Waxaa xusid mudan in la xusuusnaado dilalkii ka dhacayay Magaalada Laascaanood sannadii u danbeeyay oo ay ku naf waayeen muwaadiniin badani. Waxa dhacayay iyo sababta dadkaa loo laynayay waa laga wada dheregsanyahay , waxaynu ognahay in dhacdooyinkaa foosha xun ee dhagarta ah dad

fara baddan loo qab qabtay ilaa hadana wax si cadaana loogu xukumay aanay jirin marka laga reebo dhawr qof oo dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Somaliland  u horeeyay  Marxuum  Cismaan Yuusuf Nuur oo lagu naanaysi jiray  Af- Qurux (Af-Dh) oo 1 Axadii  1 Nov, 2009, lagu khaarajiyay shirqool badhtamaha magaalada Laascaanood.
Dilkii foosha xumaa ee Nadiifo Col u Joog oo dhaawac halis ahi soo gaadhay markii rasaas lala beegsaday, isla markaana Odaygeedii oo ahaa Taliyaha Sirdoonka gobolka Soolna maalmo ka hor uun la dilay xilgaa, waxa dhacdada dilka Nadiifo loo qabtay dhawr qof oo lagu eedeeyay inay iyagu ka danbeeyeen, ama fuliyeen, kuwaas oo aan ilaa hada Maxkamad lasoo taagin, iyadoo lala xidhiidhiyay dhacdooyinkaa  hore iyo  dilka haweenaydaa Nadiifo-ba  Rag xilal ka haya xukuumadda, kuwaas oo uu ka mid ahaa Maayarkii Laascaanood ee xilka laga qaaday oo waqtigaa la xidhay, balse lagu sii daayay damiin, isla markaana mudo dheer oo uu Maayar ka ahaa halkaa lala xidhiidhinayay ilaa dilkii taliyaha Qaybta 12aad ee ciidanka Qaranka.
Sidoo kale dadka loo qabtay kiiska haweenaydaa waxa ku jiray Wiil uu Abti u yahay Xildhibaan Maxamed Axmed oo lagu naanayso  (Dhakool ) oo markii dhacdadaasi dhacday fasax ka qaatay golaha wakiilada, iyadoo aan ilaa hada la garanayn meel uu ku sugan yahay xidhibaan dhakool. Sidaa awgeed waxa xukuumadda Siilaanyo looga fadhiyaa inay dadka soo hor dhigto waxay ku qancaan. Golaha wakiiladana waxa looga fadhiyaa inay Ummada u sheegaan halka uu ku danbeeyay Xildhibaan Dhakool.
By, N. M. Axmed  Somaliland Hargeysa

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *