kooxda Kubada kolayga1Hargeysa(Araweelo News Network) Kooxda kubadda Kolayga Hargeysa ayaa  magaca Somaliland kaga qaybgalaya tartanka Basket Ball-ka magaalooyinka Bariga iyo badhtamaha Afrika oo caasimadda dalka Tansaniya ee

 

Darasalaam ka furmaya maalinta Isniinta ee todobaadkan.
Kooxda ooh ore uga qaybgalay tartankaa oo kale uga qaybgalay ayaa ku safraya Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, kooxda waxa safarkooda ku wehelinaya Guddoomiyaha Xidhiidhka kubbada Kolayga Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax), Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo Golaha Degaanka Hargeysa ka tirsan iyo masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Ciyaaraha.
Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Maayarka Caasimada, ayaa sii sagootiyey kooxda kubadda kolayga Hargeysa oo  dalka ka dhoofay shalay si ay uga qaybgalaan tartanka magaalooyinka Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo lagu qaban doono dalka Tanzania.

Wasiir Raygal ayaa dhallinyarada ciyaartoyga ah kula dardaarmay inay muujiyaan ciyaar wanaag, isla markaana guul u soo hooyaan qarankooda iyo dadkoodaba, taasoo uu sheegay hadday guul soo hooyaan in magaca Somaliland kor u kacayo, isagoo ku adkeeyey in aanay magac-xumo kala kulmin tartankaas.

“Kooxda kubbadda kolayga ee ku ciyaaraysa magaca caasimadda Hargeysa, waxaannu leenahay waxaad tagaysaan waddan kale, waxaanad ka baxaysaan waddankii, markii aad tagteen sannadkii 2012kii magaalada Kampala ee dalka Uganda, waynu sii dardaaranay, wixii aynu ku hadalnay oo dhana sidiisa ayaad u fuliseen, waxaanad ciyaarihii kaga qaybgasheen ciyaar wanaag iyo asluub fiican, waana inaad dadka iyo dalka aad tagaysaan wanaag u muujisaan.

Haddii la tartamayo maaha in la guulaysto ka guulaystay iyo kan guulaysanba waxa la doonayaa inaad u hambalyeysaan, waxana la idinka doonayaa inaad sumcaddiinna iyo ka waddanka kor u qaadaan oo la idiin yidhaa waa kuwii akhlaaqda wanaagsanaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

Maayirka Caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in sannadii hore ay uga baaqdeen ciyaaryahannadu ciyaaraha noocan ah dhaqaale la’aan, waxaannu tilmaamay in ciyaaryahannadan safarkooda ay dawlad hoose ahaan wax badan ka qaadan doonaan, baahiyaha ciyaarayahannadana dabooli doonaan inta karaankooda ah.

“Waxa laga yaabaa in sannadihii hore aad uga habsaanteen ciyaaraha dhaqaale yaraan. Idinkoo dhaqaalaha dalkeenna og waannu jecelnahay haddana inaannu dhallinyarada wax la qabanno. Sannadkan waannu ka sii fikirnay ka hor, laakiin sannadkii hore waxaannu ugu nimi miisaaniyadda oo sharciyeysan oo aanay ciyaaraha waxba ugu jirin. Waxaannu doonaynaa ciyaarta waa la kala badiyaa, waanad badin kartaan, waana la idinka guulaysan kara, laakiin waa inaad ku suntanaantaan ciyaar-wanaag la yidhaa dadka ka yimi Somaliland ciyaar wanaag bay la yimaadeen, waxaana la idiinka baahan yahay inaad magaca Somaliland soo saartaan.”

Caasimadda Hargeysa ayaa sannadkii 2012kii ciyaarahan oo kale kaga qaybgashay magaalada Kampala ee dalka Uganda, inkastoo aanay guulo soo hoyn, haddana waxay la yimaadeen ciyaar wanaag, waxana sannadkan laga sugayaa inay guulo soo hooyaan, shacabkuna waxay u dheg-taagayaan bal halka ay gaadhsiiyaan ciyaaryahannadan da’da yar magaca Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Maayirka Caasimada, ayaa sii sagootiyey kooxda kubadda kolayga Hargeysa oo  dalka ka dhoofay shalay si ay uga qaybgalaan tartanka magaalooyinka Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo lagu qaban doono dalka Tanzania.

Kooxda kubadda Kolayga Hargeysa oo magaca Somaliland kaga qaybgalaya tartanka Basket Ball-ka magaalooyinka bariga iyo badhtamaha Afrika oo caasimadda dalka Tansaniya ee Darasalaam ka furmaya Isniinta maanta, isla markaana baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhoofay, waxa safarkooda ku wehelinaya Guddoomiyaha Xidhiidhka kubbada Kolayga Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax), Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo Golaha Degaanka Hargeysa ka tirsan iyo masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Ciyaaraha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *