Hargeysa(ANN)Jaamacadda Gollis ee magaalada Hargeysa ayaa soo dhowaysay Ardaydii ugu tirada badnayd ee kusoo biirta intii ay jirtay.  xaflad balaadhan oo lagu qabtay shalay Huteelka Summer-time ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo dhaweeyay 500 (shan boqol ) oo Arday

oo sanadkan ku soo biiray jaamacaddaa.
Xafladaa waxa ka soo qeyb galay maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Gollis  oo ay ku jiraan macalimiin shisheeye  oo ay soo kordhisay Jaamacaddu,  waxaana ka mid ahaa Eng Ivan Jackson, oo ah macalin wax ka dhiga Kulliyadda muhindisnimada.
Prof. Maxamed Maxamuud Nuur, oo ka mid ah macalimiinta Jaamacadda Gollis oo ka hadlay furitaankii xafladaa  ayaa sharaxaad ka bixiyay xaalada Waxbarasho ee jaamacadda oo uu xusay inay sanadba sanadka ka dambeeya ay sii horumarinayaan kulliyadaha waxbarashada, waxaanu sheegay inay si niyad sami ah u soo dhaweynayaan ardayda tirada badan ee ku soo biiray.
Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in Somaliland hesho injineero buuxin kara kaalintii muhindisiinta caalamka oo kale.
Waxa isna halkaa ka hadlay Hormuudka Kuliyadda Isgaadhsiinta iyo Engeneeriyadda Professor Axmed Yaasiin Maxamuud Cabsiiye,oo ka waramay waxbarashada Kulliyadaasi waxaanu intaa kadib hadalka ku soo dhaweeyey Professor Ivan Jackson waxaanu ka waramay taariikhda Isgaadhsiinta caalamiga ah waxaanu Somaliland ku majeertay horumarka ay ka gaadhay dhinaca adeega isgaadhsiinta.
Guddoomiyaha Jaamacadda Jaamacadda Golis University Professor Siciid Axmed Xasan waxaanu ka waramay waxyaabaha ay Jaamacaddaasi kaga duwan tahay Jaamacadaha kale ee dalka ka jira waxaanu sheegay inay awooda saaraan waxbarashada baahideedu dalka ka jirto ee darruuriga ah waxaanu carabka ku dhuftay in ardaydii Injineerinka ka bartay ay ka shaqeeyaan dalka oo qaarkood ay mushahar u qaataan bishii kun Dollar.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ardayda Digree-ga ka qaata Jaamacadda Golis inay u fududaan doonto inay Master-ka ka qaataan jaamacadaha wadamada dibada ee ay Golis University xidhiidhka leeyihiin oo uu tilmaamay inay ka mid tahay Jaamacada wadanka Ukrain.
Waxa oo iyaguna xafladaasi ka hadlay hormuudka Kuliyadda waxbarashada Professor Aadan Maxamuud Cabdillaahi iyo Hormuudka Kulliyadda Beeraha Xareed Cabdilaahi waxaanay tafaasiil ka bixiyeen waxbarashada kuliyadahooda iyo duruusta ay bixinayaanba.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *