Nairobi(ANN) Maxkamadda dalka kenya ayaa ku wargelisay qoraal ka kooban 59 bog oo la xidhiidha rafcaan uu ka qaatay ganacsadaha Hindiga ahi go,aankii hore ee dhismasha  safaaradii somalia ee halkaa  wakiilka dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia u jooga Kenya ayaa

 

 

lagu war geliyay xukunka rafcaanka.

Iyadoo  Maxkamaddu ku sheegtay  qoraalkaa in  ninkii hindiyaanka ah inuu ka qaadan karo racfaan go,aankii hore uga  soo baxay maxkamadda Kenya.

safaradii somalia ay hore ugu laheyd wadanka kenya barihoraadkii xiliga ay dowlada dalka somlia ka jirtay ayaa markii dowlada bur burtay laga iibiyay nin u dhashay dalka hindia. Laakiin  muwadiniin soomaaliyeed oo iskugu jira siyasiin iyo Ganacsato ayaa mudda badan ku mashquulsanaa  sida ninka hindiga ah ay safaarada ummada somaliyeed leeyahiin dib ugu soo laaban laheyd, taas oo ugu danbayntii sababtay inay  maxkamad ku taala dalkaasi  ay dib ugu soocelisay shacabka somaliyeed  dhismihii safaaradaa. Kadib markii ay mudo dheer socotay  dacwad  iyo isjiid jiid ka dhexeeyay  dadkii soomaaliyeed iyo ninkii hindiga ahaa

dowlada kenya ayaa maxkamadeedda sare qodoba racfaan kaga qaadan karo u sheektay ninkii hindiyaanka ahaa iibsaday safaraddii somaliya ee kenya ku taalay beri horaadkii

maxkamadda sare ee  dalka kenya ayaa maanta soo gaadhsiisay quusulka dawladda taagta daran ee Somalia u fadhiya dalka kenya Maxamed Cusmaan Edson qoraal ka kooban 59 bog oo lagu caddeeynayo waxyaabaha ay Maxkamaddu u cuskatay ogolaanshaha racfaanka laga qaatay go,aankii hore ee xukunka dhulka iyo dhismaha safaaradii dalkii laysku odhan jiray jamhuuriyaddii Somalia.

Dhismaha  Safaradii somalia gacantoodi soo gashay dhowaan. kadib  markii  ay Maxkamaddi u xukuntay, taas oo damaashaad weyn ay u sameeyeen bulshada sooomaalida eek u dhaqan Kenya  ayaa hadana laga cabsi qabaa inay mar kale ka baxdo gacanta soomaalida sida muuqata, iyadoo aan hada ku  heleyno wararka Safaaradu sida ku meel gaadh ah hada ugu shaqeyso wadanka kenya

Ma jirto ilaa iyo hada cid arintaa  ka hadashay laakiin waxaa biyo kama dhibcaana inay u baahan tahay dhaqaalle  iyo dad markale u istaaga sidii  ay gacanta Soomaaliyeed ugu soo noqon laheyd dhismaha safaaradii weynayd  ee ay  Somalia ku lahayd Nairobi, taas oo ahayd   mid aad u qurux baddan.

xasan wadani
xafiiska wararka qaahira ee dalka masar
www.araweelonews.com
info@araweelonews.com
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *