Naadiyadda Ciyaaraha Somaliland Weli May Fahmin Xuquuqdooda iyo Awooda Ay Leeyihiin, By Axmed Ismaciil XuseinWaxaan is weydooyay Su’aal u baahan inay ka jawaabaan xubnaha Gollaha Wakiilada ee Somaliland iyo Shir-gudoonkoodu, shacabku waxay ogaayeen inay soo doorteen 82 xubnood oo ay ahayd inay matelaan

 

Shacabka una shaqeeyaan oo shaqada dastuurku siiyay ay qabtaan.
Waxa shacabka u cuntami la, marka ay Arkaan doodaha Fadhiyada Gollaha Wakiilada oo ay ka soo xaadiraan marka ay ugu badan tahay 55 xubnood siiba doodaha xaasaasiga ah ee danta gaarka ah laga leeyahay. waxa shacabka aan ka midka ahay niyad jab ku haya marka aan aragno kuraasi badan oo haawayaysa marka ay socdaan kalfadhiyada Golluhu taasi oo foolxumo iyo sharaf dhac ku ah qaranka iyo shacabkii soo doortay Gollaha Wakiilada.  Xildhibaanada maqani maxay ku maqan yihiin, miyaanay Kitaab jaamaca shacabka ugu dhaaran inay si daacad ah ugu shaqaynayaan Qaranka Somaliland.

Miyaanay dhaarta ka mid ahayn inay Fadhiyada Gollaha soo xaadiraan oo ay shaqadii loo igmaday si daacad ah u qabtaan.  Ma sedexda saacadood ee ay fadhiga golaha fadhiyaan ayay siin kari waayeen umadii soo dooratay.  Waa nasiib daro weyn oo qaran jab ku ah Dalka in Xildhibaanadii la soo doortay oo marka horeba wakhtiga ay shaqeeyaan ahayd sedex saacadood oo subaxnimo ah, ay hadana u quudhi waayeen shacabkooda ka sugaya inay Ansixiyaan Shuruucda aadka u badan ee isdul-taala Gollaha dhexdiisa, shuruucdan oo hadii la ansixiyo wax weyn ka badeli lahayd nolosha dadka reer Somaliland, keenina lahayd maal-gashi Caalamiya.
Shacabka way u tirsan yihiin Xildhibaanaada fiican ee balankoodii ka run sheegay ee soo xaadiraya kalfadhi kasta iyo kuwa maalin qudha soo fadhiisan kalfadhiyada ee markasta oo aad ka daawato TVyada ay madhan yihiin kuraastoodii.
Gollaha Wakiilada ee aan soo dooranay, waxan leeyahay wakhti yar ayaa idiin hadhay, waa inaad si adag u shaqaysaan oo aad ka shaqaysaan shuruucda faraha badan ee Gollaha taala.  Gollihii Guurtida ayaa xiitaa bilaa shaqo u noday Golllaha Wakiilada maadaama Shuruucdii uga iman jirtay Gollaha Wakiiladu aanay jirin wax uga yimaada Gollaha Wakiiladu marka laga reebo mid iyo laba ka yimaado mudo dhawr bilood ah.
Waxan leeyahay Shir-gudoonka, wixii khilaafa ee idiin dhexeeya waa inaad si qarsoodi ah ku dhamaysataan oo aad danta qaranka meel uga soo wada jeedsataan, iskana daysaan saxaafada aad iskula hadlaysaan. Golluhu wuxu u baahan yahay hadal yar iyo shaqo badan.
ALLAA MAHAD LEH
Yuusuf S. Wacays

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *