Hargeysa(ANN)Munaasibad  wadareed ay xilka kula kala  wareegeen  Wasiiradda  cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo  wasiirkii hore ee wasaaraddaa Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo dhowaan isku shaandhayn uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xukuumaddiisa cusub ugu beddelay wasaaradda

 

Kalluumaysiga iyo khayraadka badda, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta.

Munaadibadaa oo lagu qabtay dhismaha wasaaradda Warfaafinta waxa kaloo xilka kulak ala wareegay wasiirka cusub ee Kaluumaysiga iyo Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda oo isaguna xilka wasaaradda ku wareejiyay wasiirka loo magcaabay, iyadoo ay munaasibaddaa kasoo  qaybgaleen   Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh, iyo Agaasimeyaasha waaxaha iyo hawl wadeenada wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka xilka wareejinayay Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa munaasibaddaa ka sheegay  in mudadii lixda bilood ahayd ee uu hayay xilka wasaaradda uu wax weyn ka bedelay siyaasadii warbaahinta qaranku ay ku shaqeyn jirtay xiligii Madaxweyne Rayaale,   isla markaana uu u madax baneeyay inay si dhexdhexaad ah  ugu adeegaan bulshada Somaliland iyo xisbiyada siyaasadaba.

Mr. Geel- jire wuxuu u mahad celiyay masuuliyiinta waaxaha iyo shaqaallaha wasaaradaa oo uu sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen, isla markaana  wuxuu  ka dalbaday inay sidii ay ula soo shaqeynayeen ula shaqeeyaan wasiirka cusub ee xilka la wareegay.
Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta  Axmed Cabdi Xaabsade oo madasha  ka hadlay ayaa  uga mahad celiyay  Wasiirkii hore  sida uu wasaaradda ugu soo dhaweeyay, waxaanu sheegay inuu wixii awoodiisa ah uu halkaa  ka sii wadi doono horumarinta saxaafada qaranka iyo wasaaraddaba.

Oday   Xaabsade waxa uu balan qaaday inuu Saxaafadda madaxa banaan ee dalka kula shaqayn doono xeerka saxaafadda ee ay hore u ansixiyeen Gollaha Wakiiladu oo dhaqan galay.
Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta  Axmed Cabdi Xaabsade oo ah siyaasi mar ahaa guddoomiyaha Baarlamaankii ugu cuslaa ee soo mara Somaliland dhowr iyo sagaashanaadkii, balse 1997-kii u wareegay dhinaca maamul goboleedka  puntland oo uu dhismeheeda kasoo shaqeeyay, isla markaana mudo ka ahaa  Wasiirka Arrimaha guddaha iyo dawladaha hoose  oo saamayn  baddan ku lahaa qabsashadii maaulkaasi qabsadeen gobolka Sool. Ka hor intii aanay ciidanka Somaliland ka saarin halkaa malayshiyadii maamulka puntland. 

Iyadoo uu Oday Xaabsade oo xiligaa ay isku dheceen maamul goboleedka Puntland gacan weyn ku lahaa inay magaalada Laascaanood ka huleelaan malayshiyada Puntland. Kadib markii uu dhinaca Somaliland usoo biyo rogtay.  

Dhinaca kale waxa isla madashaa xilkii wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda kula wareegay  Wasiirka cusub ee Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire), kaas  oo xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Kaluumaysiga  Dr.  Maxamed Yaasiin Xasan oo Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday dhawaan.

Wasiirkii hore ee wasaarada kalluumaysiga Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay. Waxaanu ku dooday inay yihiin wasaaradda dakhliga ugu badan soo galisay miisaaniyada qaranka.
Wasiirkaasi wuxuu sheegay in markii la magacaabay ay wasaaradiisa ku jirtay maamulka dekaduhu, hase yeeshee wuxuu ku dooday in markii dambe laga hoos saaray oo madaxtooyada la hoos geeyay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *