Dhowan ayeey ahayd markii Rag wada Ruug caddaa ah isla markaasna maamuus iyo milgo waafi ah ku leh qaranimada S/L ay ka dhex tooseen Bulshada Caasimada Hargeisa ku nool, iyagoo wada sita koofiyado ay ku xardhanyihiin

“Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta”,waa sida ay u dhigeen e, nuxurka golahooduna ahaa “Bad-Baado Qaran”.
Arrintu si kastaba ha iska ahaatee, dhawaaqa ka soo yeedhay Ragaas wuxuu noqday  mid fiintu ka qayliso, kuna noqotay Xukuumadda Laf Dhuun Gashay. Arrintan ayaa markiiba loo fasirtay inay la mid tahay tii ku dhacday (AHN) A. A. Ali (Abdirehman Tuur)  iyo xukuumaddii uu madaxweynaha ka aha sannadkii 1992, Mudane Xasan ciisena ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka. Baaqaas oo isagana nuxurkiisu ahaa “Bad-baado Qaran” ayaa noqday mid aan loo joogin Xukuumaddii Abdrehman (AHN), isla markaas ka qabsoomay Magaalada Boorame, Shirkaas oo sababay in xilkii Madaxweynanimo lagu wareejiyo Mohamed Ebrahim H. Egal(AHN) halkaasna  Abdrehman xilkii laga xayuubshey.

Arrinku si kastaba ha iska haadee, Bulshada Somaliland (Gudo iyo Debedba) ee fekerkooda aan cidina la maamulin ee xorta u ah, kana horeeysiiya wax kastaba  tan Dalka iyo Danta Qaranka ayaa ku tilmaamay  baaqa ka soo yeedhay Golahaas Wada Tashiga iyo Toosinta mid loo tarjuman karo “Baaqa Burburinta iyo Baabi’inta midnimada iyo Qaranimada Somaliland” Taasu waxay noqotay Qaladkii kowaad (1aad). Waxaa kaloo, isaguna mid laga xumaado noqoday hab dhaqankii ay xukuumaddu kula kacday Golahaas iyo nuxurkii baaqooda, taasuna waxay ahayd Qaladkii labaad (2aad). Tan ugu sii darrayd ee wax kastaba lagu illaaway waxay ahayd ciyaartii ay kaga qayb galeen Xisbiyada Mucaaradku, gaar ahaan Guddoomiyiha Xisbiga Mucaaradka Waddani oo illaawey guddoomiyanimadii  Golaha Baarlamaanka oo mar qudha meel aan laga filayn heestii ciyaarta ka qaaday. Taasuna waxay ahayd qaladkii saddexaad (3aad).

Marka qaladka kowaad (1aad) laga hadlo, Golaha isku magcaabay “Wada Tashiga Iyo Toosinta” ayaa qoraaladooda iyo hadaladoodaba laga dheehanayey ama laga dhandhansanaayey kuwo xanbaarsan cadho iyo ciil ku raagey taas oo loo arkayey mid luminaysa midnimadii Dalka iyo ilaalintii Qaranimadii S/L, isla markaasna ah mid luminaysa xusuustii lagu xusuusan lahaa  wadadii dheerayd ee Qaranku u soo maray Xornimda manta lagu naaloonayo.

Marka runta lagu soo dhowaado, Golaha is magcaabay waxaa ka mid ahaa rag sharaf iyo maamuus ku leh Bulshada Somaliland dhexdeeda, inkastooba ay iska jireen rag sallaamada siyaasadda wax badan ka soo siibtey iyo qaar aan marnaba jaran jarada hore cagaha la gaadhin, isla markaasna hab dhaqankoodii anshaxa iyo fikirkoodii siyaasadeed wax weyn ka beddeley, taas oo saamayn weyn ku keentay kalsoonidii ay bulshada Somaliland ku dhex laahaan jireen. Dhawaaqoodii wuxuu ku noqday mid si weyn Shicibka S/L uga biyo diido, isla markaasna sahwi iyo selel fara badan ku abuurtay Xukuumadda Mudane Siilaanyo Majaraha u hayo. Goluhu wuxuu xabaal dheer ku ridey wax qabadkii faraha badnaa ee xukuuaddu muddadii ay xukunka haysey ku tallaabsatay, waxayna noqdeen Gole meelo gaar ah mad-madow iska tusay, meela kalena hugun, guux iyo balafi uga baxday. Waxa kaloo intaas u dheeraa in dhawaaqa afkoodu noqdo mid aan dhegahoodu maqlin. Is maqal la’aantaasu waxay u suurta gelisey inay caay, canbaarayn iyo hadallo aanay u miidaan de’yin kula kufaan Shakhsiyaad gaar ah iyo weliba Madaxweynaha. Dhawaaqyada iyo hanjabaadaha ka soo yeedhayey waxay noqdeen qaar ka farxiya Cadowga S/land.
Guntii iyo gebagebadii, wuxuu Golahaasu u muuqdey Gole Ciil iyo Cadho si weyn ugu gadhoodhay, fekerkii saliimka ahaana ka lumay.
Arrintu si kastaba ha iska ahaatee, Baaqii Golaha Wada Tashiga oo loo arkayey qaladkii kowaad (1aad) ayaa noqday mid Xukuumaddu kagala hor tagto mid ka sii daran oo ah “Indha li’i, Dhega li’i iyo ku jiq sii”.
Madaxweynaha oo Mucaarad iyo Muxaafadba ku kala baydhi waayeen inuu yahay mid taariikhdu ku xusi doonto  Daacaadnimo, Caddaalad iyo wax qabadba ku sifoobey, ayaa haddana golayaashiisa badankooda lagu xantaa kuwo aan u lahayn  xilalkooda waayo aragnimo maamul iyo maarayn dhaqamaysan oo ay kaga hawl galaaan  xaaladaha siyaasadeed ee mar marka qaarkood cakirma, tan kale ee lagu xanto ayaa iyaduna ah Musuqmaasuq laba laxaadsaday oo si weyn laafyaha u la baxay, kana dhigtay mid qarisa himiladii iyo riyadii Madaxweynuhu waxqabadkiisa iyo caddaalad jacaylkiisa ku jaan gooyn lahaa.
Waxaa la yiri “Hasha Kudna  Dil, Waxna Waa u Wehesheen”, iyadoo markii horeba ay Xukuumaddu ka qabtey “sas” iyo feejignaan dheeraad ah Rag Golahaas is magcaabey  ka mid ah, waxaa haddana kaga sii xumaaday markii Rag iyagu aan siyaasadda wax miisaan ah ku lahayn, balse qoob iyo qaylo, aflagaado iyo erayo anshaxa suubban ka baxsan ku weerareen Xukuumadda, taasuna lumisay dulqaadkii, debesanaantii iyo kalsoonidii ay dadkeeda ku dhegaysan lahayd.

Arrintaas kalsooni darradu waxay noqotay mid aanay xukuumaddu dhexdeeda ka yeelan dood wadaag iyo siyaasad cilmiyeeysan oo ay ku wajahdo Baaqa Golahaas, balse si habaqle ama jaantaa rogan ah saxaafadda ugu weerareen, iyagoo adeegsanaya weedho aan lahayn wax nuxur ah oo lagu qanciyo Golahaas.
Arrintu si kastaba ha iska ahatee, Xukuumaddu waxay dhegaha ka furaysatay, indhahana ka xidhatay baaqii golahaas ka soo yeedhay, isla markaasna waxay si badheedh ah u tirtirtay taariikhdii iyo soo yaalkii  Ragga golahaas ku jiraa ku lahaayeen Qaranimada Somaliland, isla markaasna si ba’an Xukuumadda loogu eedeeyey inay dhaq-dhaqaajisey oo adeegsatey Madaxdhaqmeedyo iyo qaybo badan oo bulshada S/L ka mid ah si aay golahaas u canbaareeyaan.
Caqliga Caafimaadka qaba ee himiladiisu tahay maamul wanaagga iyo danta guud ayaa mar walba soo dhoweeya in danta guud ka midha dhalinteedu ku timaaddo is dhegeysi, afkaar is weydaarsi iyo wada tashi, waxayna ku iman lahayd inay xukuumaddu soo dhoweyso sida tan hoos ku qoran:
Marka hore waxay ahayd in Xukuumaddu Baaqaas soo dhoweyso, dhinaca wanaaggana ka eegto. Inta aan Shir Qaran la qaban Xukuumaddu soo jeediso in golahaas la dhegeysto, isla markaasna loo sameeyo Guddi kooban oo dhex-dhexaad ah, go’aan iyo talo bixinna ka keena, lagana soo doorto Culumaa u diinka, Madax dhaqameedyada, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Abwaaniinta, Xukuumadda (golaha fulint), Tijaarta iyo Shicibka Caadiga ah, gunaanadkuna noqdo mid qanciya  golahaas is magcaabay iyo Xukuumaddaba, iyadoo markastaba laga eegayo tan keliya ee ah danta guud, midnimada iyo ilaalita Qaranimada.

Baaqii golaha Wada Tashiga oo loo arkayey mid  shuruucda iyo distoorka Dalka u yaalla baal marsan, xukuumaddu si qaldan u wajahdey, ayaa haddana noqday “ka dar oo dibi dhal” ka dib markii labadii xibi mucaarad (gaadhi-gaadhi saar), madaxdoodii gole cidla fadhiya marti u noqdeen, iyagoo sharaftii shicibku ku soo doortay ka hadhuub raacay. Labada guddoomiye oo sifo distoori ah ugu ah guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad ayaa si lama filaan ah waxay ka diga rogteen Guryihii Xasaanada iyo sharafta ay ku lahaayeen, iyagoo geeddigooda u raray meel Omos, Ooda lul-lul iyo abaar beer ma reebta ahi isu bahaysteen.
In kastoo guddoomiyaha Xisbi Mucaaradka UCID,Mudane faysal ali Waraabe lagu  xanto siyaasi dulqaad weyn u leh ka siibashada badan ee sallaamada siyaasadda, isla markaasna ah nin Waddaniyaddu dhiigga iyo dhuuxaba ka gashay, ayaa haddana loo arkaa nin inta badan isagu shiishka qoriga isku soo jeediya, Gole ku biirkiisuna ahaa mid ka dhigan qorigii oo uu tijaabo ahaan isku soo jeedshey balse keebkii farta ka boobay.

Iyadoo uu sharaf iga mudan yahay, guddoomiyaha xisbiga  Mucaaradka ah ee Waddani, Mudane Cabdirehman cirro, ahna siyaasi looga bartay hadal hufan iyo qun yar socodnimo, ahna nin muddo yar ku kasbaday kalsoonida shicibka iyo tan golayaash distooriga ahba, isla markaasna Xisbigiisu ahaa kan keliya ee cidhiidhka geliyey Xisbul Xaakimkii (kulmiye) waqtigii Doorashooyinkii Deegaanada ayaa beryahan dambe dadka siyaasadda ka faalloodaa ku hadal hayaan nin  maamuuskii iyo han weynaantii shicibku u hayey ka lumiyey.

In kastoo dadka siyaasadda S/L ku abtirsadaa u badinayaan in Mudane Cirro iyo la taxaalufkiisa xisbiga mucaaradka ay xukuumaddu lug ku lahayd, siyaasad midaysanna ka wada lahaayeen, balse iminka ku noqotay “Fari Tog Dheer bay Kula Xushaa”, taas oo Xisbul xaakimka iyo xukuumadduba u arkaan  in xisbiga Waddani oo loo arkayey kan keliya ee Kulmiye iska eegayo doorashooyinka S/L ku soo fool leh uu iminka lumiyey kalsoonidii taageerayaashiisa.

Arrintu si kastaba ha iska ahaatee, Guddoomiyaha Golaha wakiilada, mudane Abdrehman cirro oo ah Madaxii Golihii Sharci dejinta ayaa ku biirista iyo taageerada  uu u muujey Golaha Wada Tashiga ee ku baaqay “Bad-baado Qaran” loo arkaa mudane jebiyey Sharcigii iyo Distoor ilaalintii loo igmaday, taas oo noqotay qaladkii saddexaad ee waddaninimada,midnimada iyo Qaranimda S/land laga galay, Dhaxalkii Qalalaadkaasna ay iminka labada Xisbi mucaarad la daala dhacayaan.

Waa billaahi towfiiq
Ahmed Shire Mohamed (Baandheeye), Hargeisa
Yufle1@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *