Muj Cali Guray waxaan is idhi wax badan ayuu ogyahay oo dadka qaar aanay ogayn mujaahidku sidaan ku aqaan waa nin aad iyo aad u hanwayn oon qaadan qadafka iyo cadaalad darada iskana iloow inuu noqdo kaaba qaade intaasiba maaha qaar aan iska idhi waxaase kuu iftiiminayaa
waayihii siyaasadeed ee mujaahidka1. muj isagoo sarkaal sare ah ayuu taliskii maxed siyaad barre xabad kala hor yimid 2. wuxuu ka dhaqaaqay oo duhur cad isaga baxay xisbiga kulmiye waana la wada ogaa sababihii dhaliyay arinkaas may ahayn waxuu isagu qof ahaan ka waayay ee waxay ahaayeen cadaalad daradii ay saaxiibadii kala kulmeen hogaankii xisbiga dulucda maqaalka markaan u soo noqdo waxaan in badan is waydiiyay sababta marka muj cali guray kalmad yidhaahdo 150ka qof ugu jawaabaan iyagoo qaylinaya mid kalena waan is waydiiyaa sababta marka muj , Cali Guray uu hadal dhaliil ah ugu jeediyo xukuumadda kulmiye ay ugu jwaabi waayaan iyagu ileen cida u la hadlayaa waa xukuumadee lamuu hadlayn odoyaal iyo xaafad gaara.
burcee yaan siyaasada iyo milgaha la inaga xumayn dadkan waxaan odhan lahaa ha noqonina awr kiraalayaal cida lala hadlayaa ayaa jawaabta leh marka xukumad la soo hadal qaado jawaabta iyaga laga sugayaa maaha inay u jawaabaan dadaanu garanayno oo faraha dufan ku leh waa dhadhamo raac aan ogayn meel la isla marayo iyo odayada bariga burco hadii la doonayo in xaafad xaafad la isagu jawaabana taasi wax macquul ah maaha waa dawladnimada aynu halkaa dhigno taasna maan filayo inay jirto cid lagaga badinayo iyo nin ay ugu badinayso toona hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa jawaabta cida iska leh haloo daayo hadiise xaal sidan mar walba noqdo oo jawaabta cidaan lahayn loo dhiibo waxay ku dambayn dooontaa waxaanu garanayno waa in ay masraxa soo galaan dad sacabka badhqiya, isla markaana lagu wada hadlo xumaan wasalaamu calykum
saadaad aadan cismaan
saadaad@msn.com