maalinta haweenka Aduunka awgeed marwa aamina waxa ay golayaasha Qaranka ka codsatay inay meel mariyaan kootada haweenka kaga qaybqaadanayaan Doorashooyinka Baarlamanka, iyadoo isla markaana usoo jeedisay haweenka Somaliland inay gacmaha is qabsadaan iskuna taageeraan hawlaha kala duwan ee Qaranka.

 

Waxa kale oo halkaa iyaguna ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay munaasibadaas iyo Arimaha haweenka Somaliland ee Xiligan halka ay marayaan.

 

Dhinaca kale xaflado sidan oo kale ah oo lagu xusayey munaasibada Haweenweynaha aduunka ee ku beegan 8 March ayaa lagu qabtay meelo kala duwan oo gobolada dalka ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *