https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1085/3?uidval=1268568853Hargeysa(ANN)Kooxda sheegata Ururka suxufiyiinta Somaliland ee  SOLJA, ayaa si kulul u cambaareeyay warbaahinta sida aan habboonayn u tebisay wararka la xidhiidha dhacdooyinka dilkii foolx-xummada ahaa ee ka dhacay deegaanka Saameel.

Hoggaanka Uuruka SOLJA iyo xubno ka mid ah Guddida fulinta oo shir jaraa’id saaka ku qabtay hudheelka Shiraaqle ee bariga Hargeysa waxay si wada jira eedayn culus ugu direen warbaahinta sida aan haboonayn u tebisay wararka la xidhiidha dilkii Saameel, kuwaasoo aanay carabaabin, islamarkaana waxay ku hanjabeen in hay’addaha sharciga lala tiigsan doono saxaafadda ka qaybgasha hurinta collaada deegaanka Saameel.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in saxaafadda waajib ka saaranyahay dhismaha bulshada oo laga waaniyo wixii aan dantooda ahayn oo aan loo gudbin, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Saxaafad ahaan xilka ina saraani maaha bulshadaeena inaynu gaadhsiino hagardaami iyo hadimo iyo inaynu dhibaato ku dhexfidino, waajibkeenu waa inaynu bulshadeena dhisno oo aynu dantooda ku hagno, wixii dhibaato ku ahna aynu ka waanino oo aynaan u gudbinno.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Hadalkaan samayni wuxuu taraa sun iyio waabay, inagu yaynaan noqon kuwii sun iyo waabay bulshada ku fidiya ee la eersan lahaa, waxa keliya ee laynooga baahanyahay waa inaynu ka shaqayno danta caamka ah ee bulshadu leedahay, kana hortagta wixii ka soo horjeeda.”

Guddoomiyaha SOLJA waxa uu sheegay inay waajib tahay cambaaraynta cidii sida aan habboonayn u tebisay wararka la xidhiidha dhacdadii Seemaal, islamarkaana ammaan loo diro cid kasta oo dhinaca wanaagsan iyo wadaniyadda iska taagtay qadiyaddaas, isagoo ammaan gaar ah u diray shebekadda wararka Awdalnews, “Intii sida wanaagsan wax uga sheegtay aad baan u hambalyaynayaa, mushkillada ugu weyni dhinaca internetka ayay ka imanaysaa inta wanaaga lagu noolyahay baa badan, nin kastoowna naanays ka dhitaysan, bulshadaada iyo dadkaagana xummaan ha ka galabsan.

Website-yada aan aadka u ammaani karo waxa ka mid ah Awdalnews iyo Booramenews oo runtii isaga iyo cidda ka hawlgashaba aan aad u hambalyaynayo kaalinta muhiimka ah ee ay arrintaas ka qaateen.”sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.

Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-Rashiid, ayaa hambalyeeyay ciddii sida wanaagsan u tebisay dhacdooyinkii dilka Saameel, saxaafadana ugu baaqay inaanay colaad ka dhex abuurin bulshada walaalaha ah, “Waxaannu hambalyaynaynaa saxaafadda sida sharafta leh ee sida wanagsan wax uga tebisa, waxaannu aaminsanahaya in xukuummadu si deg dega uga hawlgashoo oo soo qabato cidii falkaas geysatay, saxaafadduna waa inaanay wax ka duubin dadka isku dirka ka shaqaynaya ee isku dirka dadka ka dhex abuuraysa.”

Nimco Maxamed Cumar (Nimco Samriye) oo ka mid ah Guddida fulinta SOLJA, ayaa sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii danbe eek u gefta xeerarka saxaafadda kana shaqaysa isku dirka dadka walaalaha ah,w axaana hadalkeeda ka mid ahaa,  “Wixii hore waxay dhaceen wixii danbe ee ka soo baxa wtallaabo adag baa laga qaadi doonaa si wada jirana waynu xukuumaddana waxaannu ka codsanaynaa in qofkii xeerarka saxaafadda ku xad-gudnba si wada jira aynu tallaabo sharciya uga qaadno.” ayay tidhi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *