-
Published On: Tue, Jan 10th, 2012

Dumarka iyo Dhaqaalaha Somaliland By: Naciima Cabdi Galiixe

Smiley face
Share This
Tags

Wakhti aan fogayn ayaa waxaan qoray maqaal ku saabsanaa doorka dumarka iyo siyaasadda Somaliland. Markii maqaalkii aan soo bandhigay ayaa
jawaabo badan oo kala duwan aan ka helay dad badan oo dunida daafaheeda ku kala nool, kuwaasi oo ii muujiyay dareeno

iskugu jira
dhiirrigelin, tusaalayn, taageerid iyo tallooyin ay ku jirto hogo  tusaalayn.

Haddana waxaan go’aansaday in aan maqaal kale soo saaro, kaas oo aan
kaga hadlayo arrimaha dumarka iyo dhaqaalaha. Haddaan maqaalkayga
gudogalo, waxaan horta ku yara eegayaa taariikhda dhaw ee Somaliland
intii aanay dagaaladu ka dhicin dhulkeena, waxa jiray hab-nololeed
kala gadisan oo waliba marka aad si u eegto isku sar go’an. Waxaan uga
jeedaa dadkeenu waxay kala ahaayeen reer miyi, reer magaal iyo
beeralay, nolosha dadku haysteena mid waliba waxay ahayd mid dagan oo
ay ku qanacsan yihiin, balse arrintu waxay isbeddeshay markii ay dalka
ka dhaceen dhibaatooyinka iyo dagaaladu, kuwaasi oo si toosa saamayn
ugu yeeshay hab-nololeedkeena, taas oo dhaxalsiisay bulshadeena in
dumar badan noloshoodii hore ka tagaan, iyagoo bilaabay inay door
muhiima ka qaataan habka dhaqaalaha dalka oo ay dumarkii intay dhexda
iska xidheen noqdeena soo saaraha qawtal-daruuriga in badan oo ka mid
ah qoysaska Somaliland, gaar ahaan inta loo yaqaan muruqmaalka
(working class) waxay u badan yihiin dumar.
Haddaan tusaale soo qaadano, waxa ka mid ah dumarka iibiya jaadka,
khudrada, caanaha, dhuxusha, iyo kuwa dukaanada yaryar haysta, taasi
waxay muujinaysaa in dumarku noqdeen qaar daboola baahiyaha
qoysaskooda, waxaana xusid mudan warbixino kala duwan oo aan ka soo
xigtay haayadaha qaramada midoobay inay tibaaxeen wax soo saarka
haweenku inuu udhigmo %70 dakhliga ka soo xarooda dalka gudahiisa.
Iyada oo ay cadahay in dumarku yihiin asaaska dhaqaalaha dalka, waxaa
haboon in ay qayb ku yeeshaan hab socodka siyaasadda dalka, maadaama
siyaasada iyo dhaqaaluhu ay yihiin laba shay oo is xambaarsan.
Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa hadana waxay mar walba qayb ka
qaadanayeen nabadda iyo horumarinta dalka, waxaa kale oo ay ka qayb
qaadanyeen korinta iyo kobcinta carruurtooda oo ay waxbarasho iyo
nidaam sax inay helaan xooga saarayeen, iyagoo dhib walba u marayay
inay bulshada ku soo kordhiyaan awlaad tayo leh, barina noqda kuwii
mustaqbalka dalka si sax ah uga qaybqaadan lahaa, haddaba taariikhda
cusub ee Somaliland waxay muujisay in dumar fara badan ay door mihiim
ah oo wax ku oola ka qaataan hab-socodka dhaqaalaha ee Somaliland,
waliba iyagoo abuura shaqooyin kala gadisan.
Somaliland oo maanta maraysa meel lagu diirsan karo, isla markaana
dumarku ka yihiin tiir muhiim ah, waxa isweydiintu tahay; maxaa
dumarow inala gudboon? su’aasha jawaabteedu waxay tahay in aynu sida
aynu uga qaybqaadanayno dhaqaalaha, aynu uga qaybqaadano siyaasadda,
taana waxaynu ku heli karaa inaga oo ka qaybgala hoggaanka tartanka
siyaasada ee dalka.
Doodaha ragga qaar yidhaahdaan in aan weli la gaadhiin wakhtigii
dumarku ay talin lahaayeen lama joogo oo aqoontooduna uma saamaxayso,
ayaa waxaa burinaaya sida qiimaha leh ee muddooyinkan dambe aqoonta
dumarku u korodhay. Tusaalena waxaa inoogu filan sannadkii 2011
ardayadii ugu saraysay jaamacadaha Somaliland waxay ahayd gabadh,
ardyadii dugsiyada sare ee Somalialnd ugu saraysayna waxay ahayd
gabadh, waana wax aan la iska indho tiri karin qaybta laxaadka leh ee
ay dumarku ku leeyihiin bulshadeena, ta kale waxaa hubaal ah 20 kii
sanno ee u dambeeyey ay aqoonta dumarku sare u kacday, ha ahaato kuwa
dalka gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa qurbaha wax ku bartayba, taasi
oo dumar ahaan noqonaysa mid aynu kalsooni badan kaga heli karno ama
kaga helnayba bulshadda Somaliland dhexdeeda.
Maqaalkan iyo maqaalkii ka horreeyeyba waxaan ku iftiimiyay doorka
kala duwan ee ay dumarku ku leeyihiin bulshadda, ha ahaato siyaasadda,
dhaqaalaha iyo waxbarashada. Markaa waxay iila muuqataa in la gaadhay
wakhtigii ay dumarku noqon lahaayeen hormuudka dalka Somaliland ay
baahiyaha badani ka jiraan, nuglaanta faraha badanina ay saamaysay oo
taasi oo waliba inta badan ka timaad dhinaca ragga qaar, sida ka
muuqata dumarka meelihii loo igmaday waxay ka muujiyeen waxqabad lagu
faani karo.
Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo kursiga ku fadhiday muddo ka badan
sannad iyo badh ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa sababteeda qayb
laxaad leh ku lahaa dumarka, iyada oo wakhtigii tartankii ololaha
doorshada lagu jiray uu madaxwayne Siilaanyo ku baaqi jiray inay
dumarku heli doonaan 25% saamiga dawladdiisa, laakiin se xukuumadiisa
maanta kama muuqato 25%, waxaa halkaa inooga muuqata marka dumar ahaan
la eego 5% in ka yar.
hadaba madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay madaxwayne awalbaa waxaanu
iskaga qanacsanayn 25%, maantana 5% inkayar baad na siisay oo aanay
dumarku u qalmin, taana waxaan u leeyahay markaad dhinac walba ka
eegto dumarku waa tiirka ay ku tagan tahay Somaliland, markaa ma la
odhan karaa sidii aanu kuugu caano lisnay noogu maad hambayn?
Gabagabadii waxaan leeyahay rag iyo dumarba aan ka wada shaqaysano
dalkeena, umadeenan inoo baahana aan wax u wada qabano, inaga oo
gacmaha is haysana, shaqadana yaan lagu koobin ragga oo kaliya ee si
isku miisaman ha loo qaybiyo, samiga dumarkana ha ka badheedho
xukumadaadu in ay si xaq soora ugu qaybiso ragga iyo dumarka.
Dumarkana waxaan odhan lahaa waa inaynu had iyo jeer muujina dedaal
xooggan, aqoonteenana kordhina, markaa hadii aqoonteenu korodhana
waxaynu helaynaa dhaqaale, maadama uu dhaqaaluhu yahay hagaha nolosha
had iyo jeer, siyaasadda iyo dhaqaluhuna is xambaarsan yihiin.

ALLA MAHAD LEH

Naciima Cabdi Galiixe
Hargeysa Somaliland

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>