Sida aynu wada ogsoonahay waxaa dhawaan midoobey shirkadihii laydhka ee magaalada burco kuwaa soo laga dhigey shirkad kaliya oo la magac baxdey HECO hadaba
ujeedoooyinka ka danbeeya midawgan shirkadaha laydhka ayaa ah shirqool la doonayo in lagu dhagro shacabka weynaha reer togdheer waxaa kasii daran iyadoo durbadiiba ay shirkada HECO bilawdey hadimooyinkii shacabka ee loogu midoobey kuwaas oo aaney suurto gal ahayn markii hore laakiin hadda maadaama aaney jirin shirka kale oo laydh, oo hadda kooto ku haystaan laydhka magaalaada burco ay suurto gal tahay in la fuliyo arinkas oo ay doonaan
waxyaabaha ama dhibaatoyinka horta leh
WAXAA KAMIDA:-
1. In la bedelo saacadihii Germany ga ahaa ee mudadada 10 sano ah u xidhnaaa oo laga bedelayo dhamaan guryihii magaalada
Waxay HECO durbadiiba bilawdey iin ay ka jaraan xaafadaha magaalada dhamaan saacadihii Germany ahaa (ORIGINAL) ahaa iyadoo dadkii lagu qasbey iney xidhaan saacado CHINES ah oo ay ka dalbadeen chine kusaas oo ah saacado khalkhal ah isla markaana qoraaya UNITS aad ubadan si gaar ah loogu soo sameeyey shirkada HECO iyogoo lamidoobey dukaamo magaaalada ah oo ay dhiiban saacaahadan si looga iibsado
2. Lugooyada shacabka oo badatey iyadoo dadkii saddex xafiis ku dhex jaahwareereen
Waxaa hoos udhacay adeegii ama service kii shacabka ee shirkadaha laydhku usamayn jireen dad weynaha maadaama uu laydhkii isu bedelay kooto waxaa muuqata in aan wax dan ah laga laheyn dadka oo ku dhex jaahwareerey sadex xafiis oo midba mid ku riixayo iyo dadkii oo aan si fiican loo qancinayn.
3. 1500 oo guri oo laga jarey adeega laydhka muddo 3 bilood gudahood sabab la,aan.
Muddo aad u kooban ayaa waxaa lagaga jarey guryo gaadhaya ilaa 1500 oo gurri sabab tuna ay tahay in ay saacadahoodiii hore ku bedelaan markey waydiiyeen sabab looga jarayo saacadihii horena loogu jawaabey in adeegii laydhka laga jarro.
4. Caggo juglayn joogto ah.
Maadaaama ay dadka reer soomaliland ay yihiin dad masaakiin ah oo aan ahaysan dhaqaale badan noloshooduna ku tiirsan tahay xoolaha iyo biilka laga sooo diro qurbaha kuwaas oo aan kafaynayn nolosha dadka reer Somaliland waxaa jirey in aan waxba haysan had iyo goor lagu yeesho hadhaa taas oo ay hadba siday ukaran u bixiin jireen waxaaney lagu yeelan jirrey macaamiisha lacag udhexeysa $15 ilaa $150 waxay shirkandan HECO ku qasabtey in lacagtii lagu lahaa ay dhamaan soo bixiyaan hadii kale laydhka laga jarayo sida ugu deg degga badan.
Abdi Sugaal
sugaal47@gmail.com