Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Baanka Gabilay, Xasan Nuur Xirsi, ayaa ka jawaabay maqaal lagu qoray wargeyska Saxafi, kaas oo baanka Gabiley lagu eedeeyey in la boobayo lacagtii baanka taalay, balse uu arrintaa beeniyey guddoomiyuhu.

 

Guddoomiyaha Baanka Gabiley waxa uu sheegay in aanay jirin wax  lacag  ah oo la iska qaadanayo oo la iskala baxayo, balse ay jirtay lacag dayn ahayd oo ay ku lahaayeen laba xildhibaan dawlada hoose ee Gabiley, kaas oo maxkamada gobolku amar fulineed oo ay soo saartay ku amartay guddoomiyaha Baanka inuu bil walba lacagta daynta ah ee labadaas xildhibaan looga saaro Banka, xildhibaanadaa  oo hore lacag dayn ah ugu lahaa dawlada hoose ee gebilay.
Guddoomiyaha Baanka Gabiley, Xasan Nuur Xirsi oo u waramayay  Saxaafada  isagoo jooga Magaalada Gabiley, ayaa beeniyey eedaas loo soo jeediyey baanka Gabiley, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrintan ay nimanku joornaalka ku qoreen ee ay leeyihiin hanti ayaa la boobayaa, hanti la boobayaa anagu ma hayno, saxeexa Rayaale ee ay sheegeena waxba kuma bixino, xukun maxkamadeed marka ay maxkamadu ay fulin soo samayso, labada nin ee waraaqaha ku qorani waa laba xildhibaan oo golaha Deegaanka ee Gabiley ka tirsan, mid waxa la yidhaa Maxamed Cumar warsame oo lix milyan ayaa loo xukumay in bishii looga jaro dawlada Hoose, ka kalana waxa la yidhaa Ibraahim Aw Aadan Cabdalle ninkaasna sideed Milyan ayaa loo xukumay, mid maxkamaddaha oo dhan ka soo dhamaaday oo fulintii ugu dambaysay la noogu soo gudbiyey weeye, anbiilka dawlada hoose kama soo qaadin oo may odhan, waanu ka doodaynaa arrinkaa dib noogu dhiga.”
Xigasho Wargeyska Saxafi

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *