jillaaga paulJillaa ka mid ahaa kuwa ugu caansan shirkadda aflaamta Maraykanka ee Hollywood, isla markaana si gaar ah loogu bartay Baabuurta yidhaa Fast and Furious Mr. Paul Walker, ayaa ku nafwaayay shil gaadhi.

 

Mr. Paul Walker oo dad’diisu ahayd 40 jir ah waxa uu ka mid ahaa xiddigaha filimada Hollywood loogu jecel yahay, wuxuuna ku geeriyooday Baabuur oo uu waday saaxiibkii, kadib markuu waddada kala baxay, isla markaana gebi ahaanaba burburay.
Dad goob-joog ahaa oo u dhowaa goobta shilku ka dhacay ayaa xaqiijiyey in jilaagan u ka mid ahaa Afar ilaa laba nin o shilkaas ku dhintay.
“Waa arrin dhab ah in aanu dhammaan xaqiijinay dhimashada Paul; Walker, kadib markii shil baabuur oo ku habsaday, arrinkiisuna adduunka ayuu gaadhaya, sidaa darteed waxa uu saarna gaadhi saaxiibkii waday, kaasoo labadooduba noloshooda ku waayeen,” ayaa mareegta Facebook baahisay.
Jilaagan oo dukaabo iyo ganacsiyo badan ku leh magaalada Velencia ee gobolka California waxa uu waqtigaas ku guda jiray caawinta shacabka Philippine ee masiibadii dufaannada ku habsaday wax ku noqday.
Gaadhigan ayaa markii uu dhacay dab qabsaday, isla markaana sii burburay markii uu isla qarxay, waxaanay sheegeen goob-joogayaashu inay arkeen jilaagan markii ay isku dayaayeen in ay bakhtiiyaan dabka gaadhiga qabsaday.
Jilaagan oo ah Maraykan dhalad ah, waxa uu qorshaynayey inuu qaybo dambe oo filimka Fast & Furious ah ku dhigo magaalada Dubai ee Imaraadka Carabta, waxaanay dadweynaha aadka u taageeraa sugayeen qaybaha dambe ee uu jilaagan aadka adduunka looga jecel yahay soo saari doono.
Filimka Fast & Furious  qaybtiisa 6 oo la sii daayey bishii May ee sannadkan waxay caalamka ka soo hoysan lacag ka badan $788 milyan.
Jilaagan waxa uu dhalay gabadh 15 jir ah, waqtigan uu geeriyoodayna waxa uu diyaarinaayey inuu soo saaro qaybta toddobaad ee filimka Fast & Furious oo uu  ay wada jilaan jilaaga Vin Diesel, waxaannu Sabtidii bogga uu twitterka ku lahaa ku baahiyey kelmadahan; “Wiilashii way soo noqdeen, diyaarna ma u tihiin?”, wuxuuna weedhan ula jeeday isagoo ay u qorshaynayey inuu qaybo dambe oo filimka Fast & Furious ah ku dhigo magaalada Dubai ee Imaraadka Carabta.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *