Bahweynta gaalada iyo munaafaqiinta la socoto ee shacabka Islaamka ah habeen iyo maalin la dhacaya madaafiicda sidaasna ku xalaalaystay dhiigga Islaamka, ayaa adduunka looga been sheegaa in uu dagaalku u dhexeeyo Soomaali. Hase yeeshee sida runta ah dagaalku

waa mid u dhexeeya Soomaali iyo gaalo ku soo duushay in aan diinta looga dhaqmin Soomaaliya ama aanay dawlad Islaam ahi ka dhalan. Samaacadda ugu xoogga weyn ee arrinkaas faafisaa waa Universal TV. Universal TV wuxuu waddanka ka joogaa Muqdisho gaar ahaan qaybta ay gaaladu gacanta ku hayso, ka dib markii ay ururkii la dhihi jiray Shabaabtu u hanjabtay ka dib markii ay arkeen in aanay arrimaha Soomaaliya dhex dhexaad iska dhaaf eh ay si gaar ah ugu eexanayaan huwanta gaalada iyo munaafaqiinta kula jirta la dagaalanka diinta Islaamka.
TV-gu nooc kasta oo been ah waa uu sheegay waxayse u darnayd markii ay soo fadhiisiyeen Shiikh u dhashay dalka Sacuudiga oo si qaldan wax loogu soo sheegay si uu u dhaho wax ay doonayeen in uu dhaho sidaasna dad Soomaaliyeed oo caammo ahi u rumeeyaan iyaga oo ay qabaan in Carabtu naga diin badiso.
Sida ka muuqanaysay hadalka Shiikhaas wuxuu ahaa nin loo soo sheeko xumeeyey laguna dhahay dagaalka Soomaaliya waa muslim muslim dilay, taas oo ah been aanay waxba ka jirin. Ma jiro ruux Islaam ah oo aan ogayn in dhiigga muslimku yahay xaaraan, Allena xukun adag ka soo dejiyey markii uu dhahay: ruuxii mu’min si bareer ah oo aan xaq ahayn u dila abaalkiisu waa Jahannamo oo uu ku waarayo, Alle oo ka cadhooda markaasna naxariistiisa/jannadiisa ka xaaraantimeeya wuxuuna ugu talo galay cadaab keliya.وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا(النساء 93).
Sida uu Shiikhu sheegay oo dhammi waa sax la iskumana hayo in aan sinno loo bannaysan karin dhiig islaam in si aan xaq ahayn loo daadsho. TV universal wuxuu doonayey in uu hadalkaas u dhaho Shiikhu aad ayayna ugu farxeen abaal gudkii ay ku doonayeenna way uga helayaan gaalada iyo laba aflayaashooda. Wuxuu kale oo Shiikhu ka dhawaajiyey in aanay bannaanayn in lagu xad gudbo ruux aadami ah gaal iyo muslimba, taasina waa runtiis. Marka ula jeedada Shiikhu waxay ahayd in uu noo sheego in haddii uu dagaalka Soomaaliya ka socdaa yahay mid ah muslim dilay muslim in uu yahay fitno ee uusan ahayn jahaad. Waan ku raacsanahay Shiikha 100% cid diidi kartaana ma jirto in muslim muslim ku jahaadi karin.
Waxaanse walaalayaasha Islaamka ah u sheegayaa in ruuxii muslim ah ee ruux kale dila ay tahay in loo dilo, marka ma xadgudub loo geystey  ruux muslim ah miyaa? Waa maya ee si xaq ah ayaa loo dilay waxaana lagu dilayaa amarka Alle. Waxaa kale oo diinteenna ka mid ah in ruuxii gaalooba la dilo, iyaduna ma xadgudubb baa? Waa maya waayo Alle ayaa na faray in qofkii muslim ah ee gaalooba la dilo. Markii rasuulku Alle oofsaday ayaa Carabtii qaar ka mid ahi gaaloobeen oo ay diideen in ay sekadii ay dhiibi jireen dhiibaan, waxaan amiirul mu’miniin ahaa Abuubark Sidiiq raximahu Allaahu. Markaas ayuu dhaar ku maray in ruuxii qoofal awr oo uu bixin jiray intii uu rasuulku noolaa maanta diida ee salaadda iyo sekada kala saara aan la dagaalayo ilaa ay ka bixiyaanna ma dhaafayo.
حَدَّثَنَا قُتَيْبَةُ بْنُ سَعِيدٍ حَدَّثَنَا لَيْثٌ عَنْ عُقَيْلٍ عَنِ الزُّهْرِيِّ أَخْبَرَنِي عُبَيْدُاللَّهِ بْنُ عَبْدِاللَّهِ بْنِ عُتْبَةَ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ لَمَّا تُوُفِّيَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَاسْتُخْلِفَ أَبُو بَكْرٍ بَعْدَهُ وَكَفَرَ مَنْ كَفَرَ مِنَ الْعَرَبِ قَالَ عُمَرُ لِأَبِي بَكْرٍ كَيْفَ تُقَاتِلُ النَّاسَ وَقَدْ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أُمِرْتُ أَنْ أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى يَقُولُوا لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ فَمَنْ قَالَ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ عَصَمَ مِنِّي مَالَهُ وَنَفْسَهُ إِلَّا بِحَقِّهِ وَحِسَابُهُ عَلَى اللَّهِ فَقَالَ وَاللَّهِ لَأُقَاتِلَنَّ مَنْ فَرَّقَ بَيْنَ الصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ فَإِنَّ الزَّكَاةَ حَقُّ الْمَالِ وَاللَّهِ لَوْ مَنَعُونِي عِقَالًا كَانُوا يُؤَدُّونَهُ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَقَاتَلْتُهُمْ عَلَى مَنْعِهِ فَقَالَ عُمَرُ فَوَاللَّهِ مَا هُوَ إِلَّا أَنْ رَأَيْتُ اللَّهَ قَدْ شَرَحَ صَدْرَ أَبِي بَكْرٍ لِلْقِتَالِ فَعَرَفْتُ أَنَّهُ الْحَقُّ قَالَ ابْنُ بُكَيْرٍ وَعَبْدُاللَّهِ عَنِ اللَّيْثِ عَنَاقًا وَهُوَ أَصَحُّ (البخاري).
Iyagana laguma xadgudbin dilkooduna wuxuu ahaa xaq, marka nimanka u hiilinaya gaalada ku soo duushay in aan diinta Alle lagu dhaqmin dawlo Islaam ahina ka dhalan Soomaaliya miyaan ahayn laba afleyaal galaada la soo dagaal galay oo uusan dilkoodu xaq ahayn. Waxaan kale oo doonayaa in aan dadka muslimiinta ah ee TV-ga Universal baadiyeeyey xasuusinayaa in uu Shiikhii Sacuudiga ahaa dhahay gaalo waa la soo adeegsan karaa, laakiin waxaan ka xumahay in uusan sheegin goorta la adeegsan karo iyo cidda loo adeegsan karo. Waxaase cad in marba haddii dilka nafta mu’minku tahay xaaraan aan loo adeegsan karin dilka mu’miniinta, sidaas darteed waxaa loo adeegsan karaa oo keliya gaalo kale oo dad muslimiin ah laynaysa. Matal haddii Maraykanka iyo Yahuuddu ku duulaan Eeraan oo ay Ruushka iyo Shiinuhu u soo hiiliyaan waa la rabaa laakiin in Sacuudigu gaalo u soo adeegsado Emrateska waa xaaraan. Sidaas darteed in koox Soomaali ahi gaalada diinta ku soo duushay ay soo raacaan dadkii Islaamka ahaana laayaan meesha ay xalaasha ku noqotay ayaan ka rabaa Shiikha iyo Universal TV.
Waxaan shaki lahayn in haddii Shiikhaas Sacuudiga ah lagu dhihi lahaa wuxuu dagaalku u dhexeeyaa gaalo shareecada iyo in diinta Islaamka lagu dhaqmo diiddan iyo Soomaali diintooda in ay ku dhaqmaan doonaysa uu odhan lahaa waa jahaad fardul Cayn ah ee ha la galo ciddii diidda ee u noqota gaalada garab waa riddo.
Waxaan aad u jeclaan lahaa gabadhii weydiisay aayadda 28aad Aala Cimraan ee isku magacawday ummul Khayr in aan barto waxaana Alle uga baryayaa in ay uu u aqbalo magaca quruxda badan ee ay lee dahay oo ay noqoto ummul Khayr run ah. Waxaan walaal kuu sheegayaa in culumadu isku wada raacsan tahay in ay xaaraan tahay in gaalo loo soo adeegsado laguna xasuuqo shacab Islaam ah. Shiikhuna kuuma jawaabin ee wuxuu ku dhahay Suucidiguba Ciraaq ayuu u kaalmaystay Maraykanka ee miyuu gaaloobayaa, taasina ma aha jawaabtii su’aashaada. Waxaan filayey in uu kuu sheego dhacdooyin uu rasuulku taagna oo uu ogolaaday.
Ma garan karo waxa uu UnivTV u soo qaatay Shiikh Sacuudi ah, ma wuxuu islee yahay dadka Soomaaliyeed Sucuudiga ayaa uga aqoon badan diinta ee Soomaalida maqashii si ay u rumeeyaan culumada Soomaalidana u diidaan. Walaashay waxaan akhriyey 100 tafsiir oo culumo qortay dhammaanna waxay isku raaceen in ruuxii gaalo u soo kaxaysta in uu ku xasuuqo ummad Islaam ah uu noqonayo gaal. Waxaan arkaa in Universal TV uu sida shaydaanka ugu yeedhayo in ay Alle diidaan.
Ku sug qaybta II oo aynu ku soo qaadan doonno aayadaha uu Alle noogu sheegayo xumaanta gaalada iyo ciddii xigtaysataa in ay gaaloobayso.
Maqaalka oo dhammays tiranna ka dheeho www.omersuleiman.co.uk
Ex- G/le Sare Omer Suleiman Ali.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *