-
Published On: Sun, Dec 11th, 2011

FITNADU WEY HURIDAA EE NACLADI HA KU DEGTO KUWA TOOSIYA. By Ahmed Arwo

Smiley face
Share This
Tags

Anigoo dabasocda dilkii fuleynimo ee nabarka foosha xun ku suntay qaranimada Somaliland, waa dilkii ka dhacay Seemaal eh, ayaan jecelay inaan wax ka idhaahdo kaalinta warbaahinta, oday-dhaqameedka iyo wax-garadka arrintan ka hadla. Warbaahinteenu waa xor waxaana xornimadooda

damaanad qaaday dastuurka iyo shurcuucda dalka. Waxay hayaan waajib qaran oon looga maarmin hab-maamul-wanaaga dawladnimo. Waa tiir muhiim ah oo loo baahan yahay inay dhaliisha iyo la-xisaabtanka xukuuumad iyo mucaardiba xoojiyaan si hagar la’aan ah oo dhexdhexaad ahna ay ummadda u tusaan qaladka iyo gef waxay u arkaan, si ummadeenu ay u hesho inay qiimeyso siyaasadda ooy raacaan halkay danta u arkaan. Dhaliisha runta aha ee xukuumaddu waa toosin. Kolkay tahay been abuur iyo cayna, waa mid milgaha marbaahinta wax yeelaysa.Been-abuur iyo war aan la hubsan oo beenoobaa wey kala duwan yihiin. Kan xumi waa been abuur loo kasay.

Haddaba taas mecnaheedu ma aha inay xor u yihiin baahinta fidnada, iyo hurinta colaad sokeeye. Taasi waa xaraan, waayo waxwalba waxa ka horeeya nabadda, iyo jiritaanka qarannimo ee dalka hooyo. Ma aha arrin lagu gaban karo xoriyadda warbaahinta in meel dab ka baxaayo baansiin lagu shubaa wey reebantay. Waxa warbaahinta la gudboon dab-damis iyo gurmad nabadeed. Ma aha inay horseedo colaad iyo naxli sonkoreysan.  

Sida cinwanka ku cad waxaan soo qaatay odhaahdii Rasuulkeena SCWS uu inoogu muujiyey in nacdasha oo ah cadhada Alle ay ku soo degto qofka ummadda fidino ka dhex  abuura. Waxa aynu ognahay oo kale xadiiska odhanaaya..qofka gardaro ruux muslim ah qudha ka jaraa waxuu la mid yahay ruux aadmigoo dhan dilay. Sidoo kale ayuu Rasuulkeenu SCWS inooga digay dilka dhex mara muslimka, isagoo inoo sheegay in dagaalka Muslimka dhexmaraa kan dhintay iyo kan wax dilayba ay yihiin ehlu naar.

Waxa si fudud loo fidinayaa ereyo turxaan iyo naxli leh oo qofka yidhi laga yeebo inay ka keentay cadho. Waxa xumaanta ugu weyn wadaa ee fidnada hurinayaa ma aha ciddii sida axmaqnimada ah ehelkooda loo dilay oo iyagu aan xaqooda ka tanaasulin bal se ka sugaaya garsoorka iyo xukuumadda, waa dad u badan dhinaca warbaahinta oo leh TV, Idaacad, Internet , Jaraa’id, iyo websiteyo. Waxaad moodaa inay ku naaxaan naxliga iyo xumaanta.Eeddo dabcan waa intooda arrintan ku kacda ee ma aha mid aan dhammaan u xanbaarinaayo.

Waan garan karaa in dadka qaar si cadho leh oo caadifad leh ay arrinkan uga hadlaan, waa dabeeci. Waxay se masiibo tahay cidda sii kordhinaysa ee sida xamaasadda ah u fidinaysa. Waxaad arkaysa sida loo baahiyey hadaladii cadhada ka dhashay ee oday-dhaqameedyada qaar ka yimid. Kolka kuwa sida degan uga hadlay ee isla reerka ah aad ku arkayso meel meel qudha. Bal soo badha oo labadaas hadal isu qiyaas sida loo kala fidiyey.

Haddaba inagoo dhammaan isku raacsan in arrintan foosha xun aynu isku si u aragno, oo aynu ku ciil baxno garsoorka oo la hor keeno cid kasta oo falkan lagu xidhgiidhiyo, waxa inala gudboon inta baadhisto socoto inaynu samir iyo nabaddoonnimo aynu waxwalba ku dhowrno. Yeynaan u jabin kuwa xumaanta sameeyey ee hadafkoodu yahay khalkhal-gelinta nabadda aynu ku caano maalnay.
Ma nihin malaa’ig, xaakim iyo maxkuumba waxaynu nahay aadmi, qalad iyo gefna waa ina daan weyne. Waxa aarintu tahay gefka iyo qaladka sida loo saxo iyo in cadaaladdu shaqayso, muwaaadinkuna helo garsoor uu ku kalsoon yahay oo xaqiisa cidda u gefta looga soo jaro. Ma aha in cidina sharciga ka weyntay, iyo in cidina sharciga gacanteeda ku qaadato.

Waxaynu ku noolnahay mandaqad dagaal daashaday, xoog iyo muruq baabiiyey. Waxaynu taas kaga badbaadnay waa nabadda aynu shacbi iyo xukuumadba wada ilaalinay. Waa dhacdooyinka nabad-diidku kolba ay bar nabad ah ka fuliyaan sida aynu dhammaan uga hawl galno. Waa samirka iyo kalsoonida dhibanayaashu ku qabaan nidaamka dawladnimo ee dalkeena. Waa habka wadajir ee aynu gurmadka dab-damiska ugu diro inagoo gacmaha is haysana.

Dariiqaas aynu guusha ku gaadhany yaan laga leexan. Warbaahintu ha ogaato in falalka ka dhashay xumaanta ay fidinayaan in haddaan ifka looga jarin, ay aakhiro xisaabteeda la weydiin doono. Ha ogaadaan ereyga qof cadhaysan ka soo baxay ee ay buunbuuniyaan ee ay meel walba gaadhsiiyaan in dambigeeda ayna cidi la wadaageen . Alle ha laga cabsado oo wanaaga iyo samotaliska ha la fidiyo. Ha laga dheeraado xumaan sheega iyo inta ka ganacsata dilka iyo dhiiga aadmiga.

Yaan reeraha dhibaatadu gaadhay la sii shidin oon loo horseedin inay dhib kale ay iyana cid aan dambi lahayn u geestaan. Taais ma aha aargoosi. Waxa aargoosi ah iyada oo la helo cidda dambiga geesatay oo gacan bir ah lagu qabto,lana mariyo xumaanta ay geysteen dheefteeda. Inta la kicinaayo, waxa xaqooda ay ku heliyaan in la dejiyo, oo ay if iyo aakhirba ay ku helayaan wanaag iyo abaal marin. Sidoo kale ayey ku aargooysan doonaan cadaaladda ooy ku ciil bixi markay arkaan ciddii ehelkooda sida foosha xun u dishay oo inta la ugaadhsaday sharciga lala tiigsaday.

Waxa haddaba inala gudboon inaynu dhammaan u kacno ugaadhsiga dambiilayaasha si gaar ahna waa waajib u saaran cidda ay ka soo jeedaan.Ma se aha mid yaraynaysa waajibka guud ee bulshada saaran iyo xilka u gaarka ah xukuumadda iyo laamaheeda amniga. Aan ku celiyo xilka warbaahinta, culumada iyo oday-dhaqanka, saaran ee ah wanaag-farka, xumaan-reebka, nabad-doonka, samir-qaadashada, la-shaqaynta baadi-doonka mujrimiinta, iyo taakulinta maadi iyo ruuxba, inta dhibtu soo gaadhay.

Waxa la sheegayaa in labada dhinacba ay jiraan dad ka soo qaxay oo cabsiyi ka soo rartay guryahoodii. Waxa habboon in dadkaas loo gurmado oo loo fidiyo taakulin iyo taageero maal, mood iyo ammaan ah. Maamulada labada gobal ee Awdal iyo Gabiley si gaar ah ayey arrintan xil uga saaran yahay. Waa inay wada shaqeeyaan ooy subax iyo galabba ay kala war qaataan, ooy wadajir gurmad nabadeed iyo taakulin kaleba ay u geestaan kolba meesha looga baaho.

Aan mar akle idiin soo qaato Abwaan Gaariye iyo xikmadiisa ma-guuraanka ah. Waa tilmaan cad oo sifeynaysa aayo-xumada dhacdooyinka dagaal ee la dhex-dhigo dadka wada dhashay ee abid aan kala maarmin, kala fogaan, kala tegi karin. Waxuu idhi abwaanku:

mar labaad ubadkeena            sidii Ey la guhaadshay
in ilkaha lagu qaado            -Unugtii shaleytoole
isku meesha u jeeday            iminka yaa iska hor jeedshay

-Laba oorya walaaliyo           ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee           -marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo          ilmahayga ku waayo
-mar aan aayo la’aanta          seedigay ugu aaro oo
walaashay asay qaado            -mar haday aqalkayga
haddii layga adkaadiyo          hadaan raystey idhaahdaba
-mar lay oohin u tahay          bal maxaan istafiiday

-Afartii garjahoodba            hadaan soo wada ooday
xageen geela irmaaniyo          markey beeshu haraado
u aroorinayaa

Fadlan fariinta wanaagsan aynu fidino, nabadda aynu taageerno, cadaaladda aynu ku kala baxno, cadowga aynu meel uga soo wada jeedno. Dalka cidina gaar uma laha, waa dalkeenii waa mid aynu dhammaan leenahay, cidna laga xigin, cidna ayna marti ku ahayn. Inta yar ee kas gaabka ah ee ina kala qaybinaysa yeynaa raacin. Soomaliland waxa leh reer Soomaliland oo dhan, si siman , si isku mid ah ayuu waajibka qaran inoo saaran yahay, si siman oo isku mid ah ayeynu xuquuqna u leenahay.

Wadajir iyo walaalnimo.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

samotalis@gmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>