Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
Wariye Madaxbanaan
Xukuumadda Cusub ee Somaliland oo xilka haysay muddo ku siman laba bilood ayaa durba waxaa ku bilaabmay weeraro iyo dacaayado ku lid ah oo si togan iyo si tabanba loogu soo marinayo warbaahinta Maxaliga ah. Maadaama

oo ay xukuumadda cusubi xilka haysay muddo aad u yar maxay yihiin dhaliilaha iyo weerarada la kowsaday.?
Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maalin kadib markii xilka loo dhaariyay uu ku dhawaaqay dawlad kooban oo tiradeedu dhantahay 20 wasaaradood oo ku dhisan xul iyo aqoon sida dadka badankiisu rumaysan yihiin, ama laga dheehan karo masuuliyiinta xilalkaasi loo dhiibay.
Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo dadka arrimaha siyaasadda odorasaa ku tilmaameen mid aan ku dhisnayn xisbi iyo qolo toona, iyada oo aan haatan joogin wakhti lagu dhaliilo maadaama oo aanay dhamaanin boqolkii maalmood ee ugu horeeyay xilkeeda oo ay balan qaaaday bixinta mushahaarooyinkii shaqaalaha ee ay xukuumaddii hore ka tagtay, dhamaystirka biriijka labaad ee Caasimadda Hargaysa iyo dhamaystirka wadada isku xidha magaalooyinka Dila iyo Boorame. Iyada oo xukuumadda Axmed Siilaanyo oo xilka haysa wax ka yar lixdan maalmood waxa ay xaqiijisay in ay fuliso qorshaheedii boqolka maalmood, iyada oo la bixiyay sida mushahaarooyinkii shaqaalaha, sida dhismaha biriijka oo hadda hawshiisu socoto iyo sida wadada isku xidha Dila iyo Boorame oo iyana la sheegay in la bixiyay lacagtii loogu talo galay dhismaheeda.
Sidoo kale waxa ay xukuumadda Axmed Siilaanyo xaqiijisay in ay toban laabto dakhligii ka soo xaroon jiray ilaha dhaqaalaha dalka, oo intiisa badan la lunsan jiray ama la musuqmaasuqi jiray.
Iyada oo ay taasi jirto, ayaa haddana dhinaca kale xukuumadda waxaa ku bilaabmay weeraro iyo dacaayado ba’an oo gaar ahaan kaga imanaya dhinaca saxaafadda. Taas oo ay dadka inta dhinaca wanaagsan wax ka eegaysaa ay ku tilmaameen mid degdeg ah oo aanay xukuumaddani gaadhin wakhti dacaayado iyo dhaliilo durba lagu duro.
Dacaayadahaas ayaa badidoodu waxay ka soo jeedaan cuqdado iyo colaado siyaasadeed, waxa kale oo qayb ka qaadatay  danaysi iyo awood kala riixasho markiiba degdeg uga bilaabmay Madaxtooyada dhexdeeda.
Dacaayadahan oo ka bilaabmay magacaabistii xilka Cheaf  of Cabinet-ka, ayaa markiiba waxa ay iftiimisay dhaliisha Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay waajibaadkiisa ka mid ahayd in uu shacbiga u iftiimiyo ama sharaxaad ka bixiyo macnaha iyo masuuliyadda Cheaf Of Cabinet-ka oo ahaa xil ku cusub hanaanka dawladnimo ee Somaliland, iyada oo looga baahnaa Afhayeenka  in uu dadka ugu sharaxo, sidii uu guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu u sharaxay isaga oo ku tilmaamay dhawaan mar saxaafaddu wax ka waydiisay, in macnaha Cheaf of Cabinet uu yahay Kaaliyaha Madaxwaynaha ee aanu ahayn sida loo buunbuuniyay.
Iyada oo ay su’aashaa hore ka taagan tahay xil gudashada Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Cukuse, ayaa haddaba waxaa soo baxay maalmahan danbe xogo iyo dareeno tibaaxaya in Afhayeenka Madaxtooyada laftigiisu uu ka qayb qaatay fidinta dacaayadaha iyo buunbuuninta laga sameeyay jagada Cheaf Of Cabinet-ka iyo shaqada Madaxtooyada.waxaanay xogahaasi tilmaamayaan in Afhayeenku ka qayb qaatay shaqadiisa inta badanna ka dhigtay hawlaha siyaasadeed ee ka socda madaxtooyada oo mararka qaarkood ay ka dhashaan isku dhacyo yaryar oo dhinaca ra’yiga ah iyo is xulufaysiyo siyaasadeed.
Waxa kale oo soo baxay dareeno ah in uu Afhayeenku ku mashquulsan yahay inta badan fulin ajandayaal iyo awood samaysasho shaqsi ah, halkii ay ahayd in uu noqdo shaqaale ku kooban hawsha loo xilsaartay.
Kasokow waxa jira in aanu abuurin saaxad ay saxaafadda madaxa banaan iyo madaxtooyadu ay ku wada xidhiidhaan, taas oo suuro-gelin lahayd in wixii warar ah ee ay helaan war-fidiyeenadu ay isaga wax ka waydiiyaan (Afhayeenka). Iyada oo weliba warsaxaafadeedyada ka soo baxa madaxtooyada aanay wada helin saxaafadda xorta ahi, balse loo diro ama la siiyo in gaar ah, iyada oo saxaafadda qaarkood ay arrintaa aad uga cabanayaan. Waxa kale oo jira khaladaado ay dad badani u arkaan ula kac oo uu sameeyay Afhayeenku muddadii koobnayd ee uu joogay xafiiska, waxaana ka mida sida beeninta War aan macno badan samaynayn, balse loo arkay in ujeedada uu u beeninayay ay ahayd in uu sare u soo qaado magaca wargayska warka qoray oo ahaa caddadkiisii labaad ee uu soo baxo.
Waxa kale oo la sheegay in uu dhex booday dhinacyo siyaasadeed ama loolano dano ganacsi ahi ka dhexeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, goldaloolooyinka dibada u soo baxay waxa qayb wayn ka ah Afhayeenka iyo hawl-wadeenada kale ee madaxtooyada oo ha noqoto khibrad la’aan ama badheedhe shaqadooda ay ka muuqdaan dayac, daacad-darro ama bisayl la’aan.

Axmed, Maxamed Saleebaan (Dhugfe)  
E-mail:suxufi114@gmail.com
Mobele: 0025224422174

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *