ubax-dagan1sida aan wada ognahay waxaa jira hab dhaqameed qoomiyad kasta ay leedahay, Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyink  leh dhaqamada gaarka ah ee lagu garto, haddi aad aragto nin ama wiil xidhan macawis markiiba waxaa qalbigaaga ku soo dhacaya inuu yahay

Soomaali ama Carab.
Intaa kaddib, waxaan jecelnahay in aan maqaalkan  ku qaadaa dhigno bal farqiga u dhaxeeya dumarkii hore iyo kuwa maanta oo Jaah wareer ka taagan yahay. Kadib markii ay adkaatay inay  kala gartaan ragga Gabar iyo Garoob!. Gees xir iyo Marwo!
Haweenkii hore waxa ay u badnaayeen oo ay ka sinnaayeen dhamaantood daacadnimo, xishood iyo qadarin, waxaana ku idlaaday sharaf dhamaanteed, waxay lahaayeen astaamo lagu kala garto gabadha la qabo iyo tan madaxa banaan ee aan la qabin, waxay aad ugu xishoon jireen inay rag badan xiriir ay la sameeyaan, ama ay shunkaansadaan oo shukaansiga ayaaba ceeb ahaa, waxaana taasi ka sii darneyd sida ay uga weecan jireen oo ay u nebcaayeen furiinka.
Maxaa Bedelay
Waxa jira walaac ballaaran oo ku wajahan dumarka hadda jooga, sida la wada ogyahay haweenka waxa ay caadaysteen dhaqamo xun xun, haddii aan tusaalle u soo qaato qeybo ka mid ah dabeecadaha ay la nooliyhiin ee saaxiibka yihiin ayaa waxaa ka mid ah qoddobada soo socda:-
1- In ay gabadhu ku faanto furiinka.
2- Shukaansiga ama la socoshada ragga badan.
3- Raadinta lacagta.
4- Hamigooda oo daneysi kaliye ku xiran.
5- Ka bad-badinta  iyo beenta.
6- Xishood la’aan
7- Iyo qadarin xumo
Iyo sidoo kale wixii la halmaala ama la mid ah arrimahaasi.
U JEEDDADA QORAALKEENA RUNTU AH MAXAY TAHAY?
Anigoo dhinac u hiilineyn, waxaa soo ifbaxaya waayadan dambe in raggu ay kala garan waayaan gabadha tan la qabo iyo midda madax banana tan carmalka ah, maadaama daraysku isku mid yahay, daacad ay ku fogyiihin dabeecada iyo dhaqanka ay ka siman yihiin.
Maxamed Cabdullaahi Xasan, waxa uu ka mid yahay dhallinta ka timid waddamada reer galbeedka, islamarkaana hadafkiisu ahaa in uu nolol iyo qoys ka yagleello dalka kenya! waxaana soo food saartay Maxamed arrin la yaab leh, waxayna u dhacday sidan.
kaddib markii uu la aqal galay gabadh (inan) ay muddo wada socdeen, waxa uu ka codsaday oo uu sheegay marka hore in uu gabadh bikra ah uu rabbo oo aanu rabin naag nin hore u soo martay, maadama aan la kala garanayn dumarkii.
Gabadhii ayaa iigu jawaatay buu yidhi, Maxamed waxaan ahay gabar aan waligeed la guursan, waana iska aaminay ayuu yidhi,  wiilkii Maxamed ahaa, walaahi aqal gal kaddib waxaa la gaadhay runtii, waxaa meesha ka baxday  wax aan ahayn gabarnnimadii ay sheegatay, (Alla go’ayi, ciil badnaa).
Jabkaas isagoo qaba iskana qarsaday oo Alle tala saartay ayaa hadana waxaa ku dhacay ka daroo dibi dhal, kadib markiiqoftii falkaas gaysatay ay hadana ku khasabtay inuu dibadda geeyo (Yaab), dhacdadaasi waxa ay ku dhacday wiil Soomaaliyeed.
(sir ma qabe Allaa u maqan).
TALO  U JEEDIN
Dhammaan gabdhaha Soomaaliyeed waxaan jeclahay in ay ka waan toobaan waxyaabaha qaldan, waayo waxa aad u dulman raga, sababtoo ah, waxaa jira qoddobo badan oo dumarku ragga ku sameeyaan, waxaad ku xisaabtan taan in nin uu mar walba yahay marti, xitaa haddii uu yahay madaxweyne naag uun buu hoostagayaa.
Sidaaasi darteed dumaroow waa in aad iska ilaalisaan xad-gudubkaa raga ku samaynaynaysaan (Rabbi ka cabso iyo rag iska riix meel ma wada galaan).
Gunaanudkii qormada Dumarow balanteenu waa daacadnnimo iyo Taqwada Allaah (Subxaanahu wa tacaalaa).

By – Qalinkii wariye Ubax Daahir Cismaan
Waxii dhaliil iyo amaan ah ku soo hagaaji cinwaanka hoose.
Ubaxdahir2000@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *