Waxaa la caddeeyey in cunug waliba ku dhasho isaga oo Islaam ah waxaana sidaas Rasuulka ka weriyey Abii Hurayra oo ay qoreen Muslim iyo Bukhaariba oo caddaynaya in cunug waliba isaga Islaam ah dhasho hase yeeshee uu waalidkiis ka dhigo Yahuud,  ama Kiristaanm  ama Majuusi.

حَدَّثَنَا حَاجِبُ بْنُ الْوَلِيدِ حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ حَرْبٍ عَنِ الزُّبَيْدِيِّ عَنِ الزُّهْرِيِّ أَخْبَرَنِي سَعِيدُ بْنُ الْمُسَيَّبِ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّهُ كَانَ يَقُولُ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَا مِنْ مَوْلُودٍ إِلَّا يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ فَأَبَوَاهُ يُهَوِّدَانِهِ وَيُنَصِّرَانِهِ وَيُمَجِّسَانِهِ كَمَا تُنْتَجُ الْبَهِيمَةُ بَهِيمَةً جَمْعَاءَ هَلْ تُحِسُّونَ فِيهَا مِنْ جَدْعَاءَ ثُمَّ يَقُولُا أَبُو هُرَيْرَةَ وَاقْرَءُوا إِنْ شِئْتُمْ ( فِطْرَةَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ) الْآيَةَ حَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ حَدَّثَنَا عَبْدُ الْأَعْلَى ح و حَدَّثَنَا عَبْدُ بْنُ حُمَيْدٍ أَخْبَرَنَا عَبْدُ الرَّزَّاقِ كِلَاهُمَا عَنْ مَعْمَرٍ عَنِ الزُّهْرِيِّ بِهَذَا الْإِسْنَادِ وَقَالَ كَمَا تُنْتَجُ الْبَهِيمَةُ بَهِيمَةً وَلَمْ يَذْكُرْ جَمْعَاءَ (المسلم).
Haddaba ruuxii ku dhasha Islaamnimo isaga oo yar ayaa waalidkii u dooraa in uu yahay muslim laakiin isagu ma dooran Islaamnimada uu sheeganayo, taas ayaa waxay keentay in uu yahay wax uusan isagu baaritaan ku samayn oo uusan ku qancin. Sidaas darteed waxaa dadka diinta ku dhasha uga iimaan weyn kuwa iyaga oo dad waaweyn ah ku qanca xaqnimada diinta Islaamka sidaasna ku islaama.
Ma dhici karto in ruux islaam ahi oo ku qanacsan in Alle uu adduunka iska lee yahay isaguna abuuray cid xukunka adduunka la lihina jirin uu diin dad samaystay u tuuro diintii xaqa ahayd ee Alle adduunka ugu talada galay. In badan waxaan dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah u sheegay in diintu tahay dastuurka ay ummadi ku dhaqanto, sidaas darteed ruuxii ku dhaqma dastuurka Alle oo Alle ku magacaabay Islaam ayaa ah islaam, sidaas darteed ruux walba dastuurka iyo sharuucda uu ku dhaqmo ayaa u ah diin.
فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(يوسف 76).
Marka aayadda odhaahda كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ ayaa caddaynaysa in sharciga ay ummadi ku dhaqanto uu u yahay diin. Marka in ummad Islaam ah oo sheeganaya in ay ku dhaqanto diinta Islaamka  ay dagaal cad ku qaadaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, arrinkaas oo ay culumadu isku wada raacsan tahay in lagu gaaloobayo, waayo waxay la mid yihiin iyaga oo dhahay ma doonayo diinta Islaamka. Waxaa la yaab leh in culumadu aanay arrinkaas ilaa iyo hadda ka hadlin waxaa kale oo la yaab leh in ay culumadu garan in dadka ay culumada u yihiin yihiin munaafaqiin ama dad aad diinta wax aqoon ah u lahayn ee iska sheegta iyaga oo aan hubin xaqnimadeeda.
Waxaan doonayaa in aad idin dareensiiyo in adduunka wax kasta oo noole iyo ma noole ahba ay ku socdaan jaangooyada Alle.  Wuxuuna Alle noo sheegay in uu isaga kala wado adduunka cid kale oo kala amri kartaana jirin.
قُلْ مَنْ يَرْزُقُكُمْ مِنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ أَمَّنْ يَمْلِكُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَمَنْ يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ وَمَنْ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ فَسَيَقُولُونَ اللَّهُ فَقُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ(يونس 31).
Macnaheeduna waa sidatan: waxaa gaalada weydiisaa yaa cirka iyo dhulka idinka kadaba, yaase leh maqalka iyo aragga, yaase nolol ka soo dhex saara wax aan isir nololeed lahayn, wixii noolaana ka dhiga wax aan isir nololeed lahayn iyo yaa arrimaha adduunka kala wada, markaas ayay kugu dhihi doonaan Alle ee markaas waxaad ku dhahdaa haddaba maad ka cabsataan ama ka xadhig xidhataan.  Sidaas oo ay tahay dadku wax kale oo abuurka jira ay fara geliyaan ma jirto aan ka ahayn shareecada Islaamka, inta kale abuurka iyo jaangooyada Alle iskuma dayaan in ay wax ka beddelaan. Sow ma aydaan arkin dawladda adduunka ugu xoogga weyn oo markii ay arkaan xanfalay ama waxa loo yaqaan tornaido kala cararaya ee aan awood ay ku joojiyaan lahayn, sidaas darteed waxay ka adag yihiin in ay dadka muslimiinta ah diintooda ka cabsi geliyaan.
Waxaan kale oo idin xasuusinayaa in dagaalkii Uxud ay laba afleyaashu dheheen horta talada wax ma ku lee nahay oo Alle ugu jawaabay maya ee waxba kuma lihidin, haddii aannu talada wax yeelan lahayn meeshaas nalaguma soo laayeen ee waan ka joogi lahayn, markaa ayuu Alle ugu jawaabayaa amar oo dhanna Alle ayaa iska leh, ruuxii in uu maalinkaas dhinto loo qorayna meeshii uu ku dhiman lahaa waa kii taga ee lagama baajin karo aayadda 145 Aal Cimraan.

ثُمَّ جَعَلْنَاكَ عَلَى شَرِيعَةٍ مِنَ الْأَمْرِ فَاتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ(الجاثية 18).
Sida ka muuqata aayaddan Ilaah ayaa na siiyey sharci lagu dhaqmo wuxuuna na wada farayaa in isaga mooyee aan sharci kale la qaadan, lana diido kuwa hawadooda beenta ah ka samaysta Ilaah ee sharci aan xaq ahayn dejista.
Marka dadka Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan waxay dagaal kula jiraan diintii Islaamka ha ugu darnaadeen kuwa Muqdisho jooga, hase yeeshee Muqdisho waxaa laga helaa koox yar haba qaldanaayeen ee diinta Alle doon ah, laakiin meelaha kale oo dhan waxaa la moodaa in ay gaalada isu dhiibeen diintiina wax u hadla oo doonayaa jirin.
Waxaan aad ugu nasteexaynayaa dadka Soomaaliyeed ee sheegta Somaliland oo dhowaan hal ku imtixaanay xisbi siyaasi ah oo doonaya in shareecada lagu garsoorto, iyada oo horay dawladda Somaliland ay ansixisay in la furto xisbiyo fara badan, ayaa markii xisbu Allaah la furtay ay hor istaageen iyaga oo weliba  caayaya diinta Islaamka oo ku sheegaya argagixiso.
Hadalkii wasiirka arrimaha gudaha ee lagu daabay bogga oodweynenews waxaa ka faalooday 54 qof 4ta mooyee intii kale nacdal ayay korka uga tuureen xisbullaah, arrinkaas oo ah mid aad looga naxo, waayo dadkaas waxaan u sheegayaa iyo wasiirkaba in ay xaqan gaaloobeen ayna tahay waajib in ay toobad keenaan. Hadalkaagu yuusan idinka xanaajin haddii aad lee dihiin gaalo ma nihin soo caddeeya in ay bannaan tahay in aan diinta Islaamka lagu dhaqmin lana caayi karo oo lagu tilmaami karo caydii ay gaaladu ku caayeen diinta sharafta badan.
Waxaan Hargeysa u sheegayaa in ay xaaraan tahay in aad aqoonsi ka raadisaan gaalo aadami idinka oo kale ah, Allena aydaan waxba ka doonayn, sidaasna waxaa kuu muujinaya in ay jecel yihiin gaalada ku soo qol qolaysa Somaliland haddii anigu aan maanta tagana laga yaabo in xabis la i dhigo oo weliba dhibaato la iigu geysto argagixiso ayaad tahay.
Ma kuwa dalkooda iyo diintooda daafacay ayaa argagixiso ah mase kwua adduunka dagaalka gar darada ah ku qaaday ee ummado aanay wax shaqo isku lahayn gumaadaya ayaa argagixiso ah?.
Ogaada in wax uusan Alle bixin cid idin siin kartaa jirin arrinkaasna wuxuu lagu sheegay xadiiska uu Sh. Ahmed qoray ee uu weriyey Ibna Cabbaas:
حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ يَزِيدَ حَدَّثَنَا كَهْمَسُ بْنُ الْحَسَنِ عَنِ الْحَجَّاجِ بْنِ الْفُرَافِصَةِ قَالَ أَبُو عَبْد الرَّحْمَنِ هُوَ عَبْدُ اللَّهِ ابْنُ يَزِيدَ وَأَنَا قَدْ رَأْيَتُهُ فِي طَرِيقٍ فَسَلَّمَ عَلَيَّ وَأَنَا صَبِيٌّ رَفَعَهُ إِلَى ابْنِ عَبَّاسٍ أَوْ أَسْنَدَهُ إِلَى ابْنِ عَبَّاسٍ قَالَ وَحَدَّثَنِي هَمَّامُ بْنُ يَحْيَى أَبُو عَبْدِ اللَّهِ صَاحِبُ الْبَصْرِيِّ أَسْنَدَهُ إِلَى ابْنِ عَبَّاسٍ وَحَدَّثَنِي عَبْدُ اللَّهِ بْنُ لَهِيعَةَ وَنَافِعُ ابْنُ يَزِيدَ الْمِصْرِيَّانِ عَنْ قَيْسِ بْنِ الْحَجَّاجِ عَنْ حَنَشٍ الصَّنْعَانِيِّ عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ وَلَا أَحْفَظُ حَدِيثَ بَعْضِهِمْ عَنْ بَعْضٍ أَنَّهُ قَالَ كُنْتُ رَدِيفَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ يَا غُلَامُ أَوْ يَا غُلَيِّمُ أَلَا أُعَلِّمُكَ كَلِمَاتٍ يَنْفَعُكَ اللَّهُ بِهِنَّ فَقُلْتُ بَلَى فَقَالَ احْفَظِ اللَّهَ يَحْفَظْكَ احْفَظِ اللَّهَ تَجِدْهُ أَمَامَكَ تَعَرَّفْ إِلَيْهِ فِي الرَّخَاءِ يَعْرِفْكَ فِي الشِّدَّةِ وَإِذَا سَأَلْتَ فَاسْأَلِ اللَّهَ وَإِذَا اسْتَعَنْتَ فَاسْتَعِنْ بِاللَّهِ قَدْ جَفَّ الْقَلَمُ بِمَا هُوَ كَائِنٌ فَلَوْ أَنَّ الْخَلْقَ كُلَّهُمْ جَمِيعًا أَرَادُوا أَنْ يَنْفَعُوكَ بِشَيْءٍ لَمْ يَكْتُبْهُ اللَّهُ عَلَيْكَ لَمْ يَقْدِرُوا عَلَيْهِ وَإِنْ أَرَادُوا أَنْ يَضُرُّوكَ بِشَيْءٍ لَمْ يَكْتُبْهُ اللَّهُ عَلَيْكَ لَمْ يَقْدِرُوا عَلَيْهِ وَاعْلَمْ أَنَّ فِي الصَّبْرِ عَلَى مَا تَكْرَهُ خَيْرًا كَثِيرًا وَأَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ وَأَنَّ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا(أحمد).
Waxaan ku soo gunaanadayaa aayaddan Quraanka ah ee nalagu barayo in Alle mooyee cid kale oo wax wanaag ah bixin karta oo u leh awoodi jirin, sidaas darteed waa in wax kasta loo maro jidka Alle raallinimadiisa lagu gaadho. Haddiia aad in la idin aqoonsado u martaan jid aan ka Alle ahayn waxay la mid tahay idinka oo cidda aad aqoonsiga ka doonaysaan idiin tahay Ilaaha aad caabudaan. Sidaas darteed ummadda Hargeysa qatar ayay ku jirtaa ee ha is badbaadiyeen diintooda Islaamkana ayaanay ula dagaalanin sida gaalada oo kale, yaanay caayda gaaladu u yeelayso Islaamka iyaguna ku raacin oo u yeelin ee ha sharfeen hana ku noqdeen raalli wax kasta oo dhibaato ah oo ku soo gaadha Alle dartiis.

Ex- G/le Sare Omer Suleiman Ali

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *