Hargeysa(ANN)Shir lagu falanqaynayay Baahiyaha Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana dhaqaalle loogu ururinayo  ayaa maanta lagu qabtay dhismaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.Shirkaa oo ay ka soo qaybgaleen guddida caafimaadka ee
gobolka Maroodi jeex, agaasimaha cisbitaalka guud, guddoomiyaha Hay”adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ,xubno ka tirsan guddida cusbitaalka iyo marti sharaf kale. Waxa warbixin ka jeedisay Agaasimaha cusbitaalka guud Marwo Faadumo Cabdi Kaahin, oo ka  warantay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay joogtay iyo baahiyaha  xilligan taagan ee u baahan in wax lagala qabto.
“Sharaf weyn baa ay ii tahay inaan idin kala qaybgalo shirkan lagaga hadlayo, baahiyaha xasaasiga ee uu u baahan yahay dhakhtarkani, intii aanu joognay haddii aan wax ka tilmaamo waxyaabihii noo hirgalay waxaanu dib u dhis ku samanay waadhadhkii bukaan jiifka, jababka, wadhadhka umulaha iyo qolka degdega iyo qaybo kale oo aanu ku darnay dhakhtarka Hargeysa maanta waxa uu leeyahay ilaa toddoba makhsin oo wax lagu qalo iyo agabkiisii,”ayuu tidhi Faadumo Cabdi Kaahin.
Agaasimaha oo hadalkeeda sii wadatay waxay tidhi “Imikana waxaanu wadnaa in aanu xoojino qaybta adeegga ee shaqada, dhakhtarku waxa uu ka kooban yahay laba nooc qaybta bukaan jiifka iyo xanuunada guud iyo cisbitaalka waalida. maanta dhakhtarka Hargeysi waa meel qofku naftiisa ku halayn karo, inkasta oo aanan odhan karin wax waliba wey noo dhan yihiin balse ay jiraan baahiyo u baahan in wax nagala qabto.”
“Mujtamaca waxaan leeyahay suuqa waxaa wareegaaya dadkii waalaa oo u baahan in la soo xareeyo, dadkaasina waa dadkeenii oo u baahan in daryeelkooda aynu sugno, waana qodob muhiima oo ka mid ah ajandaha shirkan, waana arrin u baahan in lays dul taago,”ayay tidhi Agaasimaha cisbitaalku.
Agaasimuhu waxay ku baaqday inay bulshoweyntu ka qeybqaadato qaadhaan ururinta si loo daboolo adeegyada uu shacbiga u hayo Cusbitaalka guud.
.
Agaasimuhu waxay sheegtay in  iyadoo dhaakhaatiirtii dalku joogaan haddana ay agab la’aan darteed ay dadweynuhu dibada u tagaan hawlo caafimaad, waxayna  iyadoo arrintaa ka hadlaysa waxay tidhi,  “Inaga oo wadankeenii joogna oo dhakhtaradii haysana ayaynu dibada caafimaad ugu baxnaa, balse waxa innaga maqani waa agabkii lagu shaqayn lahaa iyo dhakhtaradeenii oo la gaadhsiiyo cilmiga dibadda loogu baxayo in dalka laga helo. Waxa mahad leh dawlada maanta joogta ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed maxamed Maxamuud (Siiaanyo) waxaan filayaa wuu ku taagan yahay balan qaadkiisii ahaa wax ka qabashadda caafimaadka.”
Guddoomiyaha guddida caafimaadka ee gobolka maroodijeex Dr Aadan Yuusuf Abokor oo ka hadlay kulankaa ayaa  ugu baaqay bulshada  Somaliland inay kaalintooda  ka geysteen qaadhaan ururin loo samaynayo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee cisbitaalka guud.
Waxa kale  isaguna kulankaa  ka hadlay Guddoomiyaha Guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Mr. Axmed Muxumed Madar oo ka waramay baahida adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalka Hargeysa iyo qaabka wax looga qaban karo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *