Hargeysa(ANN) Dawlada taagta daran ee Somalia ayaa ku guuldaraysatay inay soo celiso amaankii iyo kala danbayntii Somalia, isla markaana ay meesha ka saaraan kooxha mayalka adage ee xarakada Al- shabaab iyo xisbul islaam oo gacanata ku haya inta baddan magaalada Muqdsiho iyo gebi

 

ahaanba koonfurta somalia.

Rajadii laga qabay heshiiskii laba sannadood  ka hor lagu gaadhay Djibouti ee lagu soo doortay Sheekh Shariif ayaa noqday mid aan waxba ka bedelin xaalada, kaas oo ay naawileyeen beesha caalamku inuu ugu yaraan muujinayo rajo iyo yididiilo dhinaca amaanka iyo kala danbaynta ah, maadaama Sh. Shariif uu ka mid ahaa kooxaha wadaadada ee dagaalka kula jiray waqtigaa dawladii C/llaahi Yuusuf, balse xaaladu way kasii dartay, isla markaana xubnaha  cusub ee xiligaa lagu daray baarlamaanka ee mucaaridka ahaa iyo Sh. Shariif ma noqon kuwo saamayn ku yeesha inay dagaalada iyo dhibaatada ka socota Muqdisho iyo guud ahaan Somalia wax iska bedelaaan.

Sidaa awgeed qaar ka mid ah Beesha Caalamaka oo uu hormood u yahay Maraykanku ayaa doonaya in ka hor inta aanay dhamaan mudada dawladda Sh.Shariif August 2011 la qabto shir dib u heshiisiin oo loo qabto kooxaha Somalia. shirkaa Maraykanka iyo qaramada Midoobay doonayaan inay kasoo qaybgalaan kooxo Aqoonayahano Soomaaliyeed oo iyagu shirar kala duwan  oo ay ugu gogol xaadhayaan shirkaa ku qabsanayay wadamada debeda, kuwaas oo shirkoodii u danbeeyay ku qabtay caasimada dalka Djibouti dhamaadkii sannadkii hore ee Dec, 2010.

Sida ay sheegayaan xogo hoose oo shebekada wararka ee Araweelonews heshay kooxda aqoonyahanka Soomaaliyeed ee lagu magcaabo Pen ayaa qorshaysay inay shirka loogu baaqayo Soomaalida ka hor dhamaadka xiliga dawladda taagta daran ee Somalia loo daayo iyaga, isla markaana dhawaaqa kasoo baxay shir doceedkii IGAD ee Adis-ababa oo lagu iclaamiyay shirkaa kooxaha Somalia ayaa markii u horaysay lagu soo hadal qaaday inay Somaliland kasoo qaybgasho, taas oo la yaab ku noqotay Xukuumadda Somaliland oo jawaab kulal ka bixisay dhawaaqaa.

Hase yeeshee waxa lays weydiin karaa waa maxay sababta dhawaaqa noocan ahi uga soo baxay xiligan IGAD iyo wakiilka qaramada midoobay, maadaama aanay Somaliland horeba uga qayb geli jirin shirarkii loo qaban jiray kooxaha Somaalia, isla markaana ay xiligan haysato rikoodhka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah ee geeska Afrika, halka ay afrika ka gashay dalka saddexaad ee nidaamka ganacsiga xorta ah iyo geedi socodka dumuqraadiyada.

Xaqiiqda lala xidhiidhinayo arrimahaa sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews ku heshay xogo arrimahaa la xidhiidha dawladda Maraykanaka oo ku jaah wareertay siyaasada Somalia ayaa dhamadkii sannadkii hore sheegay inay heer gobol iyo maamulba ula macaamilayaan bulshada Somaalida, taas oo dhiiri gelisay inay markaa ka dib soo baxaan gobolo iyo maamulo aan hore u jirin, waxyna xogaha arrimahan la xidhiidhaa sheegayaan in dawladda maraykanka   oo ku jirta jaaah wareerka siyaasadeed ee Somalia ay koox sheegata Aqoonayahno Soomaaliyeed oo uu hormood u yihiin   Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo xubno kale ay ku qanciyeen dublamaasiyiin Maraykan ah iyo wakiilo ka tirsan qaramada midoobay in meesha laga saaro dawladda ku meel gaadhka ah marka uu dhamaado waqtigeedu, isla markaana la qabto shir dib u heshiisiin oo ay ka qayb galaan dhamaan maamulada Somalia, isla markaana   lagu doorto  Madaxweyne iyo raysal wasaare cusub.

Sidaa awgeed waxay kooxdaasi ku doodeen in aan arrinta Somalia xal laga gaadhayn ilaa lagu soo daro Somaliland. Laakiin dawladdaha  Britain, Denmarka iyo dhawr kale oo ka tirsan beesha caalamaka  iyo Ururo daraasado ku sameeya mushkiladaha iyo khilaafyada dunida ayaa ku gacan saydhay hindisahaa, kuwaas oo hada shir la doonayo maalmaha soo socda in lagu qabto Britain oo lagu falanqaynayo arrimaha Somalia ee sii murgaya lagu casuumo Somaliland si looga faa’idaysto waaya aragnimada dhinaca horumarka dib u heshiisiinta iyo geedi socodka dumuqraayiada.

dawladda Talyaaniga oo iyadu sannadii u danbeeyay aan siyaasada arrimaha Somalia awood baddan ku lahayn, isla markaana xulufaysanay qaar ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah Midawga Yurub iyo qaar ka mid ah dawladaha carabta ee arrimnta Somalia daneeya ayaa hada heshay fursad ay ka ciyaari karto dhinaceeda siyaasada arrimaha Somalia. kadib markii raysal wasaaraha Somalia Mr. farmaajo oo dhowaan booqasho ku tegey dalka talyaanigu heshiisyo cusub lasoo galay dawladda Talyaaniga. Sidaa awgeed dawladda Talyaaniga oo doonaysa in aanay dawladda taagta daran ee xiligan meesha ka bixin, isla markaana ka hor tegey qorshaha maraykanka iyo qaramada Midoobay ayaa dabada ka riixday talaabada  ka cadhaysiisay  maraykanka iyo qaramada Midoobay ee Baarlamaanka Somalia ku kordhisteen mudada xilkooda saddex sannadood, taas oo ay jawaabo kulul ka bixyeen, iyagoo ugu baaqay inay ka noqdaan baarlamaanku talaabada ay qaadeen.
danjiraha Talyaaniga ee arrimaha Somalia ayaa goor danbe baaq ay  wada jir u soo saareen xafiiska Midawga Yurub ku sheegay talaabada ay qaadeen baarlamaanka Somalia mid aan loo baahnayn oo aanay ku jirin danta Soomaalidu, iyagoo sheegay  in aan  tallaabadaa iyaga lagala tashan, isla markaana ay  tahay wax laga xumaado in baarlamaanku iska dhegatiro talooyin ay u soo jeediyeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowaldaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Inkasta oo Talyaanigu wato qorshihiisa siyaasadeed, waxa suurta gal ah in loo arko  canbaaraynta ay xili danbe canbaareeyeen go,aanka baarlamaanka Somalia inay tahay mid is daad raacin ah.  Talyaanigu  iyagoo doonaya in aanay meesha ka bixin dawladda taagta darani, isla markaana doonaya dariiq kale oo lagu xalinayo arrinta mucaaridka dawladda uu Raysal wasaaraha ka yahay Frmaajo, waxay u baahdeen inay helaan qaacido fududayn karta arrimahaa dib u heshiisiinta, waxayna iyagoo door bidaya Somaliland waaya aragnimo iyo khibrad dheeraad ah  usoo direen dhinaca Somaliland wefdi, kuwaas  oo  doonaya inay xog ku saabsan sida loo xalin karo arrimaha khilaafka Somalia ka qaataan Somaliland.

Sidoo kale talaabada mudo korodhsiga baarlamaanka Somalia waxay dhirbaaxo ku tahay qorshaha mala awaalka ah ee ay wateen kooxda  aqoonayahanka Somalia ee ay hormoodka u yihiin Prof. Cabdi Ismaaciil  Samatar, kaas oo waqtigan isku qanciyay inuu hogaamin karo Somalia, isla markaana xogaha ay sheshay shebekada araweelonews ayaa sheegaya inuu Mr. Samatar iyo Ninka ay sida weyn isugu jiibiyaan ee la wareegay Idaacada BBC-da qaybteeda afka soomaaliga Yuusuf Garaad mudooyinkii u danbeeyay isku qancinayeen inay Somalia ka noqdaan madaxweyne iyo raysal waasare, taas oo ay qorshaynayeen in shirka la doonayay in loo qabto kooxaha Somalia ka hor dhamaadka mudada  dawladda taagta daran ee Somalia kasoo dhex baxaan.

Wuuxna Mr. Samatar oo kasoo jeeda Somaliland ayaa waraysiyo iyo doodo uu inta baddan ku casuumo Yuusuf Garaad, wuxuu si toos ah ugu inkiraa jiritaanka qaranimada Somaliland iyo horumarka iyo dumuqraadiyada ay dunidu ku majeerato, iyadoo kooxo soomaali weyn ah oo mararka qaar kusoo dhex dhuunta Bulshada gobolka Awdal lala xidhiidhiyo inuu dabada ka riixayo, kuwaas oo laga soo xigto inay magac gaara la baxayaan oo aanay Somaliland ka mid ahaanayn, isla markaana xiliyada ay jiraan tabashooyinka siyaasadeed iyo cabashooyinka bulshada lasoo baxa calan ay usoo diraan prof. Samatar iyo walaalkii Axmed Ismaaciil Samatar.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa kooxdaa aqoonayahanka ka codsaday inay taageeraan si uu maraykanku u rumaysto riyadiisa ah inuu Somalia ka noqdo madaxweyne marka la qabto shirkaa, isagoo Yuusuf Garaad oo sannadii u danbeeyay ee uu gacanta ku dhigay Idaacada BBC-da qaybteeda Afka Soomaaliga mar walba ku casuumayay doodaha iyo falanqaynta barnaamijyada arrimaha Somalia iyo meelo kaleba Prof. Samatar, isagoo u muujiyay inuu yahay aqoonyahanka  keliya ee  Soomaaliyeed oo wax laga weydiiyo  arrimaha  Somalia, taa bedelkeedana Mr. Samatar maadaama uu  dadka baray magaciisa u balanqaaday  Yuusuf Garaad  inuu raysal wasaare u noqonayo.
Si kastaba ha ahaatee Dawladda maraykanka  ayaa hadda u muuqata inay ku jaah wareertay siyaasada arrimaha Somalia, isla markaana rumaystay riyooyinka Samatar iyo Garaad eek u kooban doodaha iyo barnaamijyada ay isu jiibiyaan ee BBc-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Falanqayta Araweelonews.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *