qoraal2

Waxaa is waydiin mudan maxay kala yihiin saddexdan shay bal mid walba aan gaarkiisa u sii macnayno.

Salaadaha aynu tukanayno waqti kasta waa muhiim inaynu aqoon badan u lahaano sidii ay inagaga ansaxayso.

Salaada marka uu qofku tukanayo waa lagama maarmaan in uu ogaado saddex shay waxay yihiin Arkaanta Salaada, waajibaadka Salaada iyo sunanta sallaada.

Waxa is waydiin mudan maxay kala yihiin sadexdan shay bal mid walba aan gaarkiisa u sii macnayno

Rukun= wuxuu yahay shay haddii la samayn waayo sallaadii aanay ansaxayn oo ay burayso sujuudu sahwina aan lagu kabbi karin.

Waajib= waa shay haddii looga tago si badheedha sallaadu ku burayso, hadiise looga tago si ilow ah ama aqoon la’aana lagu kabbi karo sujuud sahwi.

Sunanta salaada= waa shay haddii laga tago, ama la ilaawo aan lagu kabayn sujuud sahwi oo sallaadiina ansaxayso.

Haddaba aan eegno mid kastaa qaybaheeda aan ugu horaysiiyo

I.      Arkaanta Salaada.

Arkaanta salaadu waa 14 rukni iskuday inaad xafido

1.      Sarajoog lagu tukado salaada faralka ah.

2.      Takbiirta lagu xidhanayo (Takbiiratul ixraam)

3.      Akhrinta Faatixada,

4.      Rukuucda

5.      Rukuucda oo laga soo tooso (ictidaal).

6.      Sujuuda (todoba xubnood ka sujuud wejiga, labada gacmood labada adin, labada ruug).

7.      Ka soo fadhiisadka sujuuda.

8.      Fadhiga u dhexeeya labada sujuudood.

9.      Ataxyaadka ugu danbeeya.

10.  Fadhiga Ataxyaadka u danbeeya.

11.  Nabigoo lagu saliyo ataxyaadka dhexdiisa scw.

12.  Tartiibta Arkaanta oo la ilaaliyo siday u kala horeeyaan.

13.  Arkaanta salaada oo lagu xasilo rukni kasta (Dumaaniina).

14.  Labada salaamad naqsi.

II.            Waajibaadka Salaada.

Waajibaadka salaadu waa 8 waajib hadii qofku uga tago si badheedha way buraysaa salaadii , hadiise uu uga tago ilow ama aqoon la’aan waxaa lagu kabbaa sujuud sahwi waana kuwan :

1.      Dhamaan Allaahu akubar waa waajib marka laga reebo Alaahu akubar-ta lagu xidho oo ah Rukun.

2.      Subxaan Allaah rabil cadiim oo ah kelmada la yidhaaho waqtiga rukuucdda.

3.      Samica Allaaahu Liman xamidah waa kelmada la yidhaaho waqtiga laga soo toosayo rukuucda.

4.      Rabanaa wa-lakal Xamdu oo la yidhaaho waqtiga laga tooso rukuucda.

5.      Subxaan Allaah rabiyal aclaa oo la yidhaaho waqtiga sujuuda.

6.      Rabiqfirlii oo la yidhaaho labada sujuudood dhexdooda.

7.      ATaxyaadka hore.

8.      Fadhiga ataxyaadka hore.

Sunanta Salaadda.

Sunanta salaadu waa 37 sune waxaan ku sheegi doonaa casharka danbe insha alaah.

Hussein Jama Guudcade

Diintuwaanasteexo1@gmail.com

Diintuwaanasteexo.blogspot.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *