Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha gobolka Oodweyne ee Somaliland Marxuum Eng Maxamed Gahayr Xirsi oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa ayaa ayaa  maanta si heer qaran  ah loogu aasay Magaaladda Hargeysa, iyadda oo aaska  marxuumka ay ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin

 

ka tirsan Golayaasha qaranka iyo gudida doorashooyinka, kuwaas oo  qaarkood ka sheekeeyeen marxuumka iyo kaalinta uu ku lahaa Somaliland.
Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka qaybgalay aaska ayaa si kooban uga hadlay taariikhdii marxuumka , wuxuuna  ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi.
Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa kale oo uu tilmaamay in marxuumku kaalin muhiim ah ku lahaa dedaalkii loo soo maray Somaliland nabadgalyadeeda, waxaanu ILAAHAY uga baryey inuu janadii Farduusa ka waraabiyo.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii marxuumka, waxaanu tilmaamay inuu ka mid ahaa shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee shaqadooda daacada u ah u guta. Wuxuuna  ILAAHAY uga baryey  Marxuumka inuu janadii farduusa ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.
Sidoo kale Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  tacsi u diray Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan bulshada  Gobolka Oodweyne, isagoo  ka tacsiyeeyay Geerida ku timi  Marxuumkaa oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka Oodweyne MARXUUM MAXAMED GAHAYR XIRSI oo shalay gelinkii danbe 02.10.2011.ku geeriyooday magaalada Hargeisa.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryay  Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *