Hargeysa(ANN)Shirkadda qalabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture iyo Dukaanka Dharka Dumarka ee Habboon-Deeqa ayaa maanta heshiis-iskaashi ku wada saxeexday madasha ay ka socotay

carwada ganacsiga Somaliland ee Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Heshiiskan oo ay labada dhinac u wada saxeexeen mulkiilaha ALNUUR Furniture Cabdiraxmaan Maxamed Nuur iyo mulkiilaha Habboon-Deeqa, Mrs Habboon-Deeqa ayaa dhigaya in labada shirkadoodba ay macmiil kasta oo iibsada 1 Set oo ah alaabta ALNUUR Furniture, taas oo ay  u raaciyaan bedled  Dharka Dumarka  ee Habboon-Deeqa.
Shir-saxaafadeed ay labada mulkiile ku qabteen madasha ay ka socotay carwada ganacsiga Somaliland waxa ugu horreyn ka hadlay Mulkiilaha Shirkadda ALNUUR Cabdiraxmaan Maxamed Nuur, wuxuuna  faahfaahin ka bixiyay qodobbada ay labada shirkadood isla qaateen eek u heshiiyeen, isagoo yidhi, “Sidaad la socotaan waxaynnu ku guda-jirnaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay carwada ganacsiga Somaliland. Annaga oo ka duulayna raalligelinta macaammiishayada, waxaannu isla garannay in qof kasta oo iibsada hal set oo ah maarkadda ALNUUR Furniture oo ah ta loogu jecel yahay dalka, aannu raalligelin iyo Promotion ahaan labada cisho ee soo socda u siinno hal set oo ah maarkadda loogu jecel yahay maarkadda dumarka ee Habboon-Deeqa.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Nuur.
Mulkiilaha Tukaanka Dumarka  dumarka loogu jecel yahay ee Habboon-Deeqa, Habboon-Deeqa ayaa iyaduna halkaa ka hadashay, iyadoo tidhi,  “Walaalkay Cabdiraxmaan ayaannu maanta ku heshiinnay inaannu annaguna siinno Bedled  maryahayaga ah, haddii ay iibsadaan alaabta uu iibiyo ALNUUR Furniture”.
Heshiiskan ay wada saxeexdeen labada shirkadood ALNUUR iyo Habboon-Deeqa ayaa noqonaya is-kaashigii ugu horreeyay ee dhex mara shirkadaha ka qaybgalay carwada ganacsiga Somaliland, wuxuuna  macaammiisha u suurtogelinayaa  dhammaystirka agabka guryaha iyo dharka ee ay labada shirkadood iibiyaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *