Waa wax lala yaabo in maalinba waxaanu shaqo ku lahayn inuu ka hadlo Ninka Wasiirka ka tirsanaa kooxdii Ina Rayaale oo dalka laga soo gaadhay markay sidii diirta feenteen. Hadaba Ina sulubow hore ayaad u sheegtayoo ugu nabad gashay ereyo aad badheedh u tidhi oo xambaarsanaa
cuqdad iyo calool xumo kugu raagtay oo sidii Dabsinka kugu dhex jiray, Islamarkaana caqligaaga gaabani kusiiyay inaad nin xijaabtay oo wuxuu lahaa xumaan iyo samaanba la god Galay aad ummad sheekh iyo shariif, rag iyo dumar isla hortaagtay(Geeridii ina Cigaal waan faa,iiday), waxaad is lahayd dad baad ku heli doontaa, balse waad Kuna ku guuldaraysatay taa.Waxa haddaba kuu nusqaana inaad garan weydo oo dadka aad maanta wax u sheegaysaa inay yihiin kuwii shalay ku bartay doraadna ku Yiqiinay waxaad ka shaqeyn jirtay,Waxaan haddaba kuu sheegayaa Ina Sulubow dadka deegaanka Baligubadle kaagama baahna inaad u hadashid iyo taageero toona oo dawladii ay soo doorteen ee waliba sida buuxda uga dhex muuqdaan muruq iyo Maalna ay la garab yihiin oo ay is ogol yihiin ayay hoos joogaan inaad usoo doonyaysato inaad wax ka sheegto toona kaagama baahna oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay oo kala hadlay dawladii ay arrintaasi khusaysay, waxase Kaaga baahan wax u sheega naftaada iyo kooxdiinii Illaahay ummadan iyo dalkan kasoo gaadhay.
Waxan kusoo gabagabeynayaa Takarta kugu taagan kama taliside tukale oo kaa fogbaan tilmaantaa
Wa bilaahi tawfiiq
Nagiib Muuse Axmed
Berbera/Somaliland