Burco iyo Awdal mooyee maanta Dalka intiisa kale waxaa ka taagan dhibaato aad u laxaad weyn. Waa dhibaatooyin iyo Mashaqooyin  is bahaystay, oo la isku yidhaahdo “Bah Caddaalad Darro”. Arrintan Mililka iyo Hurgumooyinka soo wadata ayaan ilaa iminka dadka badankoodu

dareensanayn Cawaaqib xumada ay ku yeelan karto Midnimada iyo Goonni –Isu- Taagga Somaliland.

Dhibaatooyinka maanta Dalka ka aloosan ee “Bah Caddaalad Darro” keentay ayaan ahayn kuwa ugub ah, balse ahaa soo jireen mar walba aafaynayay, haddii ay tahay Gobolada Qaarkood iyo haddii ay tahay Garabyo iyo Shakhsiyaad gaar ahba. Meelaha ay caddaalad Xumadu aafaysay waxaa ka mid ah Gobolka Sanaag (ama Ceerigaabo). Gobolkaasu wuxuu la soo noolaa Aabaha iyo Hooyada Caddaalad-darrada, ilaa uu gadhey heer uu dareemi waayo dhibaatada Musuq-maasaqa, isla markaana kala  garan waayo “Maxaa caddaalad ah” maxaase “Caddaalad- darro ah”. Waxaa xikmad ahaan loo isticmaalaa  “Nin qoyani” biyo iskama dhawro, laakiin u dareen la’aanta Ceerigaabo dhibta musuq-maasaqa iyo Caddaalad-darradu leedahay, waxaa la oran karaa “Nin caddaalad-darro soo ridatey, Musuq-maasaq waxba ma yeelo”.

Gobolka Sanaag (Ceerigaabo) waa Gobolka ugu  baaxadda weyn gobolada Somaliland oo dhan. Marka baxaad ahaan laga eego, isla markaana baaxadiisa la bar-bar dhigo Gobolada kale ee Somaliland oo dhan wuxuu ka noqonayaa 47% (Boqolkiiba  todoba iyo afartan), halka marka Gobolada kale la isku darana ay ka yihiin guud ahaan 53% (Boqolkiiba saddex iyo konton). Marka dhinaca kale laga eego ee laf-Dhabarta Dhaqaalaha S/L, waa Gobolka ugu Xoolo Badan, uguna daaqsimaha wanaagsan. Waa Gobolka Illaahay ku mannaystay Khayraadka Dabiiciga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dur-durada aan Gu’ iyo jiilaal kala go’in.

Sidoo kale waa gobolka  ay ku yaaliin meelaha Somaliland ugu dalxiiska wanaagsan, Meelaha ugu Beeyo badan, Meelaha ugu Sibidhka badan iyo Darrada laga sameeyo Ranjiyada (Paint), Meelaha ugu Dhuxul-Dhagaxda badan. Waa Gobolka ugu Xeeb dheer.
Sanaag waxa kaloo ay leedahay Dhul Dabeeci ah oo ku wanaagsan in loo isticmaalo Dekedo (Natural Harbours), Weliba Gobolada badankoodu kaga kaaftoomi lahaayeen Dekadaha habeenada iyo maalmaha loo socdo ee ay ka mid tahay Dekedda Boosaaso.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Marka laga soo bilaabo Dawladdii Aden Cadde, Tii Cabdi Rashiid  iyo Tii Siyaad Barre, Waxaa gobolka lagu waday Siyaasad dhinacaysan oo xaasidaysan  oo ficilaysan, taas oo jeedadeedu ahayd inay sidaa ku indha la’aato intii ay indhaha ka tuuri lahayd Gobolo kale.

Inkasta oo Xukuumadda Maanta ka jirta Somaliland dareensantahay in waqti badani u hadhsanyahay, haddana  Xukuumaddihii hore waxaa waqtigu kaga dhammaaday siday u lahaayeen Gobolka Sanaag, “ANAA JAC LA MAAGGAN” Ninkii jirey wuxuu yidhi “SADQADAAN CUNI DOONO SANSAANKAAN KA GARTAA” ; Waxaan uga jeedaa inta ay jiraan: Madax Dhaqameed laga daba rarayo Madax dhaqameed kale, Inta ay maqantahay Wada shaqayntii iyo arrimintii Xil-Dhibaanadii laga soo doortay, Inta lagala dagaalamayo Wasiirro u arrimiya, Inta Badhasaabada debedda looga keenayo iyo inta shicibka lagu kala seexinayo taxliisha aan tufta Caafimaadka  lahayn ee Ceerigaabo ku soo gaadha laba ilaa saddexda caana maal.

Arrimuhu inta ay sidaa yihiin waxaan tallo ahaan ku soo gunaanadayaa, Reer Sanaagoow Samirkaad Lahaan Jirteen ku suga Inta La Gaadhayo Muddo Kordhinta Madaxweynaha, Mudane Ahmed Mohamed Siilaanyo  si uu uga dhabeeyeo una  dhammaystiro Ballan qaadyadiisii ay ka mid ahaaeen, isku xidhka Waddada Ceerigaabo iyo Burco, taas oo Madaxweyne kasta oo la soo doorto ballan qaadyadiisa ka mid ahaan jirtay, laguna dooran jirey, hase yeeshe ku dhamaata riyo aan romoobin.

Waa Billaahi Towfiiq

Ahmed Shire (Baandheeye)

Yufle1@hotmail.com

Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *