FaleeboUmmad kasta oo dunidan ku dhex nool waxaay leedahay Hiigsi iyo hami dheer, Wadankasta wuxuu leyey rajo iyo in uu ugu horeeyo aduunka,  Jamhuryada dimuqradiga ah ee Somaliland waxaay jirtay ku dhawaad 24 sanadood

 

kadib la soo noqoshadii madaxbanaanidii luntay 1960kii , Halgan dheer dhib iyo rafaad ayay u soo martay sidii ay u soo ceshan lahayd dadkeeda lumay iyo dhulkeeda,  waxay ku qadataay sanado badan, waxaa ku naf wayay Kumanaan kun oo ruux, waxaa ku agoomabay Boqolaal kun oo caruur ah, waxa asay madaxa loo saraay boqolaal Hooyooyin oo reer Somaliland ah.

Waxaas oo dhan waxaa loo sameyey sidii mar uun jiilka danbe ee dhalan doona ay u heeli lahyeen wadan xor ah oo ay si nabdoon ugu nolaan karaan, taasina way dhacday oo manta dhalinyardi dhalataay la soo noqoshadii kadib waa wada jaamiciyiin way dhawr iyo labatan jirsadeen waa ubaxa dalku uu maanta ku faano.

Taasi waa mid loogu Mahad naqo Ilahay 24sano kadib markii ay dhalinyaradeena iyo shacabkeena Somaliland uu ku soo bar baray wadanka ugu nabdoon Geeska Africa balse waxay ka mid tahay wadama la tiryo ee aan wali aqoonsi ka helin beesha calmaka balse la sadalinayo aqoonsigeeda Hadii Allaha awooda leh inoo suurto galiyo.

Calanka Somaliland ayaa leh sadex midab Casaan oo ah kan ugu hooseeya, oo micnahis muujinayo dhigii dalka loo soo huray, waa kan labaade waa cadaan oo ah Nabada aan haysano,, xidigta dhex oo la modaoobeyey wixii loogu yeedhi jiray 5tii Somaliwayn, kan ugu sareeya o ah hor umarka iyo barwaqada Somaliland ay so gadhay.

Hadaba, haddii marwo wariye amina weheliye hore u tidhi waxan saartay madaxa GAMBO CAD oo ah kafan aan madaxa ku duubtay ilaa Somaliwayn nabad ku soo noqonayso iyo midnimo, anigu waxaan go’aansday in aan Masar/Gambo CAS ku qaato madaxa ilaa inta Somaliland ka helayso Aqoonsi midabka cas oo mujinaya in halgankii iyo dhigii Somaliland loo soo huray anay ahayn mid si dhayal ah lagu ilabaayo aniga oo ku fanaya wadankayga waxaan leyey ha ka dalina radinta aqoonsiga iyo jiritanka Somaliland.

Waxaa qofkasta oo reer Somaliland ah ku fekerayaa sidii uu kor ugu qadi lahaa calanka Somaliland aduunka meelkasta oo uu ka joogo waxaan dhamanteen hiigsanaynaa sidii aan u ilashan laheen Nasiibka aan dheernahay Somalida kale iyo wadamo badan oo adunka ah, nasiibkaas oo ah NABADA aan ku faano, aduunka meesha ay ka jirto Nabad waxay u horseedaa hor umar iyo badhaadhe.

Ugu damayntii horumarka aan gaadhnay waxa inoo suurtogaliya nabad, runtii Jamhuuriyadda Somaliland waxay haystaa shacab ku fana gooni isu tageeda iyo madaxbananida, waxaana dhammaanteen aan rajaynaynaa in aan aqoonsi buuxa helno.

Bintu Somaliland/Hargiesa

Ilham Hassan Aliweyd (Faleebo).

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *