Biikolo2Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha hay’adda dhawrista Tayada Somaliland Cali Maxamed Cabdulle (Biikalo),  ayaa soo bandhigay cabashooyinka ugu badan ee dadweynuhu kala kulmaan badeecadaha

 

dalka lagu iibiyo, kuwaas  oo isugu jira wax-soo-saarka gudaha iyo dibaddaba.

Guddoomiye Biikolo oo hadal ka jeediyey shir lagu falanqaynayey horumarinta wax-soo-saarka dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warshadaha, waxa uu sheegay in dhibaatooyin fara badan lagala kulmo waxyaabo fara badan oo ka mid ah qalabka ama badeecadaha lagu iibiyo suuqyada magaalooyinka waddanka.

“Waxyaabaha ugu badan ee iminka dadku ka cawdaan waxa ka mid ah tayo xumida alaabta, alaabtii oo dhacday, waxyaalo xumaaday oo muuqanaya ayaa la keenayaa, wax lacag jaban lagu soo qaatay oo lacag badan dadka laga siinayo ayaa ka mid ah, waxyaalihii dalka lagu warshadeeyey ama wixii beeraha ka soo baxayey haddii ay kuwaas la mid noqdaan waa aafo kale oo qaranka iyo dadka haysata,” ayuu yidhi Cali Biikalo.

Waxa kale oo uu sheegay inay hay’ad ahaan wadaan hirgelinta qalabka iyo shuruucdii lagu kaantarooli lahaa tayada badeecadaha kala duwan ee dalka dibadda kaga imanaya ama gudaha laga soo saarayo, waxaannu yidhi, “Si loo helo qalab lagu oggaado tayada agabka dalka lagu wershadeeyo, ka dalka lagu sameeyo iyo ka beeraha ka soo go’a, waanu ku jirnaa inaanu keeno, sharcigii lagu maamulayey oo marxalado badan soo maray, iminkana marxalladii ugu dambaysay ayuu marayaa inuu soo baxana waanu rajaynaynaa muddo dhaw. Warshadihii way bilaabmeen, annaguna xeerkii ayaanu iminka samaynay, xeerkaasina wax ayuu sheegayaa, heer dhinaca tayada ah oo dadku qaadan karo ayaa jira, warshadihiina iminka way socdaan kolay halkaana waxa ka bilaabmi doonto caqabado badan.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadu waxa uu ku dhaliilay warshadaha soo saara biyaha sifaysan ee dalka gudihiisa in aanay ku qorin waqtiga ay soo saareen caagadaha biyaha, waxaannu ugu baaqay guud ahaan ganacsatada Somaliland inay ilaaliyaan tayada waxyaabaha ay iibinayaan iyo wax-saarka dalkaba.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *