Somaliland waxay todobaadyada soo socda u dabaaldegaysaa sanad guuradii 23aad ee kasoo wareegtay markii ay xoriyadeeda lasoo noqotay, taas oo lagaga dhawaaqay shirweynihii Burco ee 18 May 1991. Kadib halgan

dheer oo ay xoogagii Ururkii hubaysnaa ee SNM la galeen taliskii Maxamed Siyaad Bare.

Somaliland waxay soo martay tan iyo xiligaa marxalado iyo duruufo kala duwan oo ay kala dhaxleen nidaamyadii dawladeed ee ay soo martay. Somaliland weli  dunida kama helin aqoonsigii ay uga baahnayd oo wax badan ka tari lahaa horumarka dhinacyada dhaqaalaha iyo guud ahaanba shaqo la,aanta.
Doorashooyinka ka dhacay Somaliland sanadii u danbeeyay ayaa ku khasbay in ay indhaha beesha caalamku soo eegaan. Sidoo kale amaanka iyo geedi socodka ayaa dhanka dumuqraadiyada ayaa ka yaabiyay bulshada caalamka, taas oo xiligan suurta gal ka dhigtay in Somaliland ay yimaadaan shirkado ku loolamaya sidii ay maalgashi ugu smaysan lahaayeen dalka Somaliland oo ah mid dihin oo khayraadka dhinaca Saliida iyo Macdanta lagu majeerto la rumaysan yahay inuu ka qanisanaanayo wadamada Khaliijka oo laysku daray, taas oo aanay ku jirin khayraadka kale ee waqtigan Somaliland u iib geyso suuqyada aduunka sida xoolaha nool.
Loolanka shirkadaha dhinaca Shidaalka ee Somaliland iyo tartanka ay maalgashadayaashu ugu jiraan xiligan Somaliland wuxuu muujiyay in dunidu aanay macano weyn ugu fadhiyin dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah oo ay Somaliland dunida kusoo jiidanaysay dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay, laakiin ay taas ka mihiimsantahay inaad dunida ka iibiso khayraadka dalkaaga, isla markaana u iftiimiso khayraadka dalkaaga.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo mudo dhawr sanadood ah xilka haysay, waxay qaaday dariiq ka duwan kii dawladihii iyo nidaamyadii xukuumadii ka horeeyay ee soo maray Somaliland ay mareen oo ahaa dhinaca dumuqraadiyada iyo doorashooyinka, balse xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxay kusoo kordhisay ololeheeda siyaasada arrimaha debeda in marka hore dunida laga iibiyo istiraatiijiyada iyo ahmiyada ay Somaliland u leedahay dunida, dhinacyada siyaasada dhaqaalaha,nabadgelyada iyo arrimaha Milateriga.
Qorshahan cusub ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wuxuu suurtagal ka dhigay in Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ka duulaysa qorshaha iyo istiraatiijiyada cusub ku guulaysto in ay dalka keento shirkado caalami ah oo doonaya in ay maalagashadaan khayraadka ceegaaga Somaliland, iyadoo Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo  ka qaybgalay shirar caalami ah oo aanay hore Somaliland uga qaybgelin, kuwaas waxyaabihii uu kusoo bandhigay si weyn uga yaabiyeen kumanaan qof oo ka socday shirakadaha ugu waaweyn dunida ee dhinacyada maalgashiga shidaalka iyo macxdanta, kuwaas oo qaarkood heshiishyo la galeen xukuumadda Somaliland, iyadoo kuwo kalena balanqaadeen in ay dhowaan dalka imanayaan.
Dhamaan arrimahaa ayaa muujinaya in ahmiyada maalgashigu u laahay Somaliland iyo sida ay waqtigan dunidu u xiisaynay, waxaynu markaa odhan karaa Maalgashigu waa furaha horumarka iyo Aqoonsiga.

By. Maxamed Muuse

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *