Adiguba maskaxda ku sawiro, wixii halkaa ka dhacay waxay noqotay oday ka sheekee..!!.

 

HiildanYare, UK, http://hiildan.com.

Door dhexdaasiya waxaan ogaa Dhanxiir oo labadiisa dhinac u kala safteen Mujaahid vs Faqash, oo suuqa Hargeysa dhexdiisa isku qabsaday, kadibna weerar iyo weerar celis, feedh iyo harraati ramiimka iskaga dhigay. Balse, waxay ugu qosol badnayd markii ay labadaas dhinac damceen inay madax-madax (head to head) isugu boodaan. Dhinicii hore ayaa damcay inuu dhinicii dambe ku dhufto madaxa (head), dhinicii dambana sidoo kale ayuu is yidhi adiguna ka gaadhsii, inta uuna dhinaca hore isagu kaaga horreyn. Bal iyaba illeyn waa quduree, belaayo laba madax oo sii kala jeeda leh oo labadii madax rabaan inay is hirdiyayaan, adiguba maskaxda ku sawiro, wixii halkaa ka dhacay waxay noqotay oday ka sheekee..!!.

Door hore oo midkaas hore ka sii horreeyayna waxa la arkay Dhanxiir oo u sii xagaafsanaya xagaas iyo wasaarada maaliyadda, oo xoodaaf-xoodaaf u socda, isagoo ku andacoonaya in laga dhigo wasiirka maalliyadda. Jagadaasna Dhanxiir waaba loo saxeexay, waxayse quduro ka dhacday markii labadii dhinac ay isku qabsadeen sidii ay xilka u gudan lahaayeen. Midkood ayaa yidhi ‘Anigu aan noqdo xisaabiyaha iyo lacag qaadaha, adiguna noqo ilaaliyaha iyo kormeeraha.’ Kii kalaa ugu jawaabay, ‘Weger, adeer adigay indhahaagu xaga hore u jeedaane, noqo ilaaliyaha, ana lacag qaadaha igu daa.’ Kii kale ayaa ku celiyay, ´Wagagac, waryaadhaheen, oo haddaa ma adigayna indhahaagu wax arag, kolba dhinicii aan u dhaqaaqnaba labadeenuba xag hore iyo xag dambaba waxbaan ka aragnaaye, kolba dhinacii aan ka sii jeednana labadeenuba wax waa ka aragnaaye´. Kadib waxay ku heshiin waayeen inay aqbalaan jagadii la siiyay ee wasaaradda Maaliyadda, waxayna u daayeen Eng. Xaashi.!

Qisada ugu sii wada qosolka badnayd ee qabsatay Dhanxiir (wixii hore oo dhan quba), iyadna waxay ahayd markii uu damcay inuu tukado sallaad, hadana uu soomo. Halkaasna muran xoog leh ayaa ka dhashay oo ilaa maanta keenay inuu Dhanxiir masaajidna waligii roob ka galin. Waxay ku heshiin waayeen sidii ay u kala tukan lahaayeen iyo midkoodii wax tujin lahaa, oo marka uu midkood is yidhi rukuuc ama hadana sujuud, ayuu dhankii kalana illayn cirkuu u jeedaaye, isna gacmaha kor u taagaa, isagoo leh ´Samica-laahu liman xamdi´, ama wali faataxadiiba akhriyayaa!. Midkeebaa la tujiyaa, midkeese wax tujiya?, iyadna way ku heshiin waayeen, sidaasi ayuuna Dhanxiir inuu tukado ku daayay.

Ramadaantii dhaweydna waxay ku dhaaftay xafladihii xil wareejinta, markuu midkood is yidhaahdo soon, midkii kale ayaa xafaldahaas iska taga oo bunka iyo shaaha iska caba, iyadna way ku heshiin waayeen inay soomaan. Dubbe iyo Doolaal ayaa arrintaasna noo soo xaqiijiyay, oo yidhi waryaadhaheen ´Oddaygii Dhanxiir wuxu u baahanyahay gurmad qaran´, inkasta oo labadaasi laftarkoodu isku khilaafsan yihiin arrintaas iyada ah. Hadana waxa xaqiijiyay Danyare iyo Danana oo ay daris iyo gacal yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Dhanxiir oo ku caan baxay isburinta iyo cambaaraynta cid kasta oo masuul qaadda ayaa doorkan maanta ahna wuxuu minaamku u saaray madaxweyne-ku-xigeenka muxtarimka ah ee dalka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil -SAYLICI.

Waxan marka hore Dhanxiir weydiin lahaa, miyaanad ogayn in madaxwene-ku-xigeenku yahay Mujaahidka koowaad ee diimuqraaddiga dalka Somaliland. Kolley MAYA iyo HAA, labadaba wuu iigu jawaabi doontaaye, aan hadafkayga uga socdo. Dhanxiiroow, mujaahidiinta adigu aad aadka u taqaano ama aad sida weyn u daristay, waxay ahaayeen mujaahdiiinta dagaalka sokeeye, ee wax dila, ama la dilo, kuwaasi oo yidhaahda ´Dalka anagaa wax u soo cabnay´, ´dalka anagaa wax u soo cunnay, dalka annagaa wax u soo marnay, reerkayga la qadin maayo, waa in qayb libaax an qaadanaa ..iwm.

Balse, Saylici wuu ka duwan yahay mujaahidiintaas aad taqaanno, oo waa mujaahidkii ugu horreeyay ee diimuqraadiga Somaliland, ee aan waligii hub iyo dirays qaadan, waxna aan dilin, waxna aan dhicin, waxna aan boobin. Hadana ku yimi dedaal iyo damac siyaasadeed iyo dar Illaahay, waana mid ka mid ah sababaha uu KULMIYE ku guulaystay doorashadii xisbiga iyo middii qarankaba. [Waxan rajaynaynaa doorka dambe inuu KULMIYE soo sharraxo mujaahidiinta diimuqraadiga sida xildhibaan NAC-NAC, SAMAALE, DR. MAXAMAD, iwm ee an dirays qaadan, oo meesha ka saaro MUUSE BIIXI iwm].

Sidaa daraadeed, wali waxa Dhanxiir ka dhiman macluumaad iyo aqoon badan oo ku taxaluqa ´Mujaahidiinta Diimuqraadiga´. Waxanan ku odhan lahaa, bal isku day inaad tagto maktabadaha (Libareries) ku yaalla jaamacadaha dalka, oo wakhti badan ku soo qaado barashada ´mujaahid Diimuqraaddi´. Macluumadkaas iyo aqoontaas ka dib, waxaad ogaan doontaa in mujaahidka Diimuqraadigu uu leeyahay dhinac kaliya oo loogu soo haggaago oo sidaada uuna dhinacyo badnayn. Waxaad ogaan doontaa, inuu ka madaxbannaan yahay qabiil iyo qabyaalad, inuu leeyahay daacadnimo iyo dulqaad badan, inuu u hoggaansamo qawaaniinta iyo shuruucda dalka/dastoor, uguna dhaqmo sida ay u qoran yihiin, inuu qalin buug wax ku maamulo. Sifahaas oo dhana waxad ku arki doontaa Mujaahidka Diimuqraadiga mudane SAYLACI.

Saylici, tolkii qaan kuma laha isaga, isaguna qaan kuma laha tolkiis, Qarankiisa ayaa qaan ku leh, oo ah inuu daacadnimo ku hogaansho, sidaasi ayuuna ku dhaartay, sidii ayuuna ku wadaa. Ilaa iyo imikana sida uu wax u wado, ee deganaanshaha iyo dul qaadka leh, aad iyo aadbaan raalli uga nahay uguna taageersanahay. Dhanxiiroow, Saylici ma aha nin sidaada dhinacyo badan, balse labadiina dhinac ku heshiiya sidii ad Madaxweyne ku xigeenka u xaal marin lahaydeen.

Hadal iyo dhammaantii; waxa waxaas an soo sheegnay oo dhan ka muhiimsan, inay labda dhinc ee Dhanxiir ku heshiiyaan, Dhanxiir yaa dhalay, oo ay is weydiiyaan horta wiilka yaa dhalay?

HiildanYare, UK, http://hiildan.com.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *