Hargeysa(ANN)Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cilmi (Maxamed Ilka Case)  ayaa shaaca ka qaaday inay  dhowaan xukuumaddu  soo bandhigayso, waxyaabihii ay qabatay mudadii  boqolka maalmood ee ugu horreeyay  intii ay xilka haysay.

 
Mr. Maxamed Cilmi, wuxuu sidaa  ka sheegay  xaflad maanta lagu qabtay xarunta Hay’ada HAVOYOCO ee Magaalada hargeysa, taas oo shahaadooyin lagu gudoon siinayay 274 Arday oo bartay xirfadaha farsamada gacanta, kuwaas  oo dhamaystay  dugsiga tababarka ee Ha’yada HAVOYOCO.
Agaasimaha Baratakoolku wuxuu sheegay in siyaasada dibada Somaliland wax weyni iska bedeleen waxaanu tusaale u soo qaatay wufuudda is-daba jooga ah ee dalka timi iyo heerka nabadgelyo ee Somaliland oo dhawaan Qaramada Midoobay u dalacsiisay heerka sadexaad waxaanu yidhi, “Waxaan dhalinyarada iyo aqoonyahanadda da’da yar ee soo koraya ugu bushaaraynayaa in mustaqbalkeenu fiican yahay, waanad ogtihiin intii isbedelku dhacay in si wanaagsan ummadda loogu shaqeynayo, oo maalin walba weftiyo caalamka ka socdaa inoo imanayaan. Maanta waad ogtihiin wadanka nabadgelyaddiisa waxa la gaadhsiiyay heerka sadexaad halkii aynu markii hore ka ahayn heerka afraad,  waxaana inoo yimid wufuud heer caalami ah. Haddana waxay ragga qaar yidhaahdaan nabadgelyadii ayaa xumaatay. Waxaasi waa borobagaando la doonayo in caqligaaga lagu ciyaaro.”
“Xukuumadu waxay dhawana soo bandhigi doontaa waxqabadkeeddii 100-ka maalmood ee ugu horreeya mudada shanta sanadood ee la doortay ay ku balanqaaday. Waxa kale oo la fulin doonaa balan qaadyadii xisbiga KULMIYE,  idiin balan qaaday xiligii olalihii doorashada madaxtooyada inta karaankayaga ah waana la dadaalayaa. Bulshadana waxaan leeyahay samir halagu darro oo intaanu joognay way kooban tahaye’e ha nala sugo. Anigoo si gaar ah dhalinyarada ugu bushaaraynaya oo ay tahay inay ogaato waar lacag aad leedihiin oo maanta meel khaldan maraysaa ama ku baxaysaa ma jirto, Wasaarada Maaliyaddu waxay qabatay shaqadii ugu wanaagsanayd, isbedelkan waxa laga dareemay dakhligii oo kordhay oo kastamada cashuuraha oo ay xukuumaddii Rayaale ka soo bixi jirtay labaatan Milyan ayaa imika laga dhigay afartan illaa Konton milyan oo shilin,”Ayuu yidhi Agaasimuhu.
Waxa uu dhalinyarada kula taliyay inay qiimeeyaan waxqabadka xukuumadda, isagoo  yidhi,  “Markaa dhalinyarta aqoonta lihi waa inay qiimeeyaan oo ay la socdaan isbedelka iyo sida wanaagsan ee shaqada loo waddo.”ayuu yidhi Agaasimaha Baratakoolku waxaanu intaasi ku daray.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *