Marka hore anigoo cabiraya sawirkii ay lahayd maamulkii taladda lagala wareegay soona koobaya inkastoo khaladka aan loo sinayn oo xisbiga UDUB ay ku jireen rag badan oo Somaliland u daacad ahaa taariikh-duna qori doonto, waxaana aragtidayda ku sifaynayaa sheekadan gaaban.Waxa la yidhi, Nin aad u xumaa ayaa wuxu qabay gabadh aad iyo aad u qiimo badnayd,

markii ay in badan wada noolaayeen ayay u adkaysan weyday gabadhii dhibtii iyo hagar-daamaddii  ay mudada ugu dulaysnayd, maalintii danbe ayay go’aansatay  inay ka tagto warqadeedana ka qaadato, taas oo ay u bandhigtay Ninkii xumaa.
Markii uu xaqiiqsaday inay kasii socoto ayuu gabadhii inata uu xadhig ku xidhay, wuxuu bilaabay  inuu qaato go’aan cadawnimo ah, si aan gabadhaa nin kale u hungurayn, isagoo  jaray sanka, dhegaha iyo dibnaha, isla markaana suniyaha ka xiiray, wuxuuna gabdhii oo suuradeedii iyo muuqaalkeedii bedelanyahay yidhi,  “meeshaad doonto qabo.”
Gabadhii oo xaalad xun ku jirta ayaa u dhaqaaqday jihadii ay waalidkeed ku ogayd ee ugu war dambaysay, markii gabalkii dhacay  iyadoo weli rafaadsan ayay ku leexatay Reer marinkeeda ahaa oo meel degan, laakiin nasiib xumo wuxuu noqday Ninkii sidaa u galay ee dhibaatada u geystay Adeerkii oo sodogeed ah. Odaygii markii uu waraystay , wuxuu gaadhay go’aan, isagoo ku yidhi, “Adeer Caawa iyo beriba aniga ayaad ila joogaysaa, Intaa dhaari waxay iga tahay idinkoo isku nooc ah mooyee, idinkoo kala nooca iga tegimaysid.’
Odaygii markiiba wuxuu ciidan u diray ninkii sidaa u galay gabadha, ciidankii xulka ahaa ee soo qabtay, markay keeneen ayuu ku amray inay  xidh xidhaan, wuxuuna yidhi, “Sanka dibnaha, Suuniyaha iyo Dhegaha intii uu inantaa ka gooyay. Ka gooya.”  Arrintaasi markii ay dhacday ayuu yidhi Odaygii Inanta ha la baanto, oo ha la dhayo,  (Dhakhtariyo), isagana Ninkii uu adeerka u ahaa meeshii aad igaga keenteen ku celiya xanuunka ha ogaadee.
Waxaan uga socdaa sheekadaa kooxdii UDUB, Somaliland dad iyo dalba waxaad yeesheen iyo halkaad ku rideen, waxaad ogaan lahaydeen , iyadoo inta laydin qabto laydiin ekaysiiyo, taasina may dhicin. Iminkana waxaan idinkula dardaarmaynaa, cadaw gudaha nala joogaad ahaydeene cadaw  Somaliland debeda wax ka yeelaya ha noqonina. Wanaagna ku ka xaal mariya    Shacbiga masaakiinta ah ee Somaliland ee aad khiyaamayseen oo mara jidkii wanaagsanaa ee uu jeexay madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, xiligii kala guurka iyo wixii ka danbeeyayba.
Beryahan waxa soo baxay dagaal lagula jiro sumcada iyo waaga u baryay Somaliland iyo waxqabadka maamulka cusub ee xisbiga Kulmiye u muujiyay shacabka doortay. Kooxda hawshaa wada ayaa doonay sidii looga hortegi lahaa horumar la gaadho iyo inay fulaan balanqaadyadii xukuumadda cusub iyo arrimo kale. Iyagoo ka dagaalamaya in shacbiga indhaha loo furo oo la tuso nidaamka dawliga ah, taas oo ay u arkaan inay soo saaray sawirkoodii foosha xumaa iyo muuqaalkii dawladii xisbiga UDUB,  iyo cadawtinimadii  ku dheehnayd, markaa si aanay taasi ugu muuqan shacbiga Somaliland inay dagaal la galaan inaan horumarku wada suurta gelin oo aanay ceebtoodu usoo bixin, iyagoo saxaafadda marinaya eedaymo aan sal lahayn oo ku wajaahan xukuumadda maanta talada haysa.
Raggaa waxaan odhan lahaa mucaaradnimadiina ku saleeya xisbiga KULMIYE  iyo wax qabadkiisa, hana kala soocnaadeen  mucaaradnimo cadawga Somaliland ku lamaan yahay ee ka dagaalamaya in la aqoonsado. Geba gebadii UDUB  iyo Afhayeenadeeda waxaan leeyahay dhibaato ka tan weyn ayaad ummada dhaxal uga dhigteene, u dul qaadan mayno mid danbe.
Kulmiyena waxaan leeyahay balanqaadkii xisbigu balanqaaday shacbigiisa haddii uu ku guulaysto, waxay ku salaysnayd in lala kala wareego maamul dhaxal  gal ah oo aad uga tagtaan shacbigiina, hadday adeegyada bulshada tahay, dhaqaalaha caafimaadka  iyo  hadday siyaasada gudaha iyo ta debeda noqotoba. Anagoo og inaad la wareegteen dal qaawan oo deyn aad u miisaan badan aad sidii macdan qodayaasha godku ku dumay xukuumadda cusubi ugu hawlanayd sidii dalka godkaa looga soo saari lahaa.  
By, Cadnaan Maxamed Case

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *