images/stories/adhbshl2.jpg Hargeysa(ANN)Laacibka Maxamuud Cabdi Xasan oo u ciyaarayey xulka kubadda cagta ee gobolka Maroodi-jeex ee ku guulaystay koobkii tartanka ee kubadda cagta, waxa shirkadda Dahabshiil ku abaalmarisay baabuur cusub oo ay ugu talogashay, kaas oo huteelka Kaah uu ku guddoonsiiyey

 

Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Xasan Maxamed Jaamac (Xiis) iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday laamaha DAHABSHIIL GROUP oo ka qaybgalay soo dhoweyn aad u ballaadhan oo shacabka reer Hargeysa  ku qaabileen kooxaha xulka Gobolka Maroodi-jeex oo ku soo laabtay shalay caasimadda.

Mr. Xasan Xiis oo hadal kooban ka jeediyey xafladda ciyaaryahanka lagu guddoonsiiyey gaadhigaasi ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin shirkad ahaan abaalmarinta ay siiyeen laacibka Maxamuud Cabdi Xasan.

“Maanta waxa noo farxad ah inaannu hadiyadan siinno ciyaaryahannada Gobolka Maroodi-jeex oo dhan, gaar ahaan ciyaaryahanka dhaliyey goolkii ugu horreeyey ee lagu furay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland, sidoo kalena waxaannu shir ahaan hambalyeynaynaa guulaha Gobolka Maroodi-jeex ka soo hooyey tartankaas,” ayuu yidhi Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Dahabshiil Group Mr. Xasan Xiis.

Dhinaca kale, laacibka Maxamuud Cabdi Xasan, ayaa isaguna dhinaciisa uga mahadnaqay shirkadda Dahabshiil Group gaadhiga abaalmarinta ah ee ay guddoonsiiyeen, isagoo ka raalligeliyey shirkadda warar ku soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo sheegayey in shirkaddu kala noqotay hadyadii loogu talogalay.

“Marka hore waxaan u mahadnaqayaa shirkadaha Dahabshiil Group iyo cid kastoo gacan ka geystay hirgelinta tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland. Mar labad waxaan shirkadda Dahabshiil ka raalligelinayaa isfahmi-waa na soo kala dhexgalay oo ku saabsanaa gaadhigan aan maanta [shalay] ka guddoomay, waxaanan leeyahay aad baad ugu mahadsan tihiin abaalmarinta aad i siiseen,” ayuu yidhi ciyaaryahan Maxamuud Cabdi.

Tababaraha xulka kubadda cagta ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Diridhaba oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay marxaladihii ay xulkoodu soo mareen tartankii ciyaaraha kubadda cagta ee gobollada, isaga oo u mahadceliyey shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay inay muujisay dedaal mucjiso ah oo ay ku dhiirigelisay dhallinyarada iyo ciyaaraha dalkaba, isagoo tilmaamay in doorka shirkaddu ka gaysatay tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland geli doono taariikhda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.comS

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *