Hargeysa (ANN)- Xaflad ballaadhan oo loogu tala galay furitaanka tababar dhinaca culluumta kala duwan ee saxaafadda ah oo muddo lix bilood ah la bari doono arday tiradoodu gaadhayso 100, ayaa maanta lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.Tababarka
ardeydan oo qayb ka ah barnaamijka Shaqodoon ee ay maaligaliso hay’adda EDC, isla markaana hirgelinayso Jamhuuriya Media Group, waxa ka  qaybgalay Wasiirrada  Warfaafinta, Waxbarashada,  Badhasaabka Gobolka Hargeysa, Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, masuuliyiin ka socday hay’adda EDC, Bahda Jamhuuriya Media Group, ardeyda iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Xasan Siciid Yuusuf oo munaasibadaas hadal ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada tababarkan, isaga ugu horreyn u mahad-naqay hay’adda mashruucan maalgelisay ee EDC.
“Ardeydani waxay qaadan doonaan culluumta kala duwan ee saxaafadda, sida maamulka iyo maareynta saxaafadda, suu-geynteeda, sawir qaadista, casharadda u aasaaska ah saxaafadda, saxaafadda oo takhasuus dhammaystiran ah, Light and design,” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.  Isaga intaa ku daray in aanay Jamhuuriya ahayn hay’ad samafal, balse ay doonayso inay kobciso mihnada saxaafadda oo ay soo saarto dhallinyaro xirfad leh, kuwaas oo ku shaqaysta xirfadaha kala duwan ee saxaafadda waxannu yidhi’ “Hay’adda Jamhuuriya maaha hay’ad samafal, balse waa hay’ad madaxbannaan oo doonaysa inay kobciso saxaafadda xorta ah, isla markaana soo saarto dhallinyaro khibrad u leh xirfada warbaahinta ee kala duwan. Waxaannu doonaynaa in aannu soo saarto dhallinyaro khibrad u leh warbaahinta, warbaahintuna maaha oo kaliya idaaccad laga hadlo iyo Jaraa’id la qoro oo kaliya, balse Saxaafaddu waxay leedahay qaybo kale oo muhiim ah.”
Guddoomiye Xasan Siciid, waxa uu sheegay inay qiimayn iyo dabagal dheeraad ah ku samayn doonaan ardeyda tababarkani u furmaayo muddada uu socdo. Si ardeydu uga faa’iidaysteen iyo halka marka uu tababarku dhammaado ay ku dambeeyaan.
Maareeyaha Guud ee Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil, oo isna xafladaa ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlaha uu wargeysku qabto iyo taariikhdiisa. Waxa kale oo uu sheegay inay ardeydani yihiin dufcadii labaad ee ay tababarkan u fidiyaan, isla markaana ay mashruucan shaqa doon hore u fuliyeen sannadkii 2009, iyaga oo la kaashaday hay’adaha EDC iyo US AID, mashruucana uu ka mid ahay barnaamijka Shaqodoon ee dhalinyarada loogu abuurayo fursado iyo xirfado shaqo.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka UCID Md. Faysal Cali-waraabe oo madashaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu goob-joog u noqdo tababarkan iyo kii ka horreeyey ee Jamhuuriya Media Group qabtaan, waxaannu guddoomiyuhu ka waramay maraxaladaha saxaafadda oo uu sheegay inay ku yaryihiin suxufiyiinta khibrada u  leh mihnada saxaafadda.waxaannu Eng. Faysal Cali-waraabe sheegay in barnaamijka Shaqadoon yahay mid fursad u furaya dhalinyarada, si loo yareeyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.
Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, isla markaana ah Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in loo baahan yahay in waxbarashada dalka lagu daro farsamada gacanta, isla markaana wax laga beddelo tacliinta dalka, waxaannu yidhi; “Waxaynu u baahanahay inaynu tacliinteena wax ka beddelno, maadaama maanta tacliinta Samsam (wasiirka waxbarashadda) loo dhiibay, waxaan filayaa wixii ay wasiiro hore soo qaban kari waayeen inay qabato. Tacliinteena waa inaynu u beddelno tacliin farsamo ah oo gacan ah oo innanku marka uu dugsi sare ka baxo uu shaqaysan karo. Innaga markuu uu innanku ka baxo dusgi sare ma shaqaynsan karo. Waayo wuxuu bartaa waa wax qoraal uun ah, waana arrin khatar ah oo u baahan dhaqaale.
Waxaan qabaa in tacliinteena dib loo beddelo oo dugsiyada fasalka 7aad ilaa dusiga sare laga billaabo aqoonta farsamada gacanta. Innanku marka uu farsamo barto isagaa loo baahan yahay. Waxaan leeyahay dhallinyaradeena ha caajisina oo wax barta, maalintaad aqal-gasho wax badan ayaa kaa kala daadanaya.”
Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu hadal iskugu jirta kaftan iyo talo u soo jeediyey ardayda Jamhuuriya tababarka u furay, waxaannu sidoo kale ka waramay awooda ay leedahay saxaafaddu, isaga oo ku tilmaamay saxaafadda mid ka awood badan hubka wax dilla, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi ;“Xafladeena dhallinyarada joogta, horta bahalo kamarada ah ayaa lagu rakibayaa oo kaftankiiba laguu diidayaa, haddii aad wax odhan lahayd oo guryihii ayey ku soo daynayaan adigoo wax iska yidhi, markaa waan iska odhanayaa.
Markii uu Xasan Siciid (Guddoomiyaha Jamhuuriya) yidhi 100 suxufibaan tababarayaa, waxaan idhi waar heedhe Xasan Siciid, Faysal Cali, Ducaale iyo Ina Cabdi Shide ayey wixii aan oggaa idin kala gaadheene oo mararka qaarkood ay gaadhay in Xasan inta dooxa lala tago la yidhaa waannu ku dilaynaa ee qallinkan naga daa, bal markuu 500 boqol kugu soo saaro tallow siday wax noqonayaan baan is idhi.
Qorigii waxa ka xannuun badan oo qoladiinan dhallinyarada ee Xasan Siciid kaw ka yahay aydaan ogayn, canjalada iyo kamarada yar ee aad sidataan marka afka lagaa galiyey  qori kugu soo dhacaya way ka xoog badan yihiin, kolkaasa iyadoo markii hore loo taag la’aa’ afar qof, iminkana aad kumanaan nagu soo saarteen side la idinka yeeli doonaa.”
Ku-xigeenka agaasimaha wadanka ee Hay’adda EDC ee mashruucan maalgelisay Mr. Cabdi Xaashi oo isna xafladaa ka hadlay, ayaa sheegay in hay’addoodu ka shaqayso dalal badan oo caalamka ah, isla markaana ay ku sugnaayeen dalka Somaliland lixdii sannadood ee u dambeeyey, iyaga oo mudadaas hirgeliyey barnaamijkan Shaqodoon. Waxaannu xusay inay hadda qorshaynayaan sidii ay hadda u hirgelin lahaayeen barnaamijyo kale oo ay ku jiraan sida ay dhallinyaradu u maarayn lahayd dhaqaalahooda, kaas oo lagu qaadan doono tababarkan ay fulinayso. Waxaannu sheegay inay ka shaqeeyaan saddex gobol oo Somaliland ah.
“Iminka waxaannu tababaraynaa 100 oo ay tababari doonto Jamhuuriya, waana mid ka mid ah hay’adaha nala shaqeeya, horena waxaannu ugu maalgelinay Jamhuuriya oo ay tababartay 65 ardey oo iminka ka kala shaqeeya dhammaan warbaahinta kala duwan,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo madashaas ka hadashay, ayaa si weyn u soo dhawaysay barnaamijkan lagu tababaraayo dhallinyarada, isla markaana shaqada loogu raadinayo, kaas oo ay sheegtay in uu qiime weyn ugu fadhiyo sidii ay shaqo u heli lahaayeen da’ yartu. Waxaanay marwo Samsam tilmaantay inay wasaarad ahaan ku hawlan yihiin sidii ay waxbarashada ugu soo dari lahaayeen farsamooyinka kala duwan ee dhinaca gacanta.
“Waa loo baahan yahay inay dhallinyaradu xirfado yeelato, laakiin iyana tahay inay barbar socoto inay xirfadaha ay baranayaan ay noqdaan kuwo ay shaqo ku heli karaan, waayo waxaad aragteen dhallinyaro fara badan oo jaamacadaha ka soo baxay, isla markaana aan shaqo helin.
Shir aan annigu wasaaradayda ku galay waxaannu kaga hadlaynay sidii loo soo celin lahaa xarumaha tababarka ee shaqooyinka iyo xirfadaha, waxaan jeclahay in had iyo jeer suuqa la eego oo kormeer la sameeyo oo la eego tababarada iyo xirfadaha ay u baahan yihiin dhallinyaradu.
Jamhuuriya waa qoladii ugu horreysay ee saxaafadda ka hawlgalay oo runtii waayo-aragnimo badan leh oo dhibaato badan soo maray sida uu Xasan Siciid sheegay, aniguna aan joogay maxkamadda isaga oo la xukumayo, waxaanan rajaynayaa in uu khibradiisii ku saleeyey. Waxaan anigu rabaa in laga baraan dego xirfadaha nolosha qofka ku salaysan intaa tababarka ay ku jiraana la baro waxay noloshooda ku maareeyaan,” ayey tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadlay xafladda loo qaybtay 100-ka arday ee la barayo qaybaha kala duwan ee mihnada saxaafadda, ayaa mahadnaq u jeediyey hay’adda tababarkan maalgelisay, isla  markaana ardeyda ku boorriyey inay tababarkan si fiican uga ‘faa’iideystaan, waxaannu yidhi;“Waxaan aad ugu mahadnaqayaa hay’adda tababarkan inoo furtay ee rabta inay ina gaadhsiiso heer jaamacadeed, ardeydana waxaan leeyahay waxaad haysataan wakhti fiican oo aad ka faa’iideysan kartaan oo aad wax ku barataan, isla markaana saxaafadda aqoon iyo cilmi ku soo kordhisaan. Sidaad og tihiinba aqoontu iyadaa dadka albaabada u furta, anigu wasaarad ahaan waxaan aad u soo dhawaynayaa aqoonta.
Waxaan u mahad-naqayaa Jamhuuriya oo ahayd saxaafada qudha ee jirtay markii uu dalkani samaysmay waannu la shaqaynay si wanaagsana waannu ula shaqayn jirnay, waana la maagi jiray oo waxa la odhan jiray waa mucaarid, Jamhuuriya, mucaarid may ahayn oo sidii ugu habboonayd ayey wax u qori jireen oo ahayd in sharciga lagu dhaqmo, aadbaynu u neceb nahay haddaynu reer Somaliland sharciga, waxaana uu dal ku jiri karaa waa sharciga,” ayuu wasiirka warfaafintu ku soo gunnaanaday hadalkiisa.
Maaha markii u horraysay ee Jamhuuriya Media Group oo kaashanaysa hay’adaha EDC iyo USAID ay fuliso tababarkan oo kale, balse sannadkii 2009 ayey mashruucan oo kale fuliyeen, iyada oo ardaydii xilligaa wax la baray hadda ku shaqaystaan xirfadihii kala duwanaa ee la baray.

Araweelonews Mobile
Somaliland Offcie
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *