Hargeysa(ANN)Wasiir Ku xigeenka cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sharaxaad ka bixiyay su’aal uu sheegay inay dadku weydiiyeen oo ka dhalatay xilkii uu hore u hayay ee Afhayeenka Madaxtooyada iyo xilka loo bedelay ee

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, isagoo sheegay inay dad badani weydiiyeen in xilka loo magcaabay yahay mid lagu casilay iyo inuu yahay mid uu ku dalacay.
sidoo kale wuxuu sheegay in xilka wasiir ku xigeenka Warfaafintu aanu ahayn mid ku cusub, isla markaana ay wasaaradaasi u baahan tahay cilaaj, isagoo xusay inuu la yaabay buuqa mar walba ka taagan wasaarada warfaafinta.
C/llaahi Daahir Cukuse wuxuu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad  maanta ay xilka kagala  wareegayeen, isga iyo Wasiirka cusub Abiib Tama-cade  iyo Wasiirkii hore ee wasaaradda Muj. Boobe.

Wuxuuna Cukuse isagoo ka hadlaya sida aanu ugu cusbayn wasaaradda yidhi,  “Anigu u maleyn maayo inaan halkan ku cusubahay, aad baan ugu faraxsan nahay inaan wajiyo faro badan oo idinka mida oo qaarkood baryahan aanan arkin qaarkiin waan garanaya oo dhulka meesha ku yaala ayay la mid yihiin, intaas oo nin ayaa meesha ugu timi oo kaga tagtay oo Siciid Aadan Cigge iyo Xuseen Cali Nuur, boqol khudbadood oo lala kala wareegayo ayay soo fadhiyeen wayku baleen way daalan yihiinba.”

Cabdillaahi Cukuse isagoo ka hadlaya xiliggii ugu danbaysay wasaaradda yidhi, “Anigu meeshan waxaan ka tagay iyadoo Cawaaale iyo khadar Maxamed Cakule ugu yar-yar yihiin dadka waxaanan ku soo noqday iyagoo ugu waaweyn. Maalintii idaacadu taalay garoonka Timacade Cabdi Yuusuf Ducaale iyo anigu makhsin ayaanu wada seexan jirnay laba nin oo saaxiiba ayaanu aheyn maqsinka nagu xigana istuudiyaha Idaacada ayuu ahaa.”

“Markii dambena anigoo Maayar ku xigeena ayaan halkan ka rarney 729 qoys oo dhex deganaa xeydaabka wasaaradan. Maanta labada Wasiir ee xilka wasaarada la kala wareegaya waanu u duceyneynaa. waxaynu leenahay intaas oo dhan weynu soo taagnayn,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenku.

Md. Cukuse waxa uu ku dooday inuu dalacay oo uu qabtay xil wasiirnimo, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Aniga dad baa igu yidhi miyaad dalacday mise waad soo dhacdey way kala yara garan waayeen, waan dalacay musharkiina wuu ii kordhey, golaha wasiirrada inkasta oo aan fadhiyi jirey cod maan lahayn hadeerna cod ayaan leeyahay.”

Wasiir Ku xigeenku waxa uu tilmaamay inay wasaarada warfaafintu u baahan tahay cilaaj, waxaanu yidhi “Wasaaradda Warfaafinta barigii hore waxay ahaan jirtey meel laga yaaco oo wasaaradaha maaliyada iyo Daakhiliga ayaa lagu yaaci jirey. ILAAHAY ayaab buu ii keenay oo meeshii oo Wasiiradiiba aanay ku hakanayn oo afar Wasiir marayso. Waxaan arkay iyadoo markiiba Wasiirrada la bedalayo oo buuq ka taagan yahay afar iyo labaatanka saacadoodba. waxaan idhi wasaaradii ma ma jin ayaa galay. Cilaaj (Dabiib) ayay u baahan tahay waynu ducaysanaynaa intaynu ducaysano ayaynu shaqada bilaabaynaa. Sidii uu Boobe inagula dar-daarmay ayaynu samaynaynaa oo cadaalad waynu u sinaaneynaa shaqaaluhuna way sinaanayaan.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *