-
Published On: Mon, Dec 3rd, 2012

Sheekadda Qurbe-joog , Qiso Qof, Qoys iyo Qaran! By Maxamed Haaruun.Qaybihii 10aad iyo 11aad

Smiley face
Share This
Tags

…..Gudigii waa la dhisay, waxaana madax looga dhigay Sheekh Cawaale Aw Samatar oo ahaa nin dhalinyaro ah oo wadaad ah. Waakii khudbad loo qushuucay goobta ka jeedshay ee ku dheeraaday inay diintu qabto is kaashiga, ayna tahay in la taageero qofkii ehel ah ee

wanaag doonaaya. Wuxu sheegay in qabiilku diinta ku jiro, laakiin ay qabyaaladu tahay midda xun ee la reebay. Wuxu intaas ku daray, inaanay sax ahayn in la dhaliilo qofka madaxnimo isu taaga, sharcigana aanay meel ku lahayn, laakiin taas badalkeeda, ay tahay in lala taliyo oo loo duceeyo. Aayado tiro badan iyo axaadiisba wuu cuskiyay hadalkiisa, dadkiina aad buu uga qiiraysiiyay. Dadkuba hadalkiisa waa u wada guuxay, waxa se si gaar ah ula sii dhacay Aw Mirqaan, waxaanu sheegay in Sheekh Cawaale uu yahay ragga loo baahanyahay, isaga ayaana ku taliyay in gudiga beesha ee Xisbiga taageeraysa madax looga dhigo. Intii aan shirka la soo xidhin, ninkii Been ma sheege oo shirka gudoominaayay ayaa cod-baahiyaha ku soo xidhay telefoon debedda ah o ay ku jireen shan ka mid ah hogaamiye-dhaqameedkii beesha Reer-Qudhac. Labadii Suldaan iyo sadexdii Caaqil ee telefoonka ku jirayba waxay iska daba mareen inay shirka la dhacsanyihiin, talaabada ay dhalinta siyaasada ku jirtaa, ee Fatxi Xaaji-Yaasiin ugu horeeyaa ay keeneen na tahay middii abidkeedba reerku u dhutinaayay, ayna tahay wax lala habsaamay.

Waxay odayaashii intaas ku dareen, in raga talada keenay, iyo inta ku raacday ee shirka fadhidaaba ay mahadsanyihiin, kalgacayl wayn iyo ixtiraamna beesha dhexdeeda looga hayo, loona ducaynaayo. Suldaan Ma Dharge oo hadalka soo xidhay baa kalmad culus, oo aad loogu guuxay shirka u sheegay, waxaanu yidhi, “Hadal nin badiyayna ma wada odhan, nin yareeyayna kama wada tagin, wixii la odhan lahaana raga iga horeeyay baa yidhi, waxan se anigu idin leeyahay hal erey oo ah, ‘ninkii reerkeena maanta wax ka hagradoow, qoodhaa iyo xeredaaba jabtay.” Ninkii Fatxi ahaa (Aw Mirqaan) wuxu dareemay inuu intii hore ka yar dheeraaday, farxad iyo raynraynina waa ka muuqataa. Wuxu si xoog leh isugu canaantay sababta uu horeba talaabadan ugu qaadi waayay. Waakii galabtii soo galay marfashkii, sheekadii maalintaas, iyo maalmo kale oo ka dambeeyayna waxay ahayd isla arintii shirka uun. Durba Qaadiro iyo asxaabtii kale waxay Gudoomiyaha u sheegeen in warkii shirku uu arlada oo dhan wada gaadhay, shayga loogu hadalhaynta badanyahay na noqday. Waxay u sheegeen in mareegaha (Websites) ka oo dhan, oo ay koow ka yihiin www.reerqudhac.com , qudhac.net, beeshaqudhac.org iyo allqudhac.com ay warkii iyo sawiradiiba soo daabaceen. Waxay sheegeen inaanay mareegihii Reer-qansax iyo Reer-qodax midkoodna haba yaraatee warkaas wayn soo qaadanin!

Yuusuf-ilkoole oo koonaha kale fadhiyay, warkana maqlaayay ayaa yidhi, “Oo yaaba uga fadhiyay?” Dr Jaamac oo ah nin oday ah, badiyaa na aan hadlin ayaa yidhi, mareegaha kale intaydaan eedaynin, shirka miyaa ku marti qaadeen? Intaanu hadalkuba ka soo dhamaanin ayuu Yuusuf-ilkoole ku yidhi, “Waar Digtoorna ma tihid ee aamuskaa kuu wacan ee afkaaga hayso. Maxaa laga marti qaadayaa waxan uu sheegaayo, miyaaba loo baahanyahay? Kaas oo kale oo Digtoor sheeganaaya ayaa reerku ka tamarin la’yahay!” Saf dhan oo ka soo hor jeeday ayaa ninkii Yuusuf salaan ula soo kacay iyagoo ku bogaadinaaya mawqifkiisa iyo sida uu caqliyadii Digtoorka dhulka ugu dhuftay. Digtoorku ma fahmo sida aragtida beelnimadu u shaqayso, meeshana kama tago. Iyaga ka mid maaha, hadana kama dhex baxo. Kaligis maaha ee Digtooro iyo wadado badan oo mawjadu sidato, laakiin hadana dhanka ay u socoto aan la dhacsanayn baa jira. Hadii si kale loo sheegona, waa uun ‘meesha kama tagayaal, waxna kama tarayaal.”

**** Ninkii Fatxi-mirqaan ahaa iyo saaxiibadiis waatii ay qorsheeyeen inuu wadankii tago oo Xisbiga si rasmi ah u soo furo, waxay se kula taliyeen intaanu dhoofin inuu dawlada Ingiriiska xidhiidho ka sii sameeyo oo kulamo la qaato. Aad buu arintaas ugu guuxay, waxaanu ninkii Qaadiro ahaa ee arinta soo jeediyay u sheegay inuu wasiir waafi ah ka dhigi doono. Qaadiro wuxu yaqaanay gabadha xaafada laga doorto ee golaha deegaanka ku jirta oo fadhiisata meel aan gurigiisa kaba fogayn. Maalintiiba waakii balan ka soo sameeyay Councillor Jacki Normand, iyagoo sadex ah baanay isu raaceen. Ninkii Fatxi ahaa oo Suudh nooca Slim Fit ka ah ee feedhaha u cidhiidhiga ah xidhan, calooshiina banaanka marayso, koodhka iyo surwaalkuna kala nooc yihiin, jaadkiina afka ku haya oo dibnihiisu cagaaranyihiin ayaa xafiiskii soo galay. Jaadkii iyo jariidadii The Sun ee uu gacanta ku watay buu miiskii saaray, waxaana hadalkii uga horeeyay Qaadiro oo Councilor Normand u sheegay inay iyagu yahiin dadka soo doorta, galabtana ay soo saleemeen. Waxay u sheegtay inay salaantaas ku faraxsantahay, aadna ay u mahadsanyihiin. Waxay intaas raacisay inay dad badani sugayaan, ayna jeclaan lahayd inay u sheegaan wixii salaanta u weheliya.

Qaadiro oo xaga luuqadda ingiriiska loogu qaatay marka saaxiibadiis loo eego ayaa hadalkii mar kale ku noqday, waxaanu yidhi, “Ninkani waa Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeed oo Afsoomaali lagu yidhaaho ‘Halkanay ka dhawdahay’, waxaanu ka jiraa wadankii, dhawaana wuu tagayaa. Waxan doonaynaa inaad dawlada xidhiidh nooga samayso oo arintaas naga caawiso ilayn waanu ku dooranay. Councilor Normand oo yaaban ayaa ku tidhi, “Waan ka xumahay, waxyaabahaasi shaqadayda maaha. Anigu golaha dawladda hoose ee deegaanka xaafadan maamula ayaan ahay, waxanan dadka xaafadan kala shaqeeyaa nadaafada xaafada, nabadgalyada, waxbarashada caruurta, caafimaadka iyo wixii dhibaatooyin ah ee guryaha ay dadku ku noolyihiin ka haysta. Waxan se idin waydiiyay, Xisbiga mabaadiidiisa iyo qorshayaashiisu maxay yihiin hadaad ii soo koobtaan?“Xisbiga mabda’iisu waa inuu jagada ‘Madaxwaynaha’ qabto, rajo xoogan na waanu ka qabnaa kolba hadii Gudoonshaha Xisbigu ka soo jeedo beesha wadanka ugu balaadhan. Qaadiro ayaa si dagdag ah ereyadaas ugu tiraabay.

Councilor Normand oo hadba saacad miiskeeda saarnayd eegaysa, iyagana si dadban ugu tilmamaysa, ayaa tidhi, “Mabaadiida iyo qorshayaasha aan sheegayaa maaha gaadhista ‘madaxwaynenimada’ ee waa waxa Xisbigu mabda ahaan dhinaca fikirka u taaganyahay iyo talagalkiisa waxqabad, wakhtigii ayaana iga dhacay ee manta halkaa ha inoo joogto.” Markay halkaas maraysay, Gudoomiye Aw Mirqaan baa hadalkii soo galay, waxaanu ku yidhi Qaadiro, “Gabadha u sheeg inaynu dhawaan waxyaabahaas ay ka hadlayso oo dhan diyaarin doono. Waxad sidoo kale u sheegtaa, inay ogaato, dawlada Ingiriisna ogaysiiso, inaanay sal iyo raad toonna lahayn, wararka qaladka ah ee ay had iyo jeer beeshiisa ka soo gudbiyaan siyaasiyiinta Beesha Reer-Qansax oo ay abidkoodba col ahaayeen.” Sidii buu Qaadiro u sheegay, waxaanu ugu daray codsi ah inay taswiir la gasho, waanay ka ogolaatay. Waxay se Councillor Normand mar kale xasuusisay inaanay shaqadeeda ahayn waxyaabaha uu Gudoonshuhu ka codsaday. “Ok” iyo “Ok”, baa la is yidhi, Sidii baa Sawiradiina lagu galay.

Maalmahu kala tilmaamane, Gudoonshe Aw Mirqaan waxay maalintaasi u ahayd, siday isaga ugu muuqatay, guul wayn iyo maalin taariikhi ah. Maxay u ahaan wayday sheekooyinkiisa oo dhan ayaabu sabab iyo sabab la’aanba ugu soo daraa la kulankii Councillor Jacki Normand! Waxa intaas dheer oo sheekada kulankaas aad u sii wadwaday mareegihii (Websites) kii beesha, waxaanay qisadaas cinwaan uga dhigeen: “War dagdag ah – Gudoomiyaha Xisbiga ‘Halkanay ka dhawdahay’ oo kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawlada Ingiriiska!”, sawiradii na way ku lifaaqeen. Arintaasi hambalyo badan iyo boogaadinba Aw Mirqaan way u keentay, waxaanu ku doodaa inuu masuuliyiin badan oo kalena la kulmay, kuwo kale oo isla dawlada Ingiriiska ka tirsanina ay isaga raadinayan.

Xasuusin: Qaybtii 10aad waxay inoo joogtay Gudoomiyihii oo la kulmay haweenay golaha deegaanka ee xaafada uu London ka degenyahay laga soo doorto ka tirsan, aadna wuu ugu farxay. Website yo kuwa reerka ah baa warkii buunbuuniyay, isna wuxu u diyaar garoobayay inuu xagaas iyo wadankii u amba baxo, qaadhaan na waa loogu maqnaa. Intaasi xasuusin ku filan ee aan idiin kala baxo idinka iyo sheekada qaybteedan manta.

**** Safarkii wadanka ee Gudoomiye Aw Mirqaan waa soo dhawaatay, ninkii Sh Cawaale iyo odayaashii beeshuna hawshii muhiimka ahayd ee qaadhaanka ayay si xawli saraysa ku wadaan. Sheekha iyo odayaashii lala xulayba waxay ku xukumeen qof kasta, wiil iyo gabadh, yar iyo wayn, oo ka mid ah Beesha Reer-Qudhac ee UK inuu bixiyo qaadhaan kun Doolarka Maraykanka ah. Rag door ah, oo Liibaan Yuusuf ka mid ahaa, oo dhaqaale lagu tuhmaayay iyaga toban lab baa looga badiyay dadka kale, waxaana laga rabaa toban kun midkiiba. Mishiinka guubaabada ee ugu wayn, iyo dareenka ka dambeeya lacag bixintu waa in beesha sharafteeda la ilaaliyo, ninka beesha magaceeda u taagana aan maanta waxba laga hagranin. Liibaan waatii uu wajigu casaaday cadho awgeed markii warka Gudiga Qaadhaan ururintu uu soo gaadhay. Waakii wadaadkii yaraa ee Sh Cawaale ka helay masjidka, waxaanu ku boobay su’aalo aan tiroba lahayn ood moodayso inuu waraaq ka akhriyaayo.

“Maxaad ku keentay kun doolar qofkiiba ha siiyo Aw Mirqaan? Miyaanu Aw Mirqaan ahayn ninkii aan waligiiba shilin ku bixinin ololihii dhismayaasha iyo dayactirka dugsiyadii deegaamada beesha? Miyaanu adiga ahayn ninkii ku doodaayay, ee u ololeeyay, inaan dadka la waydiinin wax shan doolar ka badan sanadkiiba markii aan dhaqaalaha u raadinaynay dhismayaasha dugsiyada iyo taageerada agoomaha? Dhinaca kale, Aw Mirqaan lacagtan muxuu ku qabanayaa? Ma dooda ah magacii beesha ayuu u taaganyahay ee aan kor u qaadno ayaa dhab kaa ah mise wad kaftamaysaa? Sidee suurtagal u tahay inaad masaakiintan lacag intaas leeg ka ururisid si loogu qayilo? Waabu joojin waayay, ninkii Sh Cawaale na roob oo kale ayay ku noqdeen oo mid uu ka jawaaboba wuu garan waayay. Wuxu se si hoose u sii yidhi, “Akhwaan khilaafku ma wacna ee wixii dadku isla ogolyihiin ha dhaafin, taas baana Liibaan kaba sii cadhaysiisay.

Gudigii beeshu waatii ay xisaab aan yarayn, oo koleyba dadkii laga soo ururiyay iyo Aw Mirqaan laftiisaba ku badnayd farta ka saareen, ducona ugu dareen. Wadaadkii iyo odayaashiiba hadallo isku mid ah bay iska daba mareen, waxaana warkooda ugu muhiimsanaa inaanu waxan ay keeneen kolnaba wixii laga filaayay aanu ahayn, iyo iyagana inaanay hawli ku yarayn. Sidoo kale, waxay Gudoomiyaha Ilaahay uga baryeen inuu hawshan beesha ee culus ku guuleeyo. Waxay sheegeen inuu Sheekh Qudhacii reerkaba dhalay awliyo ahaa, iyo inay ololahan bilaabeen maalin Jimce ah, intaas oo la isku daray, oo loo geeyay riyadii Sh Cawaale ee cajiibka lahayd, ee uu manaamka ku arkay Gudoomiyaha oo taaj dahab ah gashan, ay muujinayso inuu guulaysanaayo. Gudoomiyihii oo wajigiisa farxadi ka muuqato, laakiin aan ducadii marnaba ‘aamiin’ odhanin baa xisaabtii gudoomay. Durbadiiba Xawaalada ayuu ku shubay nus lacagtii ka mid ah, isna diyaargaraw buu u dhaqaaqay.

Baryahan Marfashkii ‘Jaamacada’ iyo asxaabtii ba wuu ka tagay, waxaana laga helaa meelo kale. Makhaayadaha caanka ah ee Ingiriiska ee Costa Coffee la yidhaaho, ee ay leedahay shirkada Whitbread PLC oo aanu horey u tagi jirin buu hadda fadhiistaa, durbana suudhadhkii oo caynba cayn ah ayuu kala badalaa. Fiidkii wuxu tagaa baararka qaaliga ah ee lagu caweeyo iyo badhtamaha London oo aanu waligiisba foodda galinin. Hadii awal hore dukaamada yaryarka ah ee xaafada ee Off-licence ka la yidhaaho iyo Tesco Stores ka ay isaga iyo labadiisii saaxiib (Qaadiro iyo Been ma sheege) khamriga noocyadiisa jaban sida Vodka, Gin iyo mararka qarkood Whiskey ba ka miisan jireen oo aanay waliba ka haqab la’ayn, imika xaalku gabi ahaanba waa is bedelay. Hadda baararka London ugu caansan, uguna qaalisan baa, sidii geel dar loo horay, bahalka noocyadiisa qaaliga ah sida Champagne iyo Red Wine ilaa waa bariga laga durduurtaa. Xumadii kicinta reerka waa laga macaashay. Hadaan laga macaashaynin, miyay dad aad ahi, si aad ah, hadh iyo habeen heegan ugu ahaan lahaayeen?

Dhaax la yidhi, “Cagtii joogsan waydaa marbay, ceeb la kulantaa, carabkaan la laabini na, xumuu caasha galiyaa.” Habeenadii “Barwaaqo-heeska” ay u bixiyeen midkood, waatii muran xoogani dhex maray maamulihii Baarka iyo Aw Mirqaan. Muranku wuxu ku qotomay “Meesha waa la xidhayaa ee soo baxa.” Iyo, “Bixi mayno ee wax naga iibi.” Waakii Gudoomiyihii dagaal uba holladay ee isagoo mulkiilihii baarka ku sii maqiiqan kursiga ka dul dhacay. Habeenkaas khasaare aan yarayn baa gaadhay oo wajiga ayaa dilaacay, gacantana wuu ka jabay. Shil baa dhacay. Laba usbuucba waatii cisbitaalka wayn Gudoomiye Mirqaan lagu booqanaayay, laakiin cidina kama hadasho wax ku dhacay iyo cidda yeeshay toona. Qaadiro waakii dadka u sheegay inuu Gudoomiyuhu salaadii subax isagoo ku socda tuugi dishay, sidaas baanay doodaasi ku meel martay. Dad aan badnayn oo sababta dhabta ah ogaaday maba ka hadlaan, midhadh ku dhiradayna beesha oo dhan baa isu sheegtay oo waatii caydda diirka lagaga siibay, ilaa ay ka qoomameeyeen falkii ay ku kaceen.

Maantii ugu horaysay ee uu ladnaaday waakii Qaadiro Gudoomiyaha kula taliyay inuu dhakhso u baxo intaanay ceeb kale dhicin. Sidii buu aqbalay oo waatii ay sadexdooduba tigidhada goosteen ee horey ka baxeen. Waakuwii cabaar ku hakaday Dubai, qolyo London lagala soo hadlay oo waxgaradka iyo ganacsatada beesha ee Reer-Dubai isugu yeedhana waabay is waayeen. Sidee bay isu heli karaan ma iyakaaba donaayayba inay cid is helaan. Sawtii ay isla habeenkiiba Dubai ka gudbeen ee ay Shaariqa iyo Hotel Millennium isku xereeyeen. Afar usbuuc oo aan habeen iyo maalin la kala aqoonin, oo ay ‘daad-wararac’ u bixiyeen baa la galay. Fiidkii hadiiba la gaadhona, Cujmaan baa loo safraa oo khamrigu fasax ka yahay, gabdho Marooko ka yimaada iyo Itoobiyaan wixii la helona halkaas baa xidigaha cirka lala tiriyaa. Tigidhadii Wadankii loogu baxaayay maalin hore ayay dhaceen, laakiin cidina dan kama laha ee qaar kale ayaa hadba la goostaa oo hadana wakhtigoodu dhacaa! Markii la dhamaystay wax ‘nasasho’ lagu sheegay, waatii aakhirkii wadankii loo ambabaxay.

*****La soco qaybta ugu dambaysa – 12aad****

By Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>