images/stories/cbfols.jpg Gumeysigii wuxu dadka af somaaliga ku hadla u kala qaybiyey shan qaybood oo kala ah,1. British Protectorate oo ah gobolada Somaliland,
2. Somali Colony oo qaybtu Talyaanigu gumeysan jirey

3. French Somalilland oo Jabuuti ah, Faransiiskuna gumaysan jirey

4. NFD oo ah gobolada Somaliyeed ee la hoos geeyey Kenya

5. dadka somaliyeed ee la hoos geeyey Ethiopia .

26 June 1960 ayey Somaliland gobonimadeeda ka qaadatay Ingiriiska, maalintaas waxa Somaliland laga dejiyay  calankii isticmaarka, waxaanna laguna bedeley calanka shanta Somaaliyeed.

Waqtiga waxa bilaabmay dhaqdhaqaaqyo iyo  yididiilooyin hr leh oo ay  qaateen dadyawga Qaaradaha Aasiya iyo Afrika ee ku hoos nool isticmaarka in ay heeryada iska rogaan,  Shan cisho ka dib 1960kii waxa xoroobey qaybtiiSsomaaliyeed ee Talyaanigu gumaysan jirey oo aynnu kula midoonay calanka shanta gees leh. Midowgaa aan shuruuda lahayn waxa u sabab ahaa shacbiga reer Somaliland oo jibbaysnaa hogaaminaayeyna is raaca labada qaybood.

Dhinaca kale ee Somaliland la midooday may qabin qiiradaa culus iyo u hilow xoogaas leeg waxa laga hayaa dadka Xamar dega qaar ka mid ah, marka siyaasiintii reer Somaliland halkaas tageen iyaga oo wafdi ah oo la yidhi waa qaybtii labaad ee shanta somaliyeed wuxuu ku jawaabey ninkii Xamar joogay ‘maxay tahay shanta somaliyeed? Abgaal cusman ayaa ba sagaal ahe’. Siyaasiinta reer Somaliland iyo qaar kamid ah shacbiga ayaa ku taliyey bal aynu lix bilood ka joogno oo aynu is barano. Haseyeeshe lagama maqal oo waxaa loo hanweeyna midowga shanta Somaliyeed oo wadaaga calanka leh xiddigta shanta gees.

Qaybtii saddexaad ee Somaliyeed waxay xoriyadeeda qaadatay 27 June 1977, waa Jabuuti oo iyagu ku tashaday gooni isu tag aanay ku dhicin dabinkay Somaliland ku dhacday, Jabuuti waxay qaadatay calan u gaar ah kuna tashatay in ay ka fogaato calanka Somaliweyn. Taasi waa ta keentay in Somaliyada fashilantay ee Xamar aanay ku murmin Jabuuti waa qayb ka mid ah Somalia.

Somaliland waxay gashay dagaal qaatay toban sanno oo uu hogaaminaayo ururkii xaq u dirirka ee S .N .M uu la galay taliskii uu madaxda ka ahaa keligii taliye Maxamed siyaad Barre oo xasuuq iyo duqayn u geystay dadka reer somaaliland, kaasoo khasaare ballaadhan oo naf iyo maalba leh ka soo gaadhay dadka reer Somaliland, balse aakhirkii waxay ku guleysteen in ay jibiyaan oo laga eryo dhammaan ba dalka Somaliland.

May 18 keedii 1991 ayaa dadyaawga reer Somaliland shir ballaadhan ku qabsadeen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Waxa shirkaa ka soo qayb galey dhammaanba gobolada somaliland oo ka koobnaa Boqoro ,Garaado,Salaadiin,Ugaasyo,Cuqaal ,Ciidanka iyo saarakiishooda,Culamaadiin iyo waxgaradka reer Somaliland iyo weliba cid allaala ciddi kale taladu ka goaayso. Soddon sanadood ka dib waxay dadku fursad u heleen in iyaga oo isku dhan ay mar labaad aayahooda ka tashadaan .

Waxa shirkaa go’aan lagu gaadhay lana saxeexay in dib loo la soo noqdo xorriyaddii iyo madax bannaanidii 26 june1960 iyo gooni isu taagii Somaliland.

Shacbigu wuxuu madax bannaadiisa isagu isku ictiraafay markay aftidii loo qaaday gooni isu taaga Somaliland ku codeyeen 97%. Sidaa daraadeed gooni isu taaga Somaliland wax gorgortan geli kara maaha . Kooxda ama ashkhaasta uu dhashay Somaliland ee ka noqday gooni isu taaga, iyaga ayuun ba xamar tegey ee dalku wuu joogayaa .Ummadda reer Somaliland haddii ay lixdankii gobonimadii afar maalmood ka dib ku darsadeen dad aanay garaneyn, labaatan sanadood oo ay Somaliland dib u hanatay xoriyadeeda, ku darsan mayaan dad ay 30 sanadood isa soo barteen. Guntii iyo geba gebadii waxaan leeyahay “Somaliland waa qayb ka mid ah Somalia waa habeen xalay tegey”

Cabdi Xuseen Maraykan (Cabdi Flosy)

abdi.yusuf@hotmail.co.uk

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *