Waxay ahayd saacadu 6:30-fiidnimo 19/09/2010-ka,aminntii aanu ka ambo-baxnay Magaalada Hargeysa, anaga oo u sii jeednay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. waxaanu ahayn koox Wariyayaal ah

 oo ka kooban saddex oo kala ahaa waa Khadar Maxamed Cakulle (Universal TV), Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale] oo Wakiilka Somaliland ee Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com iyo Cabdiqani Xuseen Baynax kana socday Mareegta Somalilandpress. dabacan waxaanu u soconay guddashadda waajibaadkayaga saxaafadeed iyo caawimo ee aanu ku taageerayno nugulka.

Xaqiiqo ahaan, Wariyahu ma gudbiyo oo kaliya dhacdooyinka wareed ee guud ahaan saameeya nolosha iyo gaar ahaan arrimaha la xidhiidha siyaasada oo loo tuhmo inay badanaa daneeyaan oo xilsaaran yihiin, hase yeeshee waxa ay saxafiyiintu u jiraan oo ay kaalin mugle ka qaataan dedaaladda samofalka iyo in bulshadu dhexdeeda iska ogaato caqabadaha kala duwan ee barbar socda saymaha nolosha, kuwaas oo hadba aadamaha dacalka ay daboolaan ku aan ahayn kaga yimaada.
Telefiishanka Madaxa banaan ee Universal, ayaa daawadayaashiisa u soo bandhigay mar hore muuqaal naxdin leh, kaas oo gudbinayay ilmo yar oo dhibaato ka qaba qadaadka dambe ee jidhkiisa oo uu ka soo baxday Buro madaxiisa leeg, kaas oo ka dhashay qoys danyar ah oo aan haba-yaraatee awoodin inay gacan caafimaad ka gaystaan daaweyntooda ilmahooda.

Baahintaa ka dib, waxa ay layaab ku noqotay oo ka naxay dhibaatadan daran ee wiilka la soo daristay, qaar ka mid ah dadka SoomaAliyeed ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Wadamada UK iyo Norway, kuwaas oo u badnaa Haween ka adkaysan kari waayay xaaladdan caafimaad daro ee dhibaatada ku haysa saqiirkan saboolka ah. Samafalayaashani, waxay Qadar lacag ah oo dhan $1100 Dolar ku soo hagaajiyeen agaasimaha TV-ga Universal ee Somaliland  Khadar Maxamed Cakule.

 

 

Khadar isaga ayaa ahaa wadaha gaadhiga aanu Burco ku gaadhnay oo noociisu ahaa (Grande), waxaanu Magaalada galay 11:00 habeenimo, anaga oo ku hoyanay Huteel lagu magacabo Tog-dheer. Subaxnimaddii siddii qorshuhu ahaa, waxa aanu u jihaysanay Barriga Burco, anaga oo raacnay gaadhi Land-cruiser ah oo uu leeyahay isku duwaha wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer oo la socday xaalada ilmaha yar ee dhibaatadu haysatay oo aanu u sidnay caawimadda la noogu soo dhiibay.

 

 

 

Markii aanu gaadhnay tuulada INA-AFMADOOBE, ayaanu dhinaca Hawdka uga weecanay wadadii oo aanu afka saarnay wado raf ah oo aad u dhib badan, ilaa aanu ka gaadhnay tuulada KALKA, halkaas oo uu naga raacay nin dhul yaqaan ah, si uu noo soo tuso dagalka uu ku sugan yahay qoyska aanu raacdada ugu jirnay, si aanu u gaadhsiino gurmadka aadamino ee ka yimid haweenka damqashadu saaqday ee qurba-jooga ah, socod masaafad dheer ahaa ka dib waxa aanu is dul-taagnay aradkii reerku yaalay oo ay ka muuqdaan muuqaalo muujinaya inay dhawaan ka hayaameen, waxa aan waydiiyay dal yaqaan Maxamed Taayir gaadhi oo meesha maray, waxaanu ii sheegay inuu yahay gaadhigii reerka raray (Waa yaab, reer miyi awr ku guura ayaa la ogaaye, miyaad ogtahay inay wakhtigan casriga ah la talaabsanayan oo ay adeegsadaan gaadiid !!!).

safarkayagii ayaanu sii wadanay, tuuladii ugu horeysay ee aanu gaadhnay ayaa la noo sheegay in reer aanu raadinaynaa u hayaameen deegaan fog, hase ahaatee, hooyada qoyskaasi ay ku sugan tahay meel la yidhaahdo WAR-CIMRAAN iyadda oo farta lanoogu fiiqay jihada ay naga xigto.

Markii aanu gaadhnay meeshii la noogu sheegay ayaa hadana naloo xaqiijiyey inay hooyadan aanu raadinaynaa ka tagtay tuuladan, culayska amaanada ayaa na gubaya sidaa darteed Khadar Cakulle oo ah masuulka amaanada gacanta ku haya ayaa ku yidhi Faarax oo ahaa dal yaqaanka na hogaaminayey inuu sii wareysto meesha ay hada ku sugantahay hooyo Aamina qadar yar ka dib waxa naloo sheegay inay joogto tuulo kale oo lagu magacaabo YAASIR taasi oo qiyaastii 40-50-km noo jirta.

 

 

Markiiba waxaanu ku dhaqaaqnay jidkii dhibta badnaa goor ku beegan casar oo ay qoraxdu aad u foorarsatay ayaanu gaadhnay tuuladii YAASIR dalyaqaan Faarax ayaa ka dagey gaadhigii waxaanu tagay maqaaxiyo ay faadhiyaan rag ay da’adoodu aad u kala duwan tahay, inkasta oo aanu soo dareemayno daal ishana aanu ku hayno qoraxda sii gaabanaysa ee godka ku sii dhowaanaysa.

Waxaanu aad u jecelnahay in aanu mar uun indhaha saaarno hooyo Aamina ama nalagu yidhaahdo waatan hooyadii aad inta badan raadinayseen. Faarax nagu soo noqoy isaga oo ay wajigiisa ka muuqato niyad jab, waxaanu  markiiba dareenay inay jawaabtu tahay ma joogto Faarax ayaa noo sheegay in loo sheegay inay hooyadani ku maqan tahay Degmada Qoryaale oo ay shalay tagtay balse ay suurto-gal tahay inay saacadahan aanu wada hadlayno ku soo laabatay Gurigii hooyadeed oo ku yaala meel noo jirta ilaa 20-km kaasi oo gabi ahaanba bedelaya jihadii aanu haysanay.

Waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu soo taabano guriga iyadoo ay naga raacday tuulada haweenay ay walaalo yihiin gabadha aanu raadinayno markii aanu gaadhnay gurigii ayaanu istaagnay duleedka guriga waxaana tagay gabadhii iyo Faarax inyar ka dib waxa nagu soo noqday faarax iyo haweenaydii waxay noo sheegeen inay aamini ku maqantahay degmada qoryaale oo ku taala jidka laamida ah ee isku xidha Burco iyo Caynaba.

Markale ayaanu dib u qabsanay jihadii aanu haysanay ee ku beegnaa Qoryaalle inkasta oo ay ciladi ku timi Baabuurkii aanu wadanay hadana dadkuba kala ayaan badane wadaha baabuurka ayaa ahaa farsama-yaqaan fiican waxaanu si deg deg ah u furdaamiyey ciladii farsamo goor ay ku beegnayd fiid cawl ama Makhrib, kadib ayaanu gaadhnay degmada Qoryaale anagoon dhameynin shaahii aanu dalbanay ayaanu ogaanay oo naloo sheegay inay hooyada aanu  raacdada ugu jirnay ku maqan tahay magaalada Burco.

Wakhtiga aanu joognaa waxay ku siman tahay saacadii aanu saaka ka soo jarmaadnay magaalada Burco si kale hadaan u dhigo mudada aanu ku jirno socodka aan nasasho lahayn waa 13-sacadood walina ma hayno qoyskii aanu raadinaynay mana garanayno inta wali uu qaadan karo socodkayagu balse waxaanu ognahay oo kaliya inay haatan qasab tahay ku noqoshada Burco mar haddii hooyo Aamina ay ku sugan tahay Burco,laakinse waxa lagama maar maan ah inaanu dib ugu celino tuuladii uu naga raacay dal yaqaan Faarax Cilmi.

Tuuladaasi oo markale noo jihaynaysa jidkii qarfada ama rafka ahaa iyadoo aanu hada joogno wadaddii laamida ahayd ee Burco tagaysay jecllayna inaan laga baydhin markale hadana waxay ahayd daruuri inaanu tuuladaasi ku celino Faarax markii aanu gaadhnay tuuladaasi waxay ahayd ilaa 8:00 ilaa 9:00-kii habeenimo islamarkaasi Faarax waxa uu nagu marti-galiyey dhawr galaan oo caano maydhanaan Geela oo aad jeclaysanayso qudh-qudhintooda.

Tuuladaasi oo lagu magacaabo KASHKA  waxay u jirtaa magaalada Burco 87-km wakhtigu wuu socdaa xili ay ku dhawdahay 10:00-habeenimo ayuu dhinicii aanu u soconay ee Waqooyi waxa ka soo hilaacaya Roob xoogle oo durbadii kaabiga na soo saarey, inyar kadibna dhibicii roobka ayaa nagu bilaabmay wadaha baabuurka oo taxadir iyo aqoon-ba ilaahay ku manaystay ayaa xeeladiisa gaarka ah awgii waxaanu gaadhnay saacado gudahood jidkii laamida ahaa oo aanu kaga dhacnay tuulada ina Af-madoobe.

Dhawr iyo tobankii saacaadood ee aanu ku dhex jirnay dhulka miyiga ah waxa ugu badan ee ay indhahayagu qabanayeen waxay ahayd DUNDUMOOYIN teel-teela Ilaahay quwadiisa aad yaabeysid dhererka Dundumooyinka oo aad ku la-yaab gelinayaa, inkasta oo xayawaanka dhisay la yidhaahdo Aboor oo uu aad u yar tahay

Maanu dareemin safarkaas wakhiga badan qaatay ee lahaa duruuftiisa, waayo dhulka aanu maraynay ayaa ahaa dagalo ku cusub indhahayaga, waxaanuna ku mashquulay daymada iyo falan-qaynta waayaha deegaankaasi oo wakhtigaas abaar laxaad leh haysay, waxayse indhahayagu qabanayeen dhir ka caan ah dhulka Soomaalida oo aragtidoodu qariib nagu ahayd.

12:00 habeenimo 21/09/2010-ka ayaanu ku soo laabanay Burco, anaga oo doonayna in aanu rumayno qastigayaga ah in aanu mar uun indhaha saarno hooyo Aamina iyo ilmaheeda dhibaataysan, nasiib daro, waxa lanoo sheegay in ilmaha yar ee aanu mudada dheer kaalmada la raadcaynay uu saqiiray (Geeriyooday), hooyo Aamina-na, mar kale ayaa na loo sheegay inay ku maqan tahay tuulo-kale, Sidaa awgeed isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Togdheer Aadan Malaay oo Adeer ruma u ah Il-maha yar, ahaana shakhsigii suurageliyey in telefiishanka laga arko, maadama ay Hooyo Aamina iyo Ilmaha yari ay ku sugnaayeen Gurigiisa ayaa qaaday inuu masuuliyada deeqdan Gaadhsiiyo Caruurta iyo hooyadood.

Waxa aan qormadan ku soo koobayaa, Haweenka Soomaaliyeed ee deeqda bani aadamino bixiyay iyo saxafiyiinta baadi doonka dheer galay ee wakhtigoodii iyo shaqadoodiiba u huray inay gaadhsiiyaan cidii loogu tallo-galay waxa ay guteen waajib culus oo aadaminimo, kaas oo looga fadhiyo cid kasta oo dareemaysa waajibaadku macnaha uu leeyahay.

Waa markii labaad ee deeqdan lacageed uu Agaasimaha Telefiishanka Universal TV ee Somaliland Khadar Maxamed Cakule, wadarta guudna waxay noqonaysa $2700 Dolar [Laba kun iyo todoba boqol oo Dolar].

Sidoo kale, waxa uu isla maalintaas Agaasimaha Telefiishanka Universal TV ee Somaliland Khadar Maxamed Cakule waxa uu deeq lacageed oo qadarkeedu dhamaa $1100 Dolar uu Gudoonsiiyey Hooyo Xiis Daahir  oo haysata laba wiil oo maskaxda ka xanuunsanaya,

Deeqdan lacagta oo ay soo direen qurba-jooga dalalka Norwey iyo UK, kadib markii ay ka daawadeen Telefiishanka Universal TV ka naxay Ilaahay dartiina u soo caawiyey, Waa markii Afraad ee ay Jaaliyadani soo caawiyaan  Hooyo Xiis Daahir, iyada oo wadarta guud ee la soo gaadhsiiyey afarta jeer ay dhan tahay  $4700 Dolar [ Afar kun iyo todoba boqol oo Dolar].

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *