Qalinkii: Muuse Jaambiir.

Magaciisa wanaagsani waa Rashiid, laakiin wuxuu uga dhego-nugul yahay oo loogu yeedhaa Tuke oo ah naanays uu ku caano-maalay. Joogiisu wuxuu u dhexeeyaa dherer iyo gaabni. Midabkiisu waa madow dugul ah oo dhalaal weheliyo. Timihiisu waa buuxaan oo sida

 rag badan oo aynigiisa ah oo qurba-joog ah haleeshay, weli kama daadan. Waa Afartan jir  jidhkiisu buuxo, laxaadkiisuu u dhan yahay oo aan kala dhantaalayn, muruqyada goostay oo markaad aragto qaab-dhismeedkiisa aad xasuusanayso feedhyahaynkii (Mike Tyson) dheg qaniinka ku danbeeyay ee wacdarihiisu dunida ka yaabin jireen, maalmihii xidigiisu noollaa. Waa hadal yaqaan haasaawaha godkiisa hela oo intiisa hub-qaad ku leh.
Dadka qaar baa tusmada weedha ay odhanayaan ku rafta oo hadalka calaaliya, balse Tuke Carrab toosan oon muruq dalab u yeelaa wehelin ayaa Eebbe ku galaday. Meesha uu ka sheekaynayo way adag tahay in cid kale la dhegaysto, xitaa haduu iska aamuso waxa kelifa asxaabtiisa oo aad uga hela mudaakirooyinkiisa.
Madadaalo, maad, kaftan, jareexo, dacaayad, run iyo been midna kama madhna sheekooyinkiisa. Hadalku wuxuu u baahan yahay Hu’ oo kuma fiicna qaawanaanta, sida dadkuba aanay ugu wanaagsanayn. Si kale hadaan u dhignana waxaan odhan karnaa; hadalku markuu qaawan yahay ee Hu’ga laga saaro wuxuu la mid yahay qof qaawan. Sida Soortaba marka la karinayo loogu daro dhiro badan oo macaanka dhadhankeeda kor u qaada, ayaa hadalkuna u leeyahay Xawaash iyo Hayl dhegta ku khasba inay dhegaysato, daawato ama akhrisato. sidaa darteed Tuke maaha nin hadalka marada ka siiba. Wuxuu isticmaalaa tiraab asturan oo luqada tayadeeda muujisa.  
Inkasta oo labeenta luqaddu tahay suugaanta, hadana, Tuke maaha Af-maal Tix curiya, hase ahaatee wuxuu leeyahay hibo kale oo farshaxan oo taa la hayb ah. dabcan, qof kastaaba ma awoodo inuu yeelo sidaas, laakiin kii Eebbe siiyo hibadaas ayaa kara.
Wuxuu leeyahay dhegaystayaal badan oo sida Soomaalidu u sugto BBC-da u dhawra imaatinkiisa. mar mar iyo dhif danihiisu meel kale u leexshaan mooyaane, inta badan galabtii waxa u caado ah inuu tago Makhaayad shaaha laga cabo oo ay asxaabtiisa ku wada caweeyaan.
Waayaha aduun waa wacaal badan oo tabco iyo taag baa mar kasta isku maran, guusha iyo guul-daraduna waa is hareer socdaan, aadamuhuna faallada iyo falaynqaynta nolosha kama daalo, hadba wixii taagan ka warankeedana qofba meel buu ka abaaraa oo hadalkana la kala odhan og, Ilaahayna la kala baryi og. Soomaaliduna meelna kuma kala maqna ismana ogola. 
Taariikhdu waa 29.june.2010, goobtuna waa badhtamaha magaalada Oslo. si fiican ayaa loo soo camiray  masraxii makhaayada ee Rashiid Tuke jillaaga koowaad ka ahaa. Galabtaa waxa loogu urursanaa si ka wayn sidii hore. sidii dumar taraaraystay(ducaystay) oo Sitaad tumanaya, jibbo-na meel ay marayaan aan is ogayn ayaa muuqaalku u ekaa. Qofkii kale ee jabaq hadal ka soo yeedho, ayaa mar keliya afka lagaga wada boodayay. Siday sheekada Rashiid Tuke u dhegaysanayaan waxaad moodaa, bukaan sayloon ku socdo oon nuuxsi loo ogolayn.
Afkiisa ayuun baa sidaa loo wada eegayay.  ” Saaxiibayaal xalay waan riyooday.  mid fariin fiican xambaarsan bay ahayd. riyadaasi waxay i tidhi, Rashiidow tagooggaaga waxa ku jira wiilkii Soomaali dhibta haysata ka saari lahaa. inkasta oo uu war farxad leh yahay, hadana Anigu waan ka naxay. sidaa aawadeed, waxaan go’aansaday wiilkaasi in aanuu dhalanin. si ay taasi iigu suura-gashana waxaan goostay in aanan guursan. markaa, horena uma guursan hadana guursan maayo”.       
Mid huuhaa u qaatay oo qosol ku dhaafay, mid in ujeedo ka danbayso fahmay oo gunaanadka dhawraya, ninba dhan uu ka ursadayba cabaar baa guux iyo hadal googoos  ah lays dhex waday.  intaas kadibna waxa hadalkii qaatay Kurtin oo laftiisu nin hadal yaqaana ah, waxaanuu yidhi;  ”Rashiidow horta ku jirabi mayno oo khayaalkaagan meel kale ula kici maayo, balse sadex hal baan ku leeyahay. midi waa iga jawaab, midna waa iga ilaaq, midna waa iga su’aal. midi waa iga jawaaboo, waxaad noo sheegtay inaad tahay xaasid aan jeclayn inay  umaddiisu dhibta ka baxdo. midna waa iga ilaaqoo, ka tagooggaaga ku jira ee aad sheegayso kii Soomaali dhibta ka saarayay Ilaahayba kama dhigo. waxse iga su’aal ah, maxaa kugu keliftay inaad sidaa yeesho”.
Rashiid Tuke lama habsaamin jawaabtii ee markiiba wuxuu la wareegay hadalkii waxaanuu yidhi; ” Kurtinow, walaal horta xaasid ma ihi, dadkayga iyo dalkayguna in ay dhibta ka baxaan anigaa jecel, hase yeeshee sidan aynu nahay maaha sidaynu dhibta kaga baxaynay, waayo in yar baynu danteenii ku daawanaynaa. Markaa intaynu sidan nahay waxaan ka baqayaa wiilka, in aan qaan gaadhba lala sugin, sidaa darteed, intii lagu qarxi lahaa  ama cid kale lagu qarxin lahaa, in aanuu dhalan baan ka door biday”.
Daqiiqado kadib makhaayadii masrixiyadani ka socotay waxa soo hor maray, Ey koran oo bidhaantiisu ku soo jiidanayso. quruxda dhogortiisa aad yaabto. xannaano iyo daryeel ka muuqdo. lagu tabcay oo korkiisa in washakh yari gaadho laga ilaalinayo. daryeel caafimaad iyo dhaymo haysta. buuggaag xambaarsan oo iskuul ka soo rawaxay. garanaaya jidka uu marayo oo ku sii jeeda gurigiisii. markuu hoygiisa gaadho loo maydhayo, Tuwaal qaaliya qoyaanka biyaha lagaga masaxayo. shaqadii uu qaban lahaa markuu iskuulka dhameeyo loo sii diyaariyay. adeega guriga dhiniciisa ka galaya. wixii loo diraba qabanaya. amarka la siiyo sidiisa u fulinaya……
Kaasi Arday buu ahaayee mid kalaa ka daba yimi oo isla goobtii soo maray. kani waa Ey shaqaale ah oo iskuulkii dhameeyay. mushahar qaata oo waajibkiisa gudanaya. Wuxuu ku guda jiray hawl maalmeedkiisii. wuxuu hagayay nin indhoole ah oo uu u shaqeeyo. Waa dabiici xayawaanka intii isku hayb ahiba inay isku soo leexdaan oo isa salaamaan markay is arkaan. hase yeeshee Ey-gani wuxuu gashan yahay shaadh ay ku qoran tahay; ”hay mashquulin shaqaan ku jiraaye”. Sidaa daraadeed, inta uu shaqada ku jiro kuma weecanayo Ey kale.
Bal qiyaasa labadaa, Alla kala fogaa!….

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *