1. Hordhac
Bismilaahi raxmaani raxiim,

Al-xamdu-lilaah, Ilaahay ayaa mahad leh,

Shirgudoonka Baarlamaanka, mudanayaasha labada Gole,
Wasiirada, marti sharfta, dadweynaha iyo saxaafadda. Waxan
idinku salaamaya salaanta islaamka “Assalaamu calaykum wa
raxmatullaahi wa barakaatu”.

Waxa maanta laga joogaa waqtigii aanu la wareegnay talada
dalka ee shacbiga Somaliland noo doortay muddo dhan 189
maalmood.

Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman
shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba meelkasta oo ay ku nool
yihiin.

Mudanayaal iyo marwooyin,

Waxa Milgo iyo Maamuus weyn ii ah in aan hor imaado
Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladda) taas oo aan
ka hor jeedinayo khudbad sanadeedka sida uu dhigayo
Dastuurka JSL. Haddaba, inta aanan khudbadayda gelin waxaan

u mahad naqaya Hay’adda AWEPA oo inoo suurta gelisay

dhismaha hoolkan quruxda badan ee aynu fadhino. Waxan
jecelahay in aan khudbadayda maanta ku soo bandhigo mudadii
gaabnayd ee aan xilka hayey caqabadihii xukuumadaydu la
kulantay, wixii u qabsoomay, iyo waxyaabaha u qorshaysan inay
qabato sanadkan cusub ee 2011.

4

2. Duruufaha aanu Dhaxalay
Hadaba si aad u fahantaan arrimahan waxaan marka hore
dulmar kooban ku samaynayaa duruufaha adag ee
Maamulkayga la kawsaday.

Waxaanu dhaxalnay:

.
Khasnad Madhan, oo ay dul hooganayaan daymo xad
dhaaf ah oo dhan 70 billyan oo shillinka Somaliland ah una
dhiganta 12 Million oo Dollar. Lacagtaas oo isugu jirtay:

1.
Afar bilood oo mushahar ah oo aanay shaqaaluhu
qaadan,
2.
Kharash dowladeed sida: Shidaal, Dayacatir,
Isgaadhsiin, nal, biyo iwm oo aan la bixinin.
.
Taas oo ay dheereyd lacagtii dalka u taalay Baanka Dhexe
oo dhan in ku dhaw Kow iyo Toban Bilyan oo shilin
(SL.SH/=10,916,443,202) iyo in ka badan Laba Milyan oo
Dollar ($2,002,864), oo la waayey. Duruufahaa adagi waxay
shaqaalaha dhaxalsiiyeen in aanay shaqayn wax ka badan 3
saacadood maalintii. Waxaa intaa dheeraa maamul xumo,
musuqmaasuq baahsan, kala danbeyn la’aan ragaadisey
habsami u socodka hawlaha Qaranka.

.
Waxaanu dhaxalnay hantidii danta guud oo la xalaashaday,
dhul boob, wadooyin burbursan, Cisbitaalo liita,
Waxbarasho tayo hoosaysa iyo shacbi aan midaysnayn oo
aan inta badan xukuumadooda ku xidhnayn.

5

.
Dhibaatooyinka kale ee aanu dhaxalay ee wali qabyada ah
waxa ka mid ah:

a. Cadaalad daro baahsan,
b. Warbaahinta Qaranka, khaasatan Idaacadda Qaranka oo
aan dhaafin Caasimada,
c.
Shaqo la’aan balaadhan, oo ay da’yartii rajo beeshay una
dhaqaaqday Tahriib iyo Tacabir, iyo
.
Heshiisyo is burinaya oo lala galay shisheeye iyo sokeeyeba.

3. Waxqabadk Xukuumadda Cusub
Si aanu duruufahaa adag dalka uga saaro, waxaanu qaadnay
talaabooyin muhiim ah oo lagu waajahayo dhibaatooyinkaas:

1. Muddo
shan bilood gudahood ah, waxaan ku bixinay
dhamaan mushaharkii shaqaalaha dawladda ka maqnaa, bil
walbana haatan waxaanu bixinaa marka ay dhamaato.
2. Guud ahaan dayntii qaranka lagu lahaa oo dhan Toddobaatan
Bilyan oo Shillin (SL.SH/= 70,000,000,000) shan bilood
gudohood ayaanu ku bixinay. Ku tala galka wax qabad ee
dawladu wuxu hirgalaa marka cashuur la helo.
3. Haddaba, si loo kobciyo dhaqaalaha dawladda, waxaa socota
diwaan-galin iyo tirakoob lagu sameeyay maheradaha iyo
daaraha magaaloyinka waaweyn, waxaanu kaloo diyaarinay
qaabkii lagu ururin lahaa cashuurihii baaqan jiray.

6

4. Waxaanu
ka dhisnay Madaarka Berbera Terminal cusub oo
laga dhoofo, waxaanu dayactirnay dhabaha dayuuradaha ee
Berbera (ranway). Waxaanu furnay Madarka Borame oo aan
shaqayn jirin mudo sideed sannadood ah. Sidoo kale
waxaanu furnay garoonka Burco oo xidhnaa saddex
sannadood. Waxa aanu balaadhinay qaybta laga dhoofo
Madaarka Hargeisa. Waxaanu gacanta dawladda ku soo
wareegay Madaarka Ceerigaabo oo haatan hoos imaada
Wasaaradda Duulist Hawada.
5. Warfaafinta
qaranka waxaanu ka dhignay mid loo siman
yahay oo cidi waliba iska arki karto halkii markii hore ay ka
ahayd mid dhinac keliya u adeegta. Waxaanu meesha ka
saarnay yoyotankii hore u jiray.
6. Waxaanu
mideynay Radio Hargaysa iyo TV-ga Qaranka oo
markii hore Madaxtooyadda hoos iman jiray. Waxanu soo
kordhinay barnaamijyo cusub oo tayo leh, sida barnaamijka
maqal dadkaaga kaas oo wax weyn ka taraya isku xidhka
xukuumada iyo shacbiga.
7. Waxaanu dayactir iyo dib u habayn ku samaynay dhismaha
Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
8. Waxaanu
dib u kicinay 12 mishiin oo ah mishiinadii
Madbacadii Qaranku ku shaqaynasay, waxaana suurto gashay
in ay daboosho hawlaha daabacadda dawladda.

7

9. Waxaa lagu guulaystay in 171 arday loo helo deeq waxbarasho
oo dibadda ah. Kuwaas oo si cadaalad ah loogu qaybiyey
gobollada, mudnaantana lagu kala siiyey siday imtixaanka
ugu kala sareeyeen. Ardaydaa waxaa loo kala diray 31 arday
Libiya, 30 arday Sudan, 10 arday Malaysia, iyo 100 arday
Ethiopia.
10.
Hanti Dhawrka Qaranka waxaanu siinay awood buuxda
iyo madax banaani ay meel walba ku baadhi karaan. Sidoo
kale waxaanu abuuray gudigii maamul wanaaga iyo la
dagaalanka musuqmaasuqa oo iyana aanu awood buuxda
siinay.
11.
Annagoo sugayna amaanka qaranka, waxaanu gacanta ku
dhignay dad ku hawlanaa falal argagixiso iyo xasilooni daro
in ay ka fuliyaan dalka. Sidoo kale, waxanu samaynay
guddiyo ka shaqeeya nabadgelyada ilaa heer xaafadeed.
Annagoo la dagaalamayna tuugada, waxanu qab-qabanay,
sharcigana marinay ku dhowaad 200 oo qof, kuwaasoo lagu
helay falal tuugo iyo mukhaadaraad ah, taasoo hoos u dhigtay
fal dembiyeedyadii dhici jiray, gaar ahaan caasimadda.
Waxaanu baabi’inay gudidii nabadgelyada ee xukunka deg
dega ah u qaadi jirtay si aan sharciga ku fadhiyin.
12.
Waxaa wadanka ka dhacay dhacdooyin halis ah oo loogu
talo galay in khalkhal lagu geliyo amaanka wadanka, sida:
Ciidamadii ONLF ee ka soo degey xeebta galbeedka,
shaqaaqadii Kalshaale, iyo dhibtii ka soo cusbnoonaatay

8

deegaanka Ceel-berdaale. Arrimahaas waxaanu ka qaadnay
talaabooyin cadcad oo wax ku ool ah.

Kalshaale:

Markii ay arrintani dhacday dawlad-ahaan waxaanu
qaadanay talaabadii ku haboonayd, isla markiiba waxaanu
kala dhexdhignay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka JSL si
ay u kala caabiyaan malayshiyaadka labada beelood
nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi
dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumada, Golayaasha,
Xisbiyada, madaxdhaqmeedyo iyo Culimada. Si nabad
looga dhaliyo waxaa aanu kasoo saaranay go’aan
cadaynaya in ay goobtaasi tahay dhul daaqsimeed, ciidanka
qaranku fadhiisin ku yeelanayo.

Haddaba si aan arrintaa mugdiga uga saaro lacagtii iyo
hantidii gashay berkadahii halkaa ka qodnaa waxaanu
bixinay toddobaadkan, ciidamada qarankana waxaan amar
ku siinayaa inay aasaan.

13.
Waxaanu hawl geliney Hay’adda Dhawrista Tayada
cuntada, dawada iyo wixii la mid ah (Quality Control
Commission). Taas oo talaaba ka qaaday cuntooyin iyo
dawooyin dhacay oo dhan 1,200 oo ton.
14.
Maadaama uu caafimaadku yahay aasaaska nolosha,
Xukuumadaydu waxay xoogga saartay sidii ay u soo kordhin
lahayd adeegyo cusub. Waxaa shan xarumood oo cusub lagu

9

kordhiyey barnaamijka xakamaynta cudurka qaaxada. Waxa
heshiisyo lala galay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin
DFID, MSF Holland, MSF Belgium, MIRLIN iyo hay’adda
Qaramada Midowbey ee UNDP kuwaas oo xil qaaday
cisbitaaladda iyo adeegyada caafimaad ee magaalooyinka
Burco, Cerigabo, Oodweyne, iyo gobollada Saxil iyo Salal,
iyadoo inta hadhayna aanu gacanta ku hayno.

15.
Waxa dib u dhis lagu sameeyey xarumaha Maxkamadaha
Rafcaanka Hargeisa iyo Gobolka Awdal.
16.
Waxaa aanu gacanta ku hayaa dib u hagaajinta wadada
Kalabaydh-Dila oo la filayo in ay dhamaato horaanta bisha
March 2011. Dhisidda wadada Dila ilaa Boorama oo dhan afar
kilometer, oo ay ku baxayso lacag dhan $ 350,000. Waxaanu
dhamaystirnay biriijka labaad ee Hargeisa oo dhowaan la furi
doono. Mashruucan oo soo jiitamaayey muddo lix sannadood
ah wuxuu ku kacay qabyo-tirkiisu lacag dhan $ 300,000 oo ay
xukuumaddu bixisay.
17.
Waxaanu ka dhisnay kawaan hilib oo cusub iyo suuq
khudradeed magaalada Lascaanood, taas oo ay ku baxday
lacag dhan $ 275,000. Ceelka biyaha ee Laascanood ayaa laga
hawlgalay oo gacanta lagu hayaa.
18.
Ka faa’iidaysiga khayraadka baddu waa waxyaabaha ay
xukuumaddani siinayso ahmiyadda, sidaa darteed muddaddii
gaabnayd waxaanu tababaro xirfadooda kor loogu qaadaayo u

10

samaynay kaluumaysatada wadaniga ah, iyadoo qalab cusub
oo ay ku jilaabtaana la siiyay.

19.
Iyadoo ay xukuumadani hirgelinayso tartanka suuqa xorta
ah, waxay ogolaatay furitaanka maxjar labaad oo lagu baadho
laguna xanaaneeyo xoolaha dalkeena ka dhoofaya. Taasina
waxay suurta gelisay in ay dalka ka dhoofaan xoolihii ugu
badnaa ee xilliga xajka oo dhan in ku dhaw Saddex Milyan oo
neef (2,798,944). Labada maxjar waxaa ka shaqo gala in ka
badan 100 dhakhtar oo ay ku jiraan dhakhaatiirtii
dhalinyarada ahayd ee jaamacadaha dalka ka qalin jabiyey.
20.
Waxaanu soo saaray Buuga Xogta Qaranka (Somaliland in
Figures) oo baaqday sanadadii 2008-2009.
21.
Doorashadii xorta ahayd ee ka dhacday Somaliland 26 June
2010-kii, xasiloonada dalka ka jirta, iyo xukuumaddan kooban
ee tayada lihi, waxay soo jiiteen indhaha beesha caalamka.
Annagoo ka faa’iidaysanayna dareenkaas, waxaanu dar-dar
geliney siyaasadeena arrimaha dibeda. Waxaanu socdaalo
dawladeed ku tagnay wadamada Djibouti, Ethiopia iyo
Ingriiska, kuwaasoo naloogu soo dhoweeyey si maamuus iyo
maqaam sare leh. Isbedelkaa rajada badan dhaliyey wuxuu
keenay in markii ugu horeysey ay si toos ah dawladaha
qaarkood inoola macaamilaan. Waxaanay dhiiri gelisey in ay
dalkeena yimaadaan, markii ugu horeesay wufuud isdaba
joog ah oo ilaa heer wasiir ahi.

11

22.
Waxaanu dhaqan gelinay saacadihii shaqada ee sharciga
ahaa min 7:00-da subanximo ilaa 2:00-da galabnimo.
23.
Annaga oo dhiiri gelinayna koboca dimuqraadiyada iyo
hana qaadka xisbiyada qaranka, waxaanu si siman 50% ugu
kordhinay qadarkii lacagta ahaa ee ay hore u qaadan jireen.
24.
Si aanu ula dagaalano musqmaasuqa, waxaanu khasnadda
dhexe ee dawladda ku soo shubnay dhamaan dakhligii ilaha
dhaqaalaha dalka, sida: Dakhligii Maxjarka, kii Haamaha
Shidaalka (Total), kii kirooyinka bakhaarada, kii madaarada,
kii warfaafinta, kii xanaanada xoolaha, kii kaluumaysiga iyo
kii Dekedda Berbera.
25.
Waxaa la dhamaystiray Xabsiga Dhexe ee Hargeysa oo
hadda shaqaynaya.
26.
Shirkadda Total waxaa lala galay heshiis aan golaha
Barlamaanka la hor geenin sidii uu sharcigu qabo, maadaama
uu yahay heshiis caalami ah sida uu sheegayo Qodobka 53aad,
Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan u diray Wasaaradda Maaliyadda iyo
Wasaaradda Ganacsigu inay soo cadeeyaan xisaabta inoo
dhaxaysa shirkadda Total iyo sido kale waxan u diray
sharciyaqaan kaasoo talo bixiya, gacantaana lagu haya.
Waxaan ku rajo waynahay in aan kasoo saari doono go’aan
cad.

12

4. Qorshe Sannadeedka 2011
1. Dhaqaalaha
1) May jirin qorshe dawladeed oo habaysani, waxay
xukuumaddu ku gudo jirtaa diyaarinta qorshaha wax
qabad ee 5-ta sanadood (Five Years Plan) ee soo socota oo
soo bixi doona laba toddobaad gudahood.

2) Gobolada waxaanu ka dhisaynaa gudiyo ka talin doona
qorshaha horumarinta goboladooda.

3) Waxaanu hirgelinaynaa Xeerka Hay’adaha aan Dawliga
ahyn (Non State Actors) oo aan dhawaan saxeexay, kaasoo
wax-wayn ka badeli doona qaabka wada shaqaynta
dawladda iyo hay’adahaas.

4) Waxaanu diyaarinay Miisaniyad Sanadeedkii 2011, taas oo
dakhliga odoriskeedu yahay lacag ka badan Shan Boqol oo
Bilyan (Sh.Sl. 527,720,451,857), taasoo marka la bar bar
dhigo miisaaniyaddii kal hore ka badan 70%.

5) Waxan kordhinay mushahaarooyinka shaqaalaha iyo
ciidamada 100%, laga bilaabo bishii Janaury ee 2011. Waxaa
iyana mushaaharada loo kordhiyay mudanayaasha labada
gole. Baarlamaankana waxa la hor keeni doona sharciyada:

a. Xeerka Miisaniyada Qaranka.
b. Xeerka Maaraynta iyo Maamulka Hantida Qaranka.
c. Xeerka Qandaraasyada Qaranka.
d. Xeerka Hanti Dhawrka Qaranka.

13

Dhinaca kalena, waxaanu faafin rasmi ah ku samaynaynaa
xeerarka dalka ee ansaxay ee aan hore loo faafin.

6) Waxa kaloo aanu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo dib u
habaynta shuruucda cashuuraha wadanka.

7) Waxaanu badelaynaa sannadkan lacagta giinbaarta ah ee
goboladda bariga dalka lagu isticmaalo oo mudda dheer
dalka iyo dadkaba dhibaato ku haysay.

8) Si loo dhiiri geliyo mal-gashiga, lahaanshaha gaar ahaaneed
iyo wershadaynta, waxaanu dhamaystiraynaa xeerkii lagu
abuuri lahaa bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

9) Waxaanu golaha hor kenaynaa shuruucda maal-gashiga,
sida Xeerka Ganacsiga, Xeerka Qiimaynta Tayada
Badeecadaha iyo Xeerka Horumarinta wax soosaarka dalka.

10)Waxaan sannadkan 2011 ka dhisaynaa madaarka Hargeisa
dhabe cusub oo heer caalami ah oo ay diyaaraduhu ka
haadaan, sidoo kale waxaanu dhismayaal, qalabayn iyo
qurxin ku samayndoona madaarada Hargeisa iyo Berbera,
taasoo suura gelindoonta in diyaaradaha waaweyni habeen
iyo maalinba ka soo degaan kana duulaan madaarada.
Mashruucan waxa ku bixin doonta lacag dhan Toban
Million oo Dollarka Maraykanka oo ay Dawladda Kuwait
innoogu deeqday. Sidoo kale waxaanu dayactir ku
samaynaynaa madaarada Burco, Borama, Ceerigabo,
Lascaanood iyo Kala-baydh.

11)Waxanu dib u hagaajin ku samaynaynaa wadada Berbera –
Hargeisa, Hargeisa -Kalabaydh, Burco –
Laas-caanood,

14

Laas-caanood ilaa Xadka. Sidoo kale waxaanu dayactir ku
samaynaynaa biriijka labaad ee Burco.

12)Si loo yareeyo khasaaraha iyo shilalka batay ee gaadiidka,
ee ay qiyaas ahaan ku dhintaan dad gaadhaya 300 oo
muwaadin sannad walba, kuna dhaawacmaan illaa kun iyo
laba boqol oo muwaadin. Waxaanu qorshaynaynaa meel
marinta isticmaalka gaadiidka shukaanta ku leh bidixda.
Waxanu waajibinaynaa hubinta tayada gaadiidka socda
sannad kasta. Waxaanu soo rogaynaa xidhashada suunka
amaanka (Safety belt). Dhinaca kale waxaanu joojinaynaa ku
hadalka moobilka wakhtiga gaadiidka la wado.
Calaamadaha gaadiidka lagu kala hago ayaa jidadkoo dhan
loo samaynayaa.

13)Innaga oo si haboon uga faa’iidaysanayna, una
maamulayna khayradka baddeenu, waxaanu dib u eegis
balaadhan ku samaynayna xeerarka iyo nidaamka
kaluumayisga iyo ilaalinta badda iyo xeebaha. Waxaanu
dhiiri gelinaynaa kaluumaysatada wadaniga ah taasoo
suurta gelin doonta in si cilmiyeysan looga faa’iidaysto
cunista iyo isticmaalka khayraadka badda.

14)Laf dhabarka dhaqaalaheenu waa xoolaha, kuwaasoo ay
xiligan dhibaatooyin waaweyni soo food saareen, sida:
abaaro, dhul daaqsimeedkii oo la ootay, nabaad guur, biyo
la’aan, cuduro iwm. Waxaanu hawl gelinaynaa lix kooxood
oo ku wareega gobollada oo ah dhakhaatiirta xoolaha.
Waxaanu ku dadaalaynaa in aanu gobolada dalka ka hawlgelinno
shaqaalihii ilaalinta deegaanka (Forestry), waxaanu
fulinaynaa sharciyada mamnuucayaa goynta iyo gubista
dhirta qoyan sido kale waxaanu gacan bir ah ku qabanaynaa

15

dhul daaqsimeedka sida sharci darada ah loo ootay.
Waxaanu joojinaynaa samaynta tuulinyka cusub ee dhul
daaqsimeedka halista ku ah.

15)Waxaanu soo saaraynaa siyaasad cad oo kala qeexaysa
shaqaalaha ajnabiga iyo muwaadiniinta, xukuumadaydu
waxay tixgelinaysa shaqo galinta haweenka.

16)Waxaanu xoojinaynaa barnaamijkii aynu soo celinay ee
“iskaa wax u qabso”
oo aynu marka horeba innagu
curintiisa lahayn. Marka cududa ummada la isu-geeyana
wax weyn ayay qaban karaan.

2. Arrimaha Bulshada
1. Si
loo daboolo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira
waxaanu shaqo gelinaynaa sannadkan 61 dhakhtar oo 41
ka mid ihi yihiin ardaydii ka qalin jebisey jaamacadaha
caafimaadka ee camuud iyo Hargeysa. Waxaanu iyana
shaqo gelinaynaa 382 kalkaaliye caafimaad oo 59 ka mid
ahi ay sannadkan ka qalin jebiyeen Edna Hospital,
Camuud, iyo dugsiga kal-kaaliyeyaasha caafimaadka ee
Hargeysa.
2. Waxaanu kor u soo qaadaynaa tayada waxbarashada ee
dugsiyada dawladda. Annaga oo ka duulayna taasi,
waxaanu shaqaalaynayna 1,500 oo macalin oo ka
dhigaya dugsiyada hoose-dhexe. Waxay xukuumaddu
kafaalo qaadaysaa in ay ka bixiso lacagta fiiga
jaamacadda 20-ka arday ee ugu sareeya imtixaanada
dugsiyada sare ee dawladda. Sidoo kale, annagoo dhiirigelinayna
waxbarashada hablaha, waxaanu ka

16

bixinaynaa fiiga jaamacadda 6-da hablood ee ugu
sareeya imtixaanada dugsiyada sare ee dawladda
kuwaasoo dheeraad ka ah 20kii hore.

3. Iyadoo haatan
shantii ardayba hal buug ka dhexeeyo,
waxaanu sannadkan ardayda dugsiyada dawladda u
qaybinaynaa buugaag ku filan (Text books).
4. Waxan
xooga saaraynaa waxbarashada farsamada
gacanta, si aanu u xaqiijino arrintan, waxaanu u
hawlgeleynaa sidii dib u dhis iyo dib u habayn loogu
samaynayn lahaa dugsiyadii farsamada gacanta ee
Hargeysa iyo Burco ee horey u jiray. Waxaanu si
dhakhso ah u dhisaynaa komishanka tacliinta sare kaas
oo qiimayn ku samayndoona tayada jaamacadaha.
5. Waxaanu
gacanta ku haynaa tayaynta manhajka
waxbarashada, jaamacadaha iyo dugsiyada. Waxan
qorshaynaynaa barnaamijyo wax ka tara aafada wax
akhris la’aanta iyo qoris la’aanta, annagoo ku hamiyeyna
in maalin maalmaha ka mid ah la arko shacbiga
Somaliland oo dhamaantii waxna akhriya, waxan qora.
Waxaan madaxda dawladaha hoose ee dalka gaar ahaan
kuwa magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco,
Boorame, Ceergiaabo, Berbera, Laascaanood iyo Gabiley
farayaa in ay qorshahooda sannadka ku darsadaan oo ay
samayaan maktabado buugaagta lagu akhristo (Library),
oo ay tusaale u noqdaan magaalooyinka kale.
6. Si loola tacaalo abaarta xoogan ee maanta dalka ka jirta,
waxa aan bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa in ay
gacan ka gaystaan biyo la’aanta, cudurada iyo cunno

17

yarida ka dhashay abaaraha. Waxaan u soo jeedinayaa
golayaasha qaranka (Wasiirada, Wakiilada iyo
Guuurtida) inay mushaharkooda ku deeqaan Boqolkiiba
Labaatan (20%) hal bil mushaaharkeed oo ay kaga qayb
galaan gurmadka. Sidoo kale dhamaan shaqaalaha
dawlada, shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo
shaqaalaha hayadaha samafalka inay mushaharkooda bil
kali ah ka bixiyaan Boqolkiiba Toban (10%).

7. Waxaanu
furaynaa sanduuqa zakada oo wax weyn ka
qaban doona hawlaha khayriga ah. Waxaanu kor u
qaadaynaa milgaha iyo maamuska Wasaradda Diinta
iyo awqaafta.
8. Anniga
oo og qiimaha ay dalkan ugu fadhiyaan
mujahidiintii SNM ee dalkan xoreeyey, iyo agoomihii ay
ka tageen, xukuumadaydu waxay xooga saari doontaa
sidii wax loogu qaban lahaa, si taas loo suurtageliyo
waxaan ku guda jira talo uruursi sidii dib loogu habayn
lahaa ee loo tayo-gelin-lahaa Jimciyadda Mujaahidiinta
ee Sooyaal.
9. Dhaliyarado
waa mustaqbalka dalka, waa xooga
maanta, waa madaxda berrito, waxaanay mudanyihiin
in markasta maanka lagu hayo wax tarkooda iyo
dhismahooda. Xukuumadda cusubna waxaa ka go’an in
ay ka dhabayso isbedelkii ay ku baaqday ee ay
horumarinta dhalinyaradu adhaxda u ahayd. Waxaana
hubaal ah inay dhalinyaradu noqondoonto cid ugu
horaysa ee manfaciisa haaneedda.

18

3.
Dawlad Wanaaga
I.
Si loo ogaado tayada shaqaalaha dawladda waxa
dhamantood la marin doonaa imtixaan, shaqaalaha
imtixaankaas gudba mushaharka waa loo kordhinayaa,
kawa aan gudbina lama eryayo balse xirfadooda ayaa kor
loo qadayaa, mushaharkoodii horena way qaadanayaan.
Waxa kale oo sannadkan la qaadanayaa shaqaale cusub oo
gaadhaya 2,335 qof.
II.
Maadaama ay cadaaladdu aasaas u tahay nolosha,
nabadgelyada iyo horumarka, waxaan qirayaa in ay
dhamaanteen xukuumadda, baarlamaanka, hay’adaha

garsoorka iyo shacbigaba inoo taalo qabyo-tirkeedo. Sidaa
darteed, waxaan farayaa Wasaaradda Cadaaladda in ay soo
qorshayso islamarkaana kulmiso oo ay fadhiisiso guddida
cadaaladda iyo guddi hoosaadyada baarlamaanka ee ku
shaqa leh, iyo ciddii kale ee talo la moodo sida culimada iyo
jaamacadaha, sida ugu dhakhsaha badanna ay ku keenaan
taladooda. Waxaanan ku rajo weynahay in uu kulankaasi
soo saari doono daraasad rasmi ah oo waxtar leh, markaana
ay suurtagal noqondoonto in uu xalku soo dhawaado.

III.
Waxa uu saluuq badani ka imanayaa qaar ka mid ah
maamulada dawladaha hoose ee dalka iyo golayaasha
deegaanada. Sidaa darteed, waxaan leeyahay waa in ay
ogaadaan mas’uuliyadda ka saaran muwaadiniintii soo
dooratay. Waa in ay ogaadaan in uu Ilaahay ku eegayo
amaanada culus ee loo egmaday. Xukuumaddayduna
waxay ku samayndoonta dabagal iyo la xisaabtan buuxa.
Intii xilkeeda ka soo baxdayna waxan usoo jeedinayaa

19

hambalyo iyo bugaadin. Waxan si gaar ah u bogaadinayaa
Maamulka Gobolka Saaxil.

4.
Wacyigelinta iyo Isgaadhsiinta
i.
Waxanu sanadka 2011 dalka keenaynaa Idaacad cusub oo
dalka gudihiisa iyo dibadiisaba wada gaadha taasi oo wax
weyn ka tari doonta wacyigelinta wadaniyadda,
waxbarashada, caafimaadka iyo nabadgelyada.
ii.
Anagoo mar walba tixgalinayna madaxbanaanida
ganacsiga, si looga baxo dhibaatada shacbiga ka haysata
isku xidh la’aanta isgaadhsiinta dalka, waxaanu
hirgalinayanaa sannadkan isku xidhka shirkadaha
isgadhsiinta Somaliland [Inter connection], oo aan waxba u
dhimaynin horumarka ay ku talaabsatay isgadhsiinta
casriga ah ee Somaliland oo an ku ammaanayo.
5.
Nabadgelyada
1. Waxaanu
dhisaynaa 12 saldhig Booliis oo laga dhisayo
degmooyinka cusub, waxaanu kor u qaadayna tirada iyo
tayada ciidanka Booliska.
2. Si kor loogu qaado xirfada Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka
Qaranka, waxaanu dhisaynaa kuliyadda saraakiisha
ciidamada qaranka, waxaanu sannadkan siinaynaa
Ciidamada Qaranka, Booliska iyo Asluubta derajooyin,
waxaanu xoojinaynaa cududa ciidamada qalabka sida.

20

3. Sidii
aynu horeba ugu adkayn, waxaanu xoojinaynaa
dadaalka aynu ugu jirnao ka hor tagga iyo ladagaalanka
budhcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha dalka. Waxaanu
tayeynaynaa ciidamada Ilaalada Xeebaha.
4. Ismaamul goboleedka Puntland waa dhul aanu jaar nahay
xidhiidh ganacsina naga dhexeeyo. Waxaanu jecelahay in
aanu nabad ku wada noolaano. Sidoo kale waxaanu diyaar
u nahay in aanu iska kaashano waxyaabo badan oo halis ku
ah deganaanshaha mandaqada. Hase yeeshee, waxaanu uga
digeynaa in ay faro gelin ku sameeyaan arrimaha
Somaliland.
5. Somaliland
waxay xaq u leedahay difaaca xuduudaheeda
sugan kuwaas oo lama taabtaan ah. Waxaanay diyaar u
tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo ku soo xad gudubta
qaranimadeeda.
6. Waxan
ka xumahay warka saaka isoo gaadhay kaasoo
sheegaya in ciidamadeenii joogay aaga Buuhoodle la soo
weeraray anigoo ku kalsoon in ay iska difaaci doonaan cid
kasta oo soo faro-gelisa wadanka. Waxaan dhamaan farayaa
Golayaasha Qaranka, bulshaweynta reer Somaliland iyo
xoogaga kala duwan ee ciidamada in la isu-taago difaaca
dalka. Ciidamada qarankana waxaan amrayaa in ay sidii
dhaqanka u ahayd ilaaliyaan dadka shacabka ah ee aan
hubaysnayn kana dhawraan inuu khasaare ka soo gaadho.
6.
Arrimaha Dibedda
i.
Waxaanu kor u qaadaynaa xidhiidhka aanu la leenahay
wadamada jaarka ah. Waxaanu ka hawl gelaynaa sidii aynu

21

xidhiidh dhaw ula yeelan lahayn wadamada Carabta iyo
kuwa Islaamka. Annagoo kor u qaadayna xafiisyadii
wakiiladda Somaliland ee dibadda, waxanu xafiis cusub ka
furaynaa Koonfurta Sudan, iyadoo aynu ognahay ahmiyada
ay Somaliland u leedahay in ictifaaf buuxa la helo, waxay
xukuumadaydu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaysaa
sidii ay Somaliland aqoonsi uga heli lahayd beesha
caalamka.

ii.
Waxaanu tegaynaa madal kasta oo danta Somaliland ku
jirto. Waxaanu ka codsanaynaa shacbiga Somaliland gude
iyo dibadba in ay ka qayb qaataan ololaha aqoonsi raadinta
Somaliland, iyada oo aynu ognahay doorka muhiimka ee ay
ku leeyihiin dib u dhiska qaranka Somaliland. Dhawaana
waxa la qaban doonaa shir balaadhan oo lagaga wada
tashanaayo habka ictiraaf raadinta Somaliland.
iii.
Waxaanu ka soo horjeednaa kooxaha argagixisada iyo
budhcad badeeda kuwaas oo nabad gelayada Somaliland
iyo geeska Afrika dhib badan ku haya. Waxaanu iskaashi
buuxa kala yeelanaynaa beesha caalamka, gaar ahaan
dalalka deriska ah, sidii uu gobolkani u ahaan lahaa mid
xasiloon.
7.
Arrimaha Siyaasadda Gudaha
a. Ururada siyaasadda:
Ballan qaadkayagii hore waxa uu ahaa in aanu ogolaanayno
furashada ururada siyaasadeed si sharciga waafaqsan wax iska
bedalayna ma jiro. Hase yeeshee, arrintani waa mid u baahan
wada tashi iyo talo qaran, sidaa aawadeed, annagoo ku joogna

22

dhaqankeenii ahaa talo wadaagga, waxaanu dhakhso uga
yeelanaynaa talo qaran.

b. Doorashada:
Anigoo tix-raacaya go’aankii uu Golaha Guurtidu ku
muddeeyay doorashada golayaasha deegaanada, waxaanu
qabanaynaa doorashada dawladaha hoose sannadkan gudihiisa,
taasoo suurta gelinaysa kobcinta ee geedi socodka
dimuqraadiyadda aynu dhabadeeda hayno. Maalinta
doorashada, waxaa cayimi doona Komishanka Doorashooyinka.

Shaki kuma jiro sidii aan horeba u sheegay in aan saluugsanahay
muddo kordhinta dheer ee ay Golaha Guurtidu u sameeyeen
labadan aqal (Guurtida iyo Wakiilada). Haddana anigoo
ixtiraamaya go’aankaa sharciyadiisa, waxaa hubaal ah in ay
qarankan dhiig bax ku tahay in saddex sano oo isku xiga 2013,
2014 iyo 2015 uu dalkani galo doorashooyin, sidaa darteed
waxaan Golaha Guurtida ka codsanayaa in labadaa doorasho ee
baarlamaanka la isugu raro 2013.

c. Diiwaan gelinta:
In kastoo doodi ka taagantahay tayada diiwaan gelinta cod
bixiyayaasha aynu haysano, waxa xaqiiq ah in la sixi karo
godaloolinka yar-yar ee ku jira, waxaan soo jeedinayaa in la
qabyo tiro wixii ka dhiman. Isla markaana la diiwaan geliyo
da’yarta qaan-gaadhay intii ka dambeysey. Waxaan ku
kalsoonahay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay
dabooli doonaan masuuliyadan, sidii ay horeba ugu
guulaysteen. Gacan buuxdana waanu ka siinaynaa gudashada
xilkooda

d. Sool iyo Sanaag Bari:

23

Anigoo garawsanaya dib u dhaca ka jira dhinaca horumarka
gobolada Sool iyo Sanaag bari, waxay dawladdani ku
dadaalaysaa sidii ay kor ugu soo qaadi lahayd. Sidoo kale,
waxaanu diyaar u nahay in tabashooyinka siyaasadeed la isaga
qanciyo si wanaag iyo walaalnimo leh.

5. Gabagabo
1)
Golayaasha

.
Muddo badan ayaa Somaliland ku soo jirtay xafiiltan iyo
xurgufo ka dhex taagan golayaasha sharci dejinta,
xukuumadda iyo axsaabta. Sidaa darteed:

Mudanayaal iyo marwooyin,

.
Si aynu u xaqiijinno hadafka qaran iyo himilooyinka aynu
higsanayno, waxaa lagama maarmaan ah in aynu ku
bedelno jawi iskaashi iyo wada shaqayn. Aniga iyo
xukuumadayda waxaa ka go’an in aanu si hagar la’aan ah
idiinla shaqayno, idinkana waxaanu mar labaad idinka
codsanaynaa in aad gacan buuxda na siisaan. Xeerarka idin
horyaala aa ansixisaan sida:

o
Xeerka Miisaaniyadda.
o
Xeerka Isgaadhsiinta.
o
Xeerka Hay’adda NDC.
o
Xeerka Nabadgelada.
o
Xeerka Maamul Daadejinta (Amendment).
o
Annaga oo og ahmiyadda xisbiyada mucaaradka ahi u
leeyihiin dalka, waxaanu u soo jeedinaynaa in si xil
kasnimo iyo isku duubni ah lagu waajeho hawlaha
danta qaranku ku jirto.

24

2)
Saxaafadda

.
Xukuumadaydu waxay ku timi hanaan dimuqraadi ah iyo
doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanay mar walba
ixtiraamaysaa xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee
xorriyatul-qawl. Aniga waxaa igu taqaaneen in aan
marwalba difaaco xorriayadda saxaafadda iyo madax
banaanida fikirka muwaadinka. Maantana waxaan la
taaganahay oo aan dalkana ku hogaaminayaa dhaqankaas.
Waxaanu dul qaad u leenahay dhaliilaha, toosinta ah ee
naloo soo jeediyo. Hase yeeshee, saxaafadda laftigeeda
waxaa looga baahanyahay masuuliyad iyo bisayl xirfadeed.

3)
Culimada

.
Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada
door weyn iyo masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta diinta
Islaamka, dhaqanka suuban iyo amaanka. Waxaa lagama
maarmaan ah in aynu ka midowno iskana kaashano
duruufaha jira si aan da’yarteena loogu marin habaabin
fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.

4)
Beesha Caalamka

.
Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha
caalamka danaha guud ee la wadaago, sida amaanka, la
dagaalanka budhcad-badeeda iyo deegaan dhawrista.
Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamka in ay
garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u leeyihiin
shacbiga Somaliland aaya ka tashiga madax-banaanidooda.
Sidoo kale waxaanu ka codsanaynaa Qaramada
Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo hay’adaha

25

samafalka in ay si mug leh noogala qaybqaataan dib
udhiska qarankan oo u gudbay marxaladii horumarka.

5)
Dadweynaha

.
Shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa dibed iyo
gudaba in ay u midoobaan ilaalinta qaranimada iyo
horumarkooda, kana foojignaadaan xeeladaha cadowgeena,
isla markaana la shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada ku
hawlan. Innagoo ka war qabna hirdanka ka dhexeeya
aragtida qabiilka iyo qaranimada oo khatar gelin kara
jiritaanka dawladnimadeena. Marnaba aqbali mayno cid
kasta oo isku dayda in ay dhaawacdo nabadgelyada iyo
dimuqraadiyada ka hana qaaday dalka.

.
Adeega dawladi dadkeeda u fidiso ee ay ugu mudanyihiin
nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo cadaaladdu
wuxuu ku xidhan yahay qaddarka cashuurta ay bixiso
ummaddu. Sidaa darteed, waxaan muwaadiniinta ka
codsanayaa in ay si hagar la’aan ah oo wadaniyad leh u
bixiyaan cashuurta ku waajibta.

.
Waxaynu ka warqabnaa in ay abaar ba’ani dalkeena ka jirto,
taas oo u baahan dawlad iyo dadweynaba in aynu iska
kaashano oo aynu naf-hur iyo tabarruc ugu gormano inta
ay saamaysay ee bulshadeena ah. Xukuumaddu waxay
bixisay kharashkii biyo-dhaamiska qaybtii ugu horeysey oo
dhan 600 oo booyadood oo la gaadhsiiyay gobalada ugu
daran.

.
Anigoo garawsan rajada faraha badan ee xukuumadayda
laga filayo, waxaa ogaataan in aanu isbedelka loo
baahanyahay iman karin lix bilood iyo sannad toona. Hase
yeeshee, “Ninna korkiisa biyo kama dhawree, waxaad ku

26

kalsoonaataan in aannaan waxba ka hakran doonin
dalkayaga iyo dadkayaga”.

.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa in uu roobka inoo shubo,
abaarahana inaga dul qaado. Ilaahay waxan ka baryayna
in uu tubta toosan, towfiiqda iyo talada wanaagsana ina
waafajiyo. Amiin…
Amiin…

.
Wassalaama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu.

By, Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *