-
Published On: Tue, Jul 10th, 2012

Dhaqanka Xisbiyada Siyaasadeed Oo Noqday Salaan Lagu Fuulo Kursiga Madaxweynenimada Iyo Tusaalaha Ujoodiinkii Hungoobay Ee kooxaha Siyaasada, By Prof: Cabdi Xuseen Maraykan {Flosy}

Smiley face
Share This
Tags

Habdhaqanka Asxaabta laga yagleeyay Somaliland waa mid ku cusub bulshadeena hogaaminteeda. Asxaabta siyaasaddeed iyo xubnaha ka tirsani  waa macalimiinta ay dadku ku dayanayaan waxaa looga baahan yahay inay lahaadaan dhaqan ku dayasho mudan.

 

 

Marka aynu eegno hab dhaqanka Axsaabta siyaasaddeed ee dalkeena aan tusaale u soo qaadano, xisbigii ugu horreeyeay ee UDUB, kaas oo talada hayay  toban sanadood, waxaa aasaasay ruug caddaagii siyaasadda Somalia iyo Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuuse geeriyooday markii magaca xisbiga uu bixiyay, shirweynihii kowaadna u qabtay waxaa dhaxlay ku xigeenkiisiii Daahir Rayaale Kaahin.
Halkii lasoo bandhigi lahaa ujeedada xisbiga iyo barnaamijka lagu hogaaminaayo waxa la xayeysiiyey gudoomiyaha xisbiga oo isagu iska leh xisbiga. Waa sallaan lagu fuulo kursiga u sarreeya madaxwyenaha dalka xubnaha xisbiguna waa gidaarkii xejinayey salaanka uu gudoomiyuhu ku tallaabsanaayo. Barnaamijkii ololaha UDUB ku gashay doorashadii 2003dii , waxay ahayd in gudoomiyuhu yahay ninka ku habboon in madaxwyene noqdo oo aynu ku kala nabad gelikarno,  maadaama labadii madaxweyne ee ka horreeyey dagaal lagu bilaabay haddii la doorto labada xisbi ee kulmiye iyo ucid midkood iyagana dagaal lagu bilaabidoono. Baqdinbaa lagaliyay dadka oo waxaa dib loo xasuusiyay dagaalkii sokeeye. Waxa dadka laga dhaadhiceyey in UDUB,  la doortaa tahay horumarkeenna iyo kala badbaadkeenna ilaa iyo doorashadii danbe waxay xubnaha xisbigaas ku doodayeen inuu yahay gudoomiye aan qabyaalad lahayn waa xabagtii isku keen haysay oo waynu is qabasan hadduu inaga tago.
Xisbiga kharashka ku baxaa wuxuu ahaa ta qarank ee wax uu xisbigu gaar u lahaa majirin udub markay ku guul daraysteen doorashaii danbe ee 26 Jun 2010, madaxwaynihii hore,  isla markaana wali ah geddoomiyaha xisbiga wuxuu laad ku tuuray sallaankii u dhulka dhigay si aan cid kale u hawaysan inay ku fuulaan kursiga u sareeya hogaaminta dalka. Wuxuu xisbiga UDUB u burburay sababahan soo socda awgeed.
1- Xisbiga dhexdiisa laguma tartami karayn, tusaale ahaan sida uu Guddoomiyuhu u magacaabay xoghayaha xisbiga markii xog hayihii hore dhintay, isagoo  ku beddelay nin aan xisbiga katirsanayn oo dibada ka yimid,  iyadoo ay joogaan xubnihii xisbiga u soo halgamay.
2- Xisbigu wuxuu ku socday dhaqaale ahaan hantida qaranka oo meesha ka baxday markii doorashadii lagaga adkaaday. Wuxuu gudoomiyaha xisbigu lugta ku sii dhuftay sallaankii saaray kursiga madaxtooyada si aanay cidi u haweysan inay soo korto sallaanka oo xisbigu noqdo mid markeli ah la isticmaalo (one time use).
Bal aynu eegno xisbiga talada haya ee kulmiye. Kulmiye wuxuu xisbigii labaad ee ka mid noqdda saddexda xisbi qaran ee soo baxay, Axmed Maxamed (Silaanyo) Madax-Waynaha hadda talada haya wuxuu guddomiyaha xisbiga noqday markii la aas aasay wuxuu ka qayb galay tartankii madaxtooyada ee 2003,  waanu ku guul darreystay hase yeeshee iskama casilin jagada gudoomiyaha xisbiga sida ka dhacda caalamka dimograadiyadda ku dhaqma. Wuxuu marlabaad isu sharaxay tartanka madaxtooyadda 2010,  balse wuu  ku guulaystay.
Xisbiga kulmiye waa sidii udub waxay xubnihiisu xayeysiiyaan gudoomiyaha waa salaan uu ku talaabsanayo gudoomiyuhu si uu ugu fadhiisto kursiga madaxwaynaha. Bal aynu eegno cida codka siisay?
Waa xubnaha soo socda:- xubno ka tirsan xisbiga kulmiye aanse wadaagin ujeeddo midaysan oo kala ah.
1- Xubno ku dooda in guddoomiyaha xisbigu yahay nin dalkan usoo halgamay, xaq u leh inuu madaxweyne ka noqdo dalka, waayo arag ruug cadaa meel lagaga dhacay markii ladooran waayay doorashadii 2003kii.
2- Xubno kasoo jeeda deegaanka  guddoomiyaha(madaxwaynaha maanta), kuwaas oo  cod iyo dhaqaalle ku bixiyay si uu Madaxwayne Siilaanyo u fadhiisto kursiga, iyagoo ku doodayay  hebel baa shalay Madaxweyne ahaa ,dorraadna hebel,  tii ka sii horreysana hebel  maanta anagaa xaq u leh waa maalintaydii. Waxay aamin sanaayeen kooxdaasi in hadduu Odeygu madaxwayne noqdo in magac iyo manfacba helidoonaan.
3- Xubno ka tirsan kulmiye una oomanaa xatooyo xoole dadwayne oo isha ku hayey sida kooxdii UDUB, Hantida qaranka ugu talax tagtay ee aanay cidina waabin jirin, isla markaana  aamin sanaa in haddii Madaxwayne Silaanyo ku  fadhiisto  kursiga Madaxtooyadda inay  iyaguna fursad uheli doonaan inay xeedhada gacmaha la helidoonaan oo  ay ilaa iyo suxulada ka leefidoonaan sidaana codka ku bixiyay.
4- waxa jirtay koox kale oo  iyagu qabay balan ahayd in hadduu Silaanyo ku guuleysto Doorashada uu furidoono Ururo siyaasaddeed si ay u gaadhaan himiladoodii codkana sidaa ku siiyey.
5- qaybta ugu danbaysa waxay ahaayeen Shacab wayne aan saddexda xisbi midna ka tirsaneyn, kuwaas  oo codkooda  ku bixiyay barnaamijkii  Kulmiye soo bandhigeen waqtigii ololaha lagu jiray, kaas  oo aan qabo inay  wax badani ka fuleen.
Marka laga reebo kooxdan danbe afarta kooxood ee hore waa xubno ka tirsan xisbiga kulmiye,  hase yeeshee kala dan ah. Waxa kali ah ay wadaagaan, ama isku ujeedo ka ahaayeen  in kursiga lasaaro Madaxwayne silaanyo.

Waxan tusaale usoo qaadan karaa, ama tan marag u ah in Madaxwaynuhu bilowgiiba xubnaha uu xukuumada ka dhisay ee ka tirsanaa Xisbiga  Kulme ay noqdeen, kuwo  faro ku tiris ah, isagoo  markii danbena ay dani baddey inuu ka baadhbaadho xubno uu xil u dhiibay xisbigii uu doorashada kaga guulaystay ee UDUB.

Hase yeeshee markaynu  dib jaleecno  qaar ka mida kooxaha aynu  kasoo sheekaynay iyo xubnaha ay kooban yihiin xisbiga kulmiye ee kor  ku xusnay. Kooxda labaad may helin magac iyo manfac markuu Madaxwayne Siilaanyo kursiga fuulay. Dabcan si kasta uu Madaxwaynuhu ugu dedaalo ma raaligelin karo deegaan  gaaraa, sidaa awgeed waxaynu odhankaraa kamay helin Madaxweyne Siilaanyo  waxay ku riyoonayeen.
Kooxda sedexaad oo iyagu boobka u diyaarka ahaa waxay candhuuf toodii dib u liqeen markii qaar ka mid ah masuuliyiintii weliba kasoo jeeday Xisbiga Kulmiye  loo xidhay musuq-maasuq.
Laakiin Kooxda 4aad, waxay  iyagu ku guulaysteen ujeedidii ay lahaayeen oo ahayd  in la furo Ururo siyaasadeed, waxayna kooxdani  markii loo ogolaaday dib u furista Ururada Siyaasada ay dadweynaha  ka codsadeen  inay   ka saamaxaan denbigii ay galeen oo ahaa inay u ol oleeyeen Madaxwayne Silaanyo. Ogow maanta way la tartamayaan xisbiga ay shalay inoo amaanayeen. Kooxdaasi waxay marlabaad isku bahaysteen mucaaradad, waxay ku doodayaan in ay dadweynaha u doodayaan, iyagoo u  u sheegaya  in xisbigoodii (kulmiye) ka leexday wadadii ay  u jeexeen.
fariimaha noocan ahi waxay muujinayaan inay siyaasiyiintu bulshada u sawiraan waxay jecelyihiin, iyagoo u tusaya dantooda, balse xqiiqdu tahay inay doonayaan keliya inay kursiga ku fuulaan.   Sidaa awgeed waxan leeyahay dadyohow maskaxdaadu yay noqon goob qashinka lagu qubo  oo siyaasiga danta lihi u adeegsado.
Hadaad shalay soosaartay sedex xisbi oo sedex nin iska leeyihiin una samaysan qaab sallaan uu ku dul talaab sanaayo si uu dantiisa u gaadho, maanta waxaad haysataan fursad aan kusoomarayn 10 Sanadood. Markaa  waa inaad soo saartaan  seddex xisbi oo sida kooxda kubada cagta hadaf iyo ujeedo midaysan leh, isla markaana kii  talada ku guulaystaa hogaankiisu  diyaar u  yahay  in dhexdiisa lagu tartami karo oo dumuqraadiyad dhab ahi ka jirto, barnaamij cad oo soconaya leh  oo ah xisbiyo aan ku dhisnayn dhaqaalle cid gaar ah, balse leh qaadhaan wadaag, waana kaas  xisbiga aan  cid gaar ahi sheegankarin.
By Prof: Cabdi Xuseen Maraykan {Flosy}

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>