Hargeysa (ANN)Ururka SOHACSO, ayaa 60 dhallinyaro oo isugu jira wiilal iyo gabdho  uga furay magaalada Hargeysa tababar lagu baranaayo xirfadaha Dawaarka iyo nijaarnimada. Xaflada furitaanka tababarkaa oo

shalay ka dhacday xarunta ururka SOCSA ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax iyo Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) oo ka mid ah musharaxiinta golaha deegaanka ee Hargeysa uga sharaxan urur-siyaasadeedka DALSAN,  masuuliyiinta ururka SOHACSO iyo dhallinyarada tababarkan loo furay.
Tababarkan Farsamada gacanta lagu barayo  dhallinyarada waxa maalgelisay safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi, waxaana hirgelinaya ururka SOHACSO, kaas oo socon doona muddo shan bilood ah.
Guddoomiyaha ururka SOHACSO Mr. Saleebaan Faarax Habane, ayaa isagu dhallinyaradaa ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan tababarka loo furay, isaga oo la socodsiiyey in lagu kormeeri doono siday wax u dhigtaan, isla markaana inta si fiican u dhammaysata shaqo abuuris loo samayn doono.
Mr. Maxamed Axmed Jaamac oo ka mid ah musharaxiinta cusub ee ururka DALSAN uga sharaxan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa isagu dhallinyarada ku dhiirigeliyey inay ku dedaalaan barashada xirfadaha kala duwan si ay ugu shaqaystaan dalkoodana wax ugu soo kordhiyaan, waxaannu tilmaamay in loo raadin doono shaqo ay ku dul tababartaan markay dhammaystaan tababarkan.
Agaasimaha dalada Dhallinyarada ee SONYO Mr. Siciid Maxamed Axmed, ayaa isagu u mahadnaqay ururka SOHACSO aadna dhallinyarada ugu dhiirigeliyey inay u baydhaan barashada xirfadaha.
Agaasimaha Guud ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Mustafe Maxamed Qodax, ayaa isagu shaaciyey in xukuumadoodu ku tala jirto samaynta man-haj  iyo dugsiyo u gaar ah farsamada gacanta, kuna amaanay SOHACSO tababarkan ay ardayda u fidiyeen.
Mr. Mustafe Qodax waxa uu daboolka ka qaaday in dhallinyaradu shaqo kala heli lahayd, hadday baran lahaayeen farsamada gacanta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *