-
Published On: Wed, Nov 3rd, 2010

Ama Xildhibaan Noqo, Ama Madax Dhaqameed Noqo, Ama Dillaayahan Noqo, Ama Musuqmaasaq Yahan Noqo, Magacaad Doontaba Sheego oo, Haddaad ……Waxaad la Mid tahay Adigoo Dayaxa Socod iyo Cagahaaga Ku Tegey !!!!!!

Smiley face
Share This
Tags

Qolo safar ah ayaa ku soo beegmay goor Maqrib ah, Xilligii Xooluhu soo xeroonayeen Reer meel yaalla. Ninkii reerka lahaa iyo qoladii safarka ahayd

 ayaa sidii dhaqanku ahaan jirey  is waraystay. Markii wararkii la kala dhammaystay ayaa weliba la is magacyo yaahsaday. Ninkii reerka lahaa ayaa magaciisii ku sheegay LOOGE.  Qoladii safarka ahayd waxay ku yidhaahdeen “LOOGOOW LAGUU  MINAN FAHDIYEE”. Hadaba erayga LOOGE dhaqan ahaan waxaa loo yaqaan ninka safarka,  ama dadka socotada ah si fiican u soo dhoweeya, una marxabbaysiiya, xoolahana wax uaga qala. Had iyo jeer qolyaha safaraka ahi waxay ku warbixiyaan xalay reer Hebel ayaan u soo hoyaney oo noo soo loogey,  ama waxay ku war geeyaan reer hebel ayaan xalay u soo hoyanney oo naga seexday.
Arartaydan aan kor ku xusay waxay hor dhac u tahay, Xisbul Xaakimku (Kulmiye)  in badan buu shicibka ka dhaadhicinayey in Xisbul Xaakimkii hore (UDUB) iyo Xukuumadiisii ka seexatay shicibka. Wax badan ayaa uu god daloolooyinka xukuumadii hore u beyaamiyeen shicibka iyo caalamkaba. Wax badan ayey shicibka baraarujin iyo wacyi gelin geed sare iyo geed hooseba u koreen, iyagoo shicibka u soo bandhigaya fadhiidnimada,  musuqmaasaqa, dimoqraadiyad la’aanta iyo habacsanaanta  ay dalka ku hagaysey. Uma jeedo  in qayladhaantii Xisbiga Kulmiye ahayd mid  ku arooraysa  musabidnimo iyo waxaan jirin ee bal waxay ahayd mid si caddaan ah u muuqatey oo weliba si ba’an laafyaha ula baxday, cid kastoo dalka iyo dadkaba dan ka lihina u muuqatey, balse ciddii aan dan ka lahayni ku raaxaysanaysey. Hadaba waxaas oo dhaliila ahi inay jiraan oo markhaati ma doon yihiin waxaa daliil u ah sida Shicibku kalsoonidii ugala noqday Xisbul Xaakimkii (UDUB) iyo Dawaladiisii muddada sideeda (8da) sannadood mayalka u soo haysey iyadoo wax kastaaba  ay gacanta ugu jireen, Kalsoonidoodiina ku wareejiyeen Xisbul Xaakima maanta jira (KULMIYE) ee Xukummadda maanta mayalka u haya.
Haddii nin sheegtay LOOGE, Maanta waxaa LOOGE  sheegtay Xisbigii markii hore mucaaradka ahaa (KULMIYE). Haddii LOOGE martida sooryeyn  jirey oo xoolo u qali jirey, wuxuu maanta Kulmiye  iyo Xukuumaddiisu  shicikiisa ugu baaqay inuu CADDAALAD Xoolo uga dhjigayo, Inuu khayraadka waddankiisa ka haqab tirayo, inuu maamul wanaagsan ku maamulayo, inuu Dimoqraadiyad  taabba qaad ah u hir gelinayo, inuu Musuqmaasaqii ragaadiyey cidhib tirayo, Inuu Qabiilkii qoomamada iyo  qayla dhaantii lagu adeegsan jirey ka cashariyo oo taxliil ka wada cabsiiyo, inuu halbowlayaashii adeega bulshada u wada hirgeliyo; sida nabadgelyada, Biyaha, Caafimaada, Waxbarashada, Shaqo abuurinta, Dhaqaale kobcinta, Ictiraaf raadinta, iwm. Arrimahaa  oo dhammi waxay ahaayeen wixii Kulmiye ugu ballanqaaday shicibkiisa, uguna magac daray ISBEDDEL DHAB AH, Shicibkuna maanta rajada keliya ee uu leeyahay waxay tahay in xukuumaddu ka dhabayso wixii ay Shicibka S/Land ugu ballan qaaday.
 Markaan intaa  ka gudbo, su’aasha maanta la is weydiinayaa waxay tahay, Xukuumaddu ma tahay mid cagta saartay dariiqii ay ku hirgelin lahayd Ballan qaadyadii ay shicibkeeda ugu ballan qaadday kuna mutaysatay  kursiga madaxtooyada? Haddii  aan la is xaasidayn, jawaabtu waxay tahay oo markhaatii ma doon ah inay ku joogto Dhabbadii iyo majarihii guusha iyo yididiilada ay muddada faraha badan Shicibku ku naalloonayey. Waxa muuqata iyadoo weli curdin ah oo aan si fiican u raad dhaqaajin, welina maamulkii aanu si rasmi ah hawshii iyo dhibaatadii Dawaladdii hore kaga tagay u kala hufin in maanta si weyn shicibkii guulihii ay soo hoysey muddadii yarayd u dareemay. Tusaale ahaan, Guryihii Shaqaalaha ee aan shanta iyo lixda bilood dabka laga shidin ee silic maaryaadka ku noolaa oo maanta daryeel taam ah helay, diiftii iyo darxumadii Xukuumaddii hore kaga tagtayna ka soo noolaaday. Taasu waxay ka mid tahay Ballan qaadyadii Xukuumaddu ku ballan qaadday. Maanta waxaa markhaati ma doon ah in xoola dhaqatadii ka baxday  kootadii xoolahooda loogu xidhay shakhsiyaadka gaarka ahaa, halkaasna Xukuumadda curdinka ahi ka saartay tacluustii iyo silic maaryaadkii xoola dhaqatada ka haystey Kootada, helayna Maxjaryo aan kootaysnayn iyo suuqyo xor ah. Waxaa meeshii ka baxay Musuqmaasiqii iyo Qasnadihii guryaha la dhigan jirey, ee loo adeegsan jirey danaha gaar ah oo aan marnaba Dalka iyo Shicibka toonna dani ugu jirin. Waxaa meeshii ka baxay maamulkii kufaa kacaayey ee nin waliba ama wasiir waliba ka dhigtay wasaaradda uu joogo inuu ka dhigto guri isagu leeyahay, siduu doonana ugu takri falo, noqdayna maanta wasaarado loogu shaqeeyo danta Qaranka.  Waxaa maanta meeshii ka baxay urursigii iyo jeeb ku qaadashadii cashuurihii Badda iyo Berigaba, kuna shubmay qasnnaddii Dawaladda. Dhaqaalahaas la lunsanjirey oo isugu jirey mid dalka ka soo baxa iyo mid deeq ahba, ahaana  QAATEE QAADO oo maanta laga dareemayo hawlaha durba lagu fuliyey, hadday tahay  Mushar kordhinta iyo mushara bixinta muddada dheer ka maqnayd shaqaalaha, hadday tahay Madaarada, gaar ahaan Madaarka Berbera, Biriijka Hargeysa ee muddada dheer dayaciisu qof kastaba u muuqdey iyo dariiqyada durba ka hir galay.
Isku soo wada xoori, Qof kasta oo danaynaya danta qaranka, dan gaar ahana aan lahayn, kuna shaqaynaya caqliga saliimka ah, ayaa maanta u arka in Xukuumadda ka talisaa Dalka Soomaliland tahay  mid ku joogta tubtii iyo dariiqii saxa ahaa ee dalka lagu gaadhsiin lahaa horu mara dhinac kastaba taabanaya.
Haddaba iyadoo durba shicibkii dareemay tayadii iyo wax qabadkii Dawladda Curdinka ah, welina aan si fiican u raad dhaqaajin ayaa waxaad mooddaa in shakhsiyaad Gaar ah  Ilahaay bar bar ka mariyey guulaha la gaadhey. Waxay noqdeen kuwa shaydaanku ka indha saabay,  ama ka dhega la’ waxqabadka iyo horumarka maanta muddadii yarayd Qaranku ka gaadhey Dal iyo Debedba. Waxay noqdeen kuwa wixii saxa ahaa loogu beddeley wax aan jirin oo kharriban. Waxay noqdeen kuwa  aan la garanayn waxay doonayaan iyo waxa ay diidayaan. Waxay noqdeen kuwa u haliilaya wax aan u muuqan iyo male awaal.  Marka si gaar gaar ah loo kala qaado haliilayaashaas, waxaad arkaysaa Xildhibaan Mabaad’idii uu markii hore dadkiisa wanaaga ugu macneeynayey, kana dhaadhicinayey oo iminka dadkii si kale oo khaldan ugu sheegaya. Waxaad arkaysaa Madax dhaqameed khaladaadkii uu dadka ka wacyi gelin lahaa Isagu ugu horaynaya oo belaayo iyo baas ka sheekaynaya. Waxaad arkaysaa nin Aqoonyahan sheeganaya oo haddana waxa uu doonayo iyo waxa uu diidayo aanad kala garanayn, oo sida leexda isku meeraysanaya, sheekana kaga hadhay god daloolooyin uu u soo jeedinayo Xukuumadda aan weli si fiican cagaha isug taagin; waxaa la yiri “ MABA DHALAN E DHAWRTAYSAN OKAA” !
Waxaan ku soo gebagebaynayaa, ama Xildhibaan Noqo, ama Madax Dhaqameed noqo, ama Aqoonyahan noqo ama siyaasi yahan noqo, ama dillaal yahayn noqo ama Musuqmaasaq yanhan noqo, magacaad doontaba sheego oo, haddaad uga fadhidey Ilma yar oo aan weli Raad Dhaqaajin inuu tartan ordod ka qaby galo, waxay la mid tahay adigoo yidhi Dayaxa ayaan socod iyo cagahayga ku tegayaa. Waxa hadalkaasu u egyahay hadal waalliyi ku jirto. Waxaan ku soo gunaanadayaa  aan Xukuumadda la sugno waqti lagu dhaliili karo ee yaanaynaan ku khaatuma seegin dhaliilahan deg-dega ah, daliilna aan lahayn.

Qore: Ahmed Shire Mohamed (Baandheeye), UAE
E-mail: yufle1@hotmail.com

 

 

 

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>