Aniga oo ah muwaaddin reer Somaliland ah, had iyo jeerna ka shaqeeya hawlaha samafalka, gaar ahaan arrimaha bulshada intooda badan mooggan yihiin, waxa aan isku xilqaamey lixda bilood ee ka hadhay sannadkan 2012 in aan ka shaqeeyo arrin dan guud ah oo aan aaminsanahay

 

inay muhiimad weyn u leedahay guud ahaan ummadda Somaliland, taas oo ah in la abaalmariyo shaqsiyaadka iyo qaybaha ummadeenna ee qabtay hawlo soocan ee wax weyn ku soo kordhiyey dadkooda iyo dalkooda, laguna qiimayeeyo waxqabadkooda.
Haddaba, 21kii sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay waxa jira dad badan oo horumar iyo waxqabadyo wanaagsan ku soo kordhiyey dalkooda iyo nolosha ummadooda iyo qoka naftiisa si qayrul-caadi ah u dhisay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin:
1. Ganacsiga 2. Tacliinta 3. Samafalka 4. Wax-soo-saarka 5. Shaqo-abuurka
6. Dawlad-wanaagga 7. Xuquuqal-insaanka 8. Maamul-wanaagga
9. Wacyigelinta Diinta Islaamka 10. Kor-uqaadista Ciyaaraha
11. Dhaqanka 12. Suugaanta 13. Nabadaynta 14. Xallinta Khilaafaadka
15. Heshiisiinta 16. Caafimaadka 17. Qoraalka 18. Saxaafadda
19. Daryeelka Carruurta 20. Waddaniyadda 21 .La-dagaalanka Qabyaalada
22. Isku-xidhka Danaha Qurbo-joogga 23. Xubnaha Isu Xilqaamay Samaynta Guur-wadareedyada
24. Isdhexgalka Bulshada 25. Wax-wada-qabsiga
26. Taakulaynta Dadka Naafada iyo Kuwa Laga Tirada Badan Yahay
27. Caddaaladda 28. La-dagaalanka Mukhaadaraadka
29. Badbaadinta Degaanka 30 La-dagaallanka musuqmaasuqa
31. Shaqsiyaadka meel aan wax hore ka jirin hawl ka bilaabay ee horumar weyn gaadhsiiyey oo dan-guud ku jirto
32. Qof wax ka qabtay aafo dabiici ah oo dalka ka dhacday oo loo ogyahay waxtarkiisa
33.Shaqsiyaadka wax ka qabtay ama caawiyey Qaxootiga,dadka ina dhex degan amaba socotada.
34.Daryeelka waayeelka iyo hooyooyinka
35.Horumarinta Afsoomaaliga
36.Horumarinta arrimaha bulshada
37.Ka shaqaynta iyo hagaajinta akhlaaqda iyo asluubta dhallinyarada
38.Horumarinta xoolaha nool, reer miyiga, beeralayda iyo khayraadka badda
39.Tayeynta iyo kor-u-qaadista tignoolajiyadda casriga ah , isgaadhsiinta, wershadaha wadooyinka dadka ka dhexeeya
40.Daryeelka xayawaanka iyo duur-joogta iwm.
Iyadoo dadka arrimahaas ku caan-baxay oo tiradoodu noqondooto 40ka qaybood ee kor ku xusan oo qayb walba laga soo qaadan doono laba qof iyo labataan qof oo naftooda si qayrl caadi ah u dhisay oo hormar weyna gaadhsiiyay dhammaantood tiradoodu noqoneyso 100 qof inta nool iyo kuwa dhimatayba mudan yihiin in lagu maamuuso oo xaflad ballaadhan oo heer qaran ah lagu soo bandhigo waxqabadkoodii, abaalgud iyo xus gaar ah lagu abaalmariyo, iyadoon loo kala eegayn qabiil iyo garasho toona.
Waxa hawsha xulista shaqsiyaadka la abaalmarinayo loo xilsaari doonaa guddi xeel-dheerayaal ah oo isu dheellitiran ah oo ay ka reebban yihiin dano gaara, kuwaasoo qaddiyaddan uga qaybqaadanaya si mutadawacnimo ah.
Shuruudaha looga baahan yahay qofka loo dooranayo shaqsi qaran iyo xubnaha isu sharraxaya guddiga kala saarista tartamayaasha waa inay noqdaan qaar aan weligood dembi qaran gelin.
Qorshaha aan ugu talogalay fulinta hawshan wejigeeda hore wuxuu noqonayaa in dadweynaha reer Somaliland fursad loo siiyo markii u horeysey in ay ka soo talo-bixiyaan qof kastoo ay u arkaan inuu wax muuqda ku soo kordhiyey qodobadda kor ku xusan.
Dadweynaha reer Somaliland waxa fursad loo siinayaa inay rayigooda ka dhiibtaan qof kastoo ay aaminsan yihiin inuu wax weyn dalka iyo dadkaba ku soo biiriyey 21-kii sannadood ee la soo dhaafay, iyagoo asbaabaha ay ku xusheen shaqsiyaadka si hufan u sharxaaya, farriimahoodana ku soo gudbin doono email gaar ah oo barnaamijkani yeelan doono, qiimaynta dadweynaha kadibna waxa loo gudbin doonaa guddiga loo xilsaaray kala-xulista iyo kala-haadinta dadka loo aqoonsan doono inay yihiin qaar taariikhda waddankooda ku suntan oo wax weyn ku soo kordhiyey.
Ugu dambayn, guddigu kala-xulistu waxay ku dhawaaqayaan liiska kama dambaysta ah ee shaqsiyaadka laysku raacay inay mudan yihiin in xaflad qaran lagu maamuuso, laguna abaal-mariyo.
Wejiga labaad ee qorshahani wuxuu noqonayaa amma xambaarsan yahay saddex qodob oo loo samayn doono guulaystayaasha, kuwaas oo kala ah;
1- In qofka ka mid ah shaqsiyaadka la soo xulay ee aan haatan wax shaqo ah haynin ee wax qaban kara ummadda iyo dalkaba looga fa’iideeyo maskaxdooda iyo khibradooda waayo-aragnimo ee guusha lagu gaadhi karo,iyadoo meesha looga fa’ideysan karo lagu tiirin doono, arrintaas oo shaqsiga la sharfayna u horseedi karta niyad-wanaag iyo helista dhaqaale uu u qalma.
2- In dadka la soo doortay taariikhdooda laga reebo, isla markaana loogu daro manhajka waxbarasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ama buug laga qoro;
3- In shaqsiyaadka la sharfay intooda dhintay waxtar xusuuseed loo sameeyo dadka ay ka tageen ee baahan in lala qabto hadba wixii suurtogal ah ee lala qaban karo.
U jeeddooyinkan barnaamijkan miisaanka weyn leh laga leeyahay waa:-
1. In lagu dhiirrigeliyo dhallinyarada dalka inay ku daydaan shaqsiyaadka heerka qaran lagu abaal-mariyey;
2. In shacabka Somaliland noqdaan ummad abaal leh oo xusuusta dadkooda; waxqabadka iyo raadadka muuqda beeray;
3. In loo mahadnaqo dadkaasi intay nool yihiin, kuwa dhintayna loo duceeyo;
4. In ummadda reer Somaliland la baro isu-xilqaanka arrimaha danta guud iyo hormarinta iyo dhiirrigelinta in wax kastaa dadaal ku yimaaddaan;
5. In masuulyiinta qaranku wax ku qaataan arrintan si ay dalkooda iyo dadkoodaba wax ugu qabtaan, uguna tartamaan waxqabad iyo horumar;
6. In aynu ku dayano dadyawga horumaray waxyaabaha u suurtogeliyey guulaha lagu majeerto ee ay gaadheen;
7. Kor-u-qaadista diinteenna suubban ee islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee bulshadeenna;
8. In lagu tartamo hormarku guud iyo kan gaarka loo leeyahayba oo uu muuqdo;
9. In la xoojiyo waddanimadda iyo horumarinta qofka;
10. In laga hortago dhaqanno sillan oo bulshadeennu caadaystaystaan oo qofku caan ku noqdo waxyaabo aan macno weyn lahayn;
11. In ixtiraamka, isqadarinta iyo kala dambeynta bulshada la garawsiiyo;
12. Inay noqoto fursad taariikhyahannadu wax kaga qori karaan shaqsiyaadkaas;
13. In wax laga barto faa’iidooyinka ku jira maamul-wanaagga iyo dawlad-wanaaggu leeyihiin.
14. In hawlaha samo-falka ah ayna koobanin,sida imikaba ay yahiin oo la baladhiyo.
Hawshan oo baaxad wayn leh iyo abaabul xoog leh u baahan inta ka horreysa muddadaas oo ku beegan toddobaadka ugu horreeye bisha Jan ee sannadka 2013-ka lagu dhammaystiro. Sidaa awgeed, waxaan bulshada Somaliland gudo iyo dibadba u soo bandhigayaa inay hawshaas ballaadhan ee baaxadda culayska weyn leh gacan iyo talaba iga siiyaan sidii barnaamijkan taariikhiga ah waddankeenna uga hirgeli laha, runtiina ma aha hawl aan macaash ama mansab ku raadinayo, laakiin waa fikir muddo dheer qalbigeyga ka dhex guuxaysey oo aan si mutadawacnimo ah ugu talogalay inaan ummadayda iyo qarankaygaba ugaga faa’iideeyo,waxayna barmaaajikani ka mid tahay hawlo samofal ah oo la igu yaqaano oo aan qabto. Sidoo kale, aniga iyo kooxda ila shaqaynsaysaba waxa naga reebban doorashada, kala xulashada ama ka mid noqoshada dadka loo aqoonsanayo shaqsiyaad qaran.
Haddaba, cid kastoo fikirka noocan ah ila wadaagta ama ila qabta waxaan ka codsanayaa inay gacan iga siiyaan sidii hawshani danta guud ah u fuli lahaa, taaaso la’aanteed aanan wadi kareyn kaligey, iyadoo xasanaad iyo ajar weyn ku jiro, iyadoo qofkeenna aynu iminka qiimeynaynaa tusaale fiican u noqonayo in jiilka dambe iyaguna is qiimeeyaan, inkastoo waxqabadyo badan oo samafal la sameeyey mudadii 21ka sanno ah haatanna la wado, haddana waxaan aaminsannahay in isxilqaanka, wadajirka iyo iskaashiga guul iyo hourmar lagu gaadhi karo, waxaanan si buuxda u ballanqaadayaa haddii arrintan gacan layga siiyo in aan aniguna hawshan u gudan doono si hufan oo ceeb la’aan ah, midho fiican dhalisa haddii Alle yidhaado.
Haddii aad rabto inaad ka mid noqoto guddida sare ee hawsha kala xulista waxa laga rabaa inaad CV-gaaga ku soo dirto e-mailkan: qofkaagaqiimee@yahoo.com adigoo garawsan in hawshani tahay mid samafal oo u baahan waqti iyo juhdi badan in la geliyo. Sidoo kale, haddaad doonayso inaad qof soo sharraxdo waxaad soo qoraysaa magacaaga oo saddexan, qofka aad dooratay magaciisa oo dhan iyo waxyaabaha aad ku xulatay ee la xidhiidha qodobadda mowduucani ka kooban yahay ee kor ku taxan, qof kastana waxa loo oggol yahay inuu hal markeliya uun codkiisa ka dhiibto arrintan.
Ugu dambayn, dulucda iyo macnaha weyn ee hawshan miisaanka leh xambaarsan tahay waxa weeye; qiimee qofkaaga wanaagsan si aad adiguna qiimo u yeelato, taasoo noqonaysa arrin muhiimad ballaadhan huwan oo dalka iyo dadkaba u horseedi karta in loo tartamo wanaagga, haddii aynu isqiimeyno oo isjeclaano,wax istarno waxa hubaal ah Alle in uu Samadda inoo gargaari doono in badan oo kale,adduunkana cisi iyo sharaf ku wado noolaan doono.Tasina waxa ay horseedi doonta in ay ka baxno dhibaatooyinka baahsan ee wadankeeda ka jira.

Somaliland: Qiimee Qofkaaga si aad qiimo u yeelato! By: Rashiid Sulub Caalin, Hargeysa Somaliland

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *